Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Author Archives: abdikadir Farah

Weriyaha Caanka Ah Ee Fox News, Pete Hegseth Oo Sharraxay Sababta Aanu Toban Sano U Faraxalan

Hargeysa (Hawraar)- Barnaamij soo jeediyaha caanka ah ee Pete Hegseth oo ka tirsan talefishanka Fox News ayaa sheegay in aanu muddo toban sano ah farihiisa dhiqin, isaga oo sababtana ku sheegay in aanu aaminsanayn jiritaanka Bakteeriyada la sheego in ay caafimaadka dhaawacayso oo ay tahay in laga faraxasho.

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN safarkii shanaad ee Sindibaad iyo odaygii badda.  Qeybtii 44aad.

Sheekada waxay noo mareysay markii aan odaygii caawiyay misna geedkii hoostiisa geeyay oo uu igu dhagay sidoo kalana uuna bilaabay I nuu I garaaco.

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN safarkii 5aad ee sindibaad iyo odaygii jaziirada qeybtii 43aad.

Waxaan ka cudur daaranayaa hadii aad kala kulantaan  sheekada error typing inaad ii cudur daartaan waayo boobsiis ayaan ku qoray waqtiga oo igu yaraa dartiis.

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN qeybtii 42aad safarkii afaraad ee Sindibad iyo markii nolosha lagu Aasay.

Sheekada qeybtii hore waxay noo mareysay markii uu ninkii naagtiisa ka dhimatay uu ii sheegay in dadka jaziiradaan ku nool ay dhaqan iyo caado u leeyihiin in hadii ninka ama naagta uu midkood dhinto kan kalana laga daba geeyo oo labadoodaba hal qabri lagu duugo.

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN qeybtii 39aad. Safarkii sadaxaad ee Sindibaad iyoo Sheydaankii Madoobaa

Sheekada qeybtii hore waxay inoo mareysay markii uu sheydaankii madoobaa iska tagay anagana aan isugu imaanay shir si aan uga wada hadalno sidii aan nafteena ku badbaadsan laheyn.

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN qeybtii 36aad safarkii badmaaxii Sindibaad iyo jaziiradii dheymanka aheyd.

Sheekada waxay qeybtii hore noo mareysay markii aan ogaaday in masaska maalinkii aysan soo bixin oo ka cabsadaan haadka balse ay habeenkii soo baxaan.

Ma Og Tahay In Xawaaraha Bixista Timuhu Ku Xidhan Tahay Qaaradda Aad Ka Soo Jeeddo Iyo In Ay Jiraan Habab Dabiici Ah Oo Kaa Caawinaya Bixistooda

Hargeysa (Hawraar)- Akhriste, ma’ ogtahay in timaha dadka isir ahaan ka soo jeeda qaaradda Eeshiya ay celcelis ahaan bishii baxaan inta u dhexeysa 1.5 illaa 2 Sentimitir, halka timaha dadka Afrikaanka ahi ay celcelis ahaan

SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN (1001) qeybtii 30aad oo caawo xiiso gaar ah leh.

Maalintii xigta markii la gaaray ayay duqdii ii timid ayadoo wajigeeda nooc kale yahay waxayna igu dhahday “wiiloow waxba ha I warsan waayo aniga markaan gabadhii u tagay hadalkaagiina u sheegay way igu xanaaqday waxayna igu dhahday aamus cajuusayahay xadkaaga haka soo gudbin hadii kale ciqaab daran ayaad la kulmi doontaa”

Markii ay sidaas I dhahday ayaan xanuun daran dareemay xanuunkaas oo ka darnaa kii hore ii haayay waxaana dareemay walbahaar daran.

Duqdii markkii ay I aragtay ayay igu dhahday gabadha sidaas ugama harayo barina waan u laaban wixii ka dhacaayo haka dhacaane.

Maalintii xigtay ayay duqdii baxday waxayn ii timid galabkii markaas ayay igu dhahday bishaareyso waxaan kuu wadaaakhbaar farxad leh.

Markii aan hadalkaas maqlay ayaan dareemay in ruuxdeyda jirkeyga kusoo laabaneyso waxaan ku dhahay duqdii “maxaa khabar ah oo ii heysaa?”

Waxay igu dhahday aniga shalay markaan kaa tagay waxaan ahaa mid aad u murugeysan una tiiraanyeesan waxaana ka baqayay gabadha markaan u laabto in ay marrkale isoo deyriso kadibna xaalkaaga kasii daro.

Markii aan u tagay anigoo aad u murugeysan wajigeygana walbahaar wey ka muuqdo ayay gabadhii igu dhahday maxaa kugu dhacay oo sidaan dhan ugu murugeysantahay?

Waxaan ku dhahay aniga shalay ayaan kuu imid waxaana fariin kaaga waday wiil aad kuu jecel jaceyl uu kuu qabayna sariirta la saarnaa, markii aan fariintiisa kuu sheegay waad I deyrisay ana markaan deyradaada u sheegay ayuu kasii daray wuxuuna hada ku suganyahay nolol iyo geeri dhexdooda.

Markaas ayay igu dhahday; wiilkaan xaalkiisa muxuu yahay bal iiga warbixi.

Waxaan ku dhahay waa wiil aad u wanaagsan qalbi jilcan maalmo kahor ayuu wuxuu kugu arkay arooskii heblaayo wuuna ku jeclaaday jaceyl waali ah ilaa uu kala jiraday sariirtana ka koray hadana wuxuu qarka u saaranyahay xaalad halis ah taasoo ah inuu jaceylkaaga u geeriyoodo hadii aan dagdag looga gaarin.

Markaas ayay igu dhahday iyadoo xoogaa murug dareentay; waxaan oo dhan ma dartey ayuu u murayaa? Markaas ayaan ku dhahay haa wlhi hadaad rabto waan kuu keeni karaa.

Waxay igu dhahday u tag iguna salaam una sheeg inuu ii yimaado maalinta jimcaha salaada kahor inta aabo uu masjidka ku maqanyahay kadibna intuusan soo laaban ayaan soo dirayaa.

Markii aan maqlay hadalkii habartii duqda aheyd waxaa igu tagay dhamaan wixii xanuunahaa ee I haayay qalbiga ayaana ii dagay waxaana dareemay farxad aad u weyn markaas ayaan duqdii lacag badan siiyay una duceeyay maadaama ay howl adag ii qabatay.

Maalintii jimcaha markii la gaaray ayay duqdii ii imaaday oo xaalkeyga iga wareysatay waxaana u sheegay inaan fiicnahay kadibna waan is diyaariyay anigoo ku labistay labis heer sare si fiicana isku carfiyay waxaana damcay inaan baxo.

Hase yeeshee duqdii ayaa igu dhahday waqti kugu filan ayaad heysataa walina lama gaarin waqtigii balanta ee kawaran hadaad timaha iska jarto waqtiga kuu haray oo aad is qurxiso?

Markaas ayaan ku dhahay waa runtaa waxaana wiil yar u diray inuu ii keeno timo jare sare misna caaqil ah si heer sarana wax u jari yaqaano asluubtiisana sareeso.

Kadibna wuxuu ii keenay odaygaan tima jaraha ah markuu ii yimid ayuu I salaamay oo xaalkeyga iga wareystay waxaana u sheegay inaan roonay markaas ayuu ii gudo galay timo jarista iyo sida ay u wanaagsantahay inuu iiga sheekeeyo markaas ayaan daldalankiisa dhibsaday waxaana ku dhahay; warkaan badan iga jooji waxaan aheyn inaad madaxa ii jarto kuuguma wicine.

Markaas ayuu igu dhahay hadii aad ogaan laheyd arinka xaqiiqdiisa waxaad iga dalban laheyd inaan warka kuu sii bayaaniyo waxaana maanta kuugu baaqayaa inaad sameyso waxaan ku dhaho, anagoo meerayaasha ka tusaale qaadaneyno hana cabsanin waayo aniga waan kula talinayaa waana kuu naxariisanayaa, anigoo sidoo kalana mudo sanad kaamil ah kuu khidmeyn doono wax ajar ahna kaama rabo.

