Aasaasaga Shirkada Facebook ee magiciisa la yidhaahdo Marka Zuckerberg ayaa waxa uu mar kale qirtay in uu ku kacay qaladaad tira badan.

Mark

Marka ayaa waxa uu soo dhigay bogiisa gaarka ah qoraal u dhignaa sidan “sanadadii ay shaqaynaysay shirkada Facebook waxa aan galay qaladaad badan,dhamaan qaladaadka la malaysan karo oo dhan “.

Marka oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu yidhi ” waxa aan galay tobanaan qalada oo dhinaca tiknikada ah iyo sidoo kale heshiisyo aad u xumaa,waxa aan ku kalsoonaaday dad aanay haboonayn in lagu kalsoonaado,dad aad y maskax badana waxa aan u magacaabay meelo aanay u qalmin oo ka hoosaysa meelihii ay u qalmayeen in ay ka shaqeeyaan.

Shirkada Facebook ayaa waxa lagu eedeeyay in dadka isticmaala ay u ogolaato in ay ku baahiyaan macluumaad qaldan ,toddobaadadii u dambeeyay ayaa waxa shaacisay Shirkada Facebook in cabashooyinkaasi ay wax ka qaban doonto isla markaana ay xal u samayn doonto cabashooyinkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA