ARRIN XIISO LEH: Salman Khan Wuxuu Iska Bareejeyn Doonaa Varun Dhawan Filimka Judwaa 2!

Tan iyo markii lagu dhawaaqay inuu la sameyn doono qeybta labaad ee filimka Judwaa ee (Judwaa 2) waxaa si weyn looga hadlayey atooraha hogaamin doona filimkaan ee Varun Dhawan, taageereyaasha ayaana tilmaamayey inay si weyn ula dhacsan yihiin in doorkaan loo doortay Varun Dhawan.

Salman Khan, ayaa sameeyey filimkaan qeybtiisii koowaad (Original Classic), wuxuuna filimkaan Judwaa 2 ku yeelan doonaa door marti ah.

Si kastaba ha ahaatee, wararka kasoo baxaya India ayaa sheegaya inuu Salman Khan door laba waji ah ku sameyn doono filimkaan, si la mid ah Varun.

Ilo ku dhow kooxda filimkaan ayaa saxaafadda u sheegay: “Salman wuxuu filimka Judwaa 2 uga soo muuqan doonaa laba door waana Raja iyo Prem, waana labadii door ee rasmiga ahaa ee uu ku sameeyey filimkaan Judwaa sannadkii 1997kii ama 20 sanno ka hor.

“Salman wuxuu labadaan door shaashadda kula wadaagi doonaa Varun oo isna laba door ku sameyn doona filimkaan. Filimkaan waa mid naqshad ahaan si weyn looga shaqeeyey”.

Filimkaan waxaa agaasime ka ah David Dhawan, Judwaa 2 ayaana la daawan doonaa 29ka bisha September 2017ka. Waxaana sidoo kale filimkaan xiddigo sarre ka noqon doona labada atariisho Taapsee Pannu iyo Jacqueline Fernandez.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com