Markii aan hadalkiisa maqlay ayaan waxaan ku dhahay; inaad maanta war igu disho ayaad rabtaa soo ma ahan balaayo war badane.

Markaas ayuu I dhahay sayidii waa aniga kii ay dadka ugu yeerayeen inuu yahay ki aamusnaa  hadalyarideyda owgeed waxaana gooni ka ahay walaalaheyga oo warbadni looga haray, midka koowaad waxaa la yiraahdaa Baqbuuq, midka labaadna waxaa la yiraahdaa hadaar, midka sadaxaadna waxaa la yiraahdaa baqiiq, midka afaraadna waxaa la yiraahdaa kuuz, midka shanaadna waxaa la yiraahdaa cushaar, midka lixaadna waxaa la yiraahdaa shaqaaliq, midka todobaadna waxaa la yiraahdaa saamit waana aniga saamitkaas aamuska badan .

Markuu timo jarihii saas I dhahay ayaan dareemay in madaxa I qarxi rabo war badnidiisa owgeed markaas ayaan wiilkii ii keenay ku dhahay war ninkaan hal dirham sii oo iga wad inaan sii arko ma rabee xitaa in timaha la ii jaro ayaananba rabin waaba iska dhaafay wlhi.

Timo jarihii markuu hadalkeyga maqlay ayuu wuxuu I dhahay; waxaan u maleynaa inaadan garaneynin darajada aan leeyahay, aniga gacanteyda waxay qabataa madaxyada boqorada, waaliyada garsoorayaasha iyo raga ugu sareeyo dowlada mark aka fiirso.

Markaas ayaan ku dhahay; war warkaaga ma rabo madaxa ayaadba I xanuujisay ee iga tag.

Wuxuu iigu jawaabay…..

 

La soco qeybta 31aad bari insha’allaah.

Isbeddelka Cimilada Oo Ka Mid Noqday Sababaha Keena Cudurka Macaanka Ee Dunida Ku Sii Badanaya

Dubai (Hawraar)- Muddo dheer ayaa ay culimada ku xeeldheer cimiladu ka digayeen in kor-u-kaca heerkulka adduunku uu saamayn khatar ah ku yeelanayo caafimaadka qofka, gaar ahaan isbeddelka cimilada oo lagu xidhiidhinayo cudurro badan o oaan dawo lahayn iyo nafaqo darro in uu keeni karo.

Cilmibaadhis tijaabadeeda la waday intii u dhexeysay 1996-kii illaa 2009-kii ayaa lagu oagaaday in heerkulka dalka Maraykanku uu kordhay, isla markaana uu la kordhay faafitaanka cudurka macaanka, sida ay ku warrantay majaladda BMJ oo ka faalloota arrimaha caafimaadka.

Leizan Blaw oo ah haweenay cilmibaadhe ah oo ka tirsan xarun caafimaad oo ay leedahay jaamacadda Leiden ee dalka Netherland ayaa sheegtay in ay amakaag ku noqotay in dalka Maraykanka mar kasta oo dhibic / darajo ku korodho heerkulka dhulka ay sababi karto in ka badan boqol kun oo xaaladood oo cudurka macaanka ah sannadkii.

Cudurka macaanka noociisa labaad oo inta badan ku yimaadda miisaanka dheeraadka ah ee qofka fuula ama hidde, ayaa ay hadda kadib khubarada caafimaadku ku xisaabtami doonaan in uu sidoo kalana ku iman karo saamaynta ka timaadda isbeddelka cimilada. Laakiin waxa ay xeeldheerayaashu sheegayaan in hadda ay wadaan bal in la ogaado sababta runta ah ee keentay in cudurkan iyo isbeddelka cimiladu xidhiidh yeeshaan, in kasta oo ay goor horeba culimadu ogaadeen in heerkulka kordhaya uu saamayn ku yeelanayo noocyo ka mid ah dufanka jidhka ku jira iyo nudaha duxeed oo heerkulka ay u baahnaayeen hooseeyey maadaama oo shaqadoodu tahay in ay jidhka kululeeyaan si ay u gubaan dufanka jidhka ku jira, laakiin marka ay iyagii aad u kululaadaan ay taasi yaranayso awooddii ay u lahaayeen in ay caabbiyaan Insulin ta iyo sonkorta.

