Atariishada Bollywood Sonam Kapoor Oo Ka Hadashay Arrimo Xiiso Leh Oo Ku Saabsan Wiilka Lagu Xanto Anand Ahuja!

Atariishada weyn ee shirkadda aflaanta Bollywood Sonam Kapoor ayaa waxaa muddo dheer lagu xamanaayey inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyo Anand Ahuja, wararkaas xanta ah marnaba hoos uma aysan dhicin.

Sonam Kapoor waxay marti ku aheyd showga Koffee With Karan 5 xalqaddiisii ugu dambeysay, waxaana xusid mudan inay xalqaddaan kula jirtay atariishada ay saaxiibka dhow yihiin Kareena Kapoor Khan.

Daadihiyaha barnaamijkaan Karan Johar ayaa weydiiyey Sonam su’aalo ku saabsan xiriirka kala dhexeeya Anand Ahuja, waxaana xusid mudan inay si wanaagsan isku difaacday Sonam.

Gabadha uu dhalay halyeeyga Bollywood Anil Kapoor ayaa tiri: “Markasta waxaan shukaansadaa wiil ganacsade ah oo degan London. Laakiin arrimaha ku saabsan nolosheyda shaqsiga ah cidna kalama hadlo.

“Sidaas darteed aan su’aashaan meesha ka saarno. Waxaan u maleynayaa inay tahay su’aal ay ka baqeyso cid kasta. Sidaas darteed ma jecli inaan ka hadlo sababtoo ah waxaan doonayaa inay wax walba oo ku saabsan nolosheyda gaarka ah ay aniga gooni ii ahaadaan.”

Si kastaba ha ahaatee, wararkaan xanta ah uma muuqdaan kuwo qaboobaya sababtoo ah Sonam iyo Anand Ahuja sawirro badan ayaa si wadajir ah looga qabtay, kuwaasoo muujinaya inuu xiriir jaceyl labadooda ka dhexeeyo.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com