The post Isbeddelka Cimilada Oo Ka Mid Noqday Sababaha Keena Cudurka Macaanka Ee Dunida Ku Sii Badanaya appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Naas Nuujintu Waxa Ay Ilmaha Ka Ilaalisaa Qal-Qaallinimada, Dugsiga Barbaarinta Ee Ka Horreeya Waxbarashada Iyo Ciyaartuna Waxa Ay Dhisaan Maskaxda

Washington (Hawraar)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta lixda bilood ee hore ee cimrigooda naaska si fiican loo jaqsiiyo ay aad ugu yar tahay in ay yeeshaan anshax xumo iyo qalqaalinnimo aan caadi ahayn oo carruurta qaar lagu arko inta ay da’doodu u dhexeyso 7 illaa 11 sano jirka. Cilmibaadhistan oo lagu sameeyey dalka Koonfur Afrika ayaa baadhis tijaabo ah laga qaaday in ka badan 1500 oo carruur caafimaadkoodu fiican yahay ah, 900 oo ka mid ahina naaska si fiican u jaqeen Lixdii bilood ee noloshooda u horreysay, waxa aana ka soo baxday in carruurta lixda bilood ee u horreeya dhalashadooda kadib si fiican naaska loo jaqsiiyo ay boqolkiiba 56 ku yar tahay in xilliga waxbarashada aasaasiga ah lagu arko anshax xumo, qalqaallinimo iyo hab-dhaqannada aan la jeclaysan ee carruurta qaar xilligan lagu arko.

Tomson Rochat oo ka tirsan golaha cilmibaadhista iyo sayniska aadamaha oo xaruntiisu tahay magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika, maalgelintiisana ay bixiso dawladda Kanada ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Jaqsiinta dabiiciga ah ee ilmuhu waxa ay leedahay muhiimad aad uga weyn sidii aynu marka hore moodaynay, marka la eego faa’idada ay u leedahay dhinacyo badan oo ah koritaanka ilmaha”

Tomson Rochat waxa uu intaas ku sii daray, “Anashax darrada iyo qalqaallinimada carruurta qaar lagu arko ayaa inta badan keenta hab-dhaqan cadaawadi ku jirto oo ka hor imanaya hab-dhaqanka caadi ahaan bulshadaa lagu yaqaannay, waxa aanay arrintaasi saamayn ku yeelataa waxbarashada ilmaha iyo xidhiidhka uu faciisa la leeyahay, aakhirkana waxaa ka dhalan karta mushkilad la xidhiidha kalsoonida ilmuhu ku qabayo naftiisa oo daciifta iyo khalkhal dhinaca caafimaadka maskaxda ah. Waxa iyadana lagu arkaa in mustaqbalka uu ilmahaasi ku fashilmo xirfaddiisa shaqo”

Dhinaca kalana waxa ay daraasaddani muujisay in carruurta ugu yaraan hal sano oo dugsiga rasmiga ah ka horreysa ku soo qaata dugsiyada xannaanada ah (Kindergarten) ay fursad ka badan boqolkiiba 74 u leeyihiin in uu kor u kaco oo adkaado caafimaadkooda maskaxeed, dhugmadooda, feejignaanta iyo baraarugsanaanta maskaxdooda iyo sidoo kale in ay awoodi karaan xafidista iyo fulinta tilmaamaha iyo talooyinka ku hagaya guusha, arrimahaas oo ay xeeldheerayaashu sheegeen in ay maskaxdu u baahan tahay si ay uga badbaaddo maahista, maqnaanshiyaha iyo kala daadsanaanta una yeelato karti ay ku habaysato hawlaheeda shaqo kuna xakamayn karto doonista shakhsiga ah ee aadamaha.

Waxaa kale oo daraasaddan ka soo baxday in carruurta fursad u haysata in ay guriga ka helaan waxyaabaha maskaxda firfircooneeya ee ku qasba fikirka iyo rog-rogista sida qalabka carruurtu ku ciyaaraan, ay fursad weyn oo boqolkiiba 36 ah u haystaan in ay mustaqbalka noqdaan ubad maskaxdooda iyo awooddooda garasho aad u fiican tahay.

F.G: Anshax-darrada iyo khalkhalka hab-dhaqanka ilmuhu waa xanuun nafsi ah oo aanay inta badan Soomaalidu fahmin, waxa aanu ku dhacaa carruurta oo uu xumeeyo hab-dhaqankooda. Xanuunkani waa uu ka duwan yahay fudaydka iyo qalqaalinnimada caadiga ah ee carruurta qaar lagu arko, waxa aanu ku keenaa dabeecad cadaawadeed, fawdo, dagaal badan iyo in uu naftiisa ama dadka iyo xayawaanka haddido, in uu burburiyo hantida iyo alaabta guriga ama Iskuuka, been, xatooyo, waxbarashada oo uu ku liito ama naco, iyo marka uu weynaado oo lagu arko balwado aan fiicnayn, yaraan oo uu ku hammoodo, cadho joogto ah, muran soo noqnoqda, iyo mushkilado caafimaad oo nafsi ah, iwm.

Waalidka waxaa lagula talinayaa in haddii ay xaalado qalqaalinnimo iyo anshax darro oo aan caadi ahayn, oo muddado lix bilood ka badan socda ku arkaan ilmaha ay dhaqso ugu geeyaan dhakhtar nafsi ah oo dabiiba.

 

The post Naas Nuujintu Waxa Ay Ilmaha Ka Ilaalisaa Qal-Qaallinimada, Dugsiga Barbaarinta Ee Ka Horreeya Waxbarashada Iyo Ciyaartuna Waxa Ay Dhisaan Maskaxda appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Faa’idooyinka Tirada Badan Ee Uu Cilmigu Xaqiijiyey In Laga Helo Caanaha, Haddii La Cabbo Hurdada Horteed

Washington (Hawraar)- Caanuhu waxa ay leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad, sababtuna waa maaddooyinka waxtarka badan ee ay hodanka ku yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Potassium, Kalshiyaam, Faytamiin B-12, Barootiin, Kaarboon Haydaraat iyo Dufanno faa’ido u leh jidhka, sidoo kale caanuhu waa il aad u muhiim ah oo laga helo Faytamiin A ga.

Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay aad ugu taliyaan cabbista caanaha, gaar ahaan waxa ay tilmaamaan in la cabbo habeenkii hurdada ka hor, xilligaas oo ay sheegeen in laga helo faa’idooyin ay ka mid yihiin.

– In Acsaabta (Neefayaasha) qofku ay degaan, hurdo la’aanta oo ay ka hortagaan maadaama oo ay hodan ku yihiin asiidhada Amino lagu magacaabo, gaar ahaan kuwo qofka xasilooni badan ku abuuraya.

– Waxa ay caanuhu hodan ku yihiin, Bakteeriyada fiican ee xoojisa hab-dhiska difaaca ee jidhka qofka, bakteeriyadaas ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay tahay mid waxtar badan leh oo kordhisa unugyada dhiigga cad ee cudurrada jidhka kala dagaallama.

– Caanuhu waxa ay dhowraan caafimaadka hab-dhiska dheefshiidka, waxa ay fududeeyaan shiidista / ridqista cuntada, waxa aanay jidka ka kaxeeyaan dhibaatooyinka caqabadda ku ah in cuntadu ay si fiican u shiidanto, sababtuna waa bakteeriyo fiican oo ku jirta taas oo awood u leh in ay si fiican cuntada u burburiso. Calooshana ka ilaaliso naqaska mararka qaarkood dibbirada ku keena, shubanka, caloos istaagga iyo casiraadda caloosha.

– Caanuhu waxa ay dhuunta qofka ka tirtiraan bakteeriyada inta badan sababta u ah in urta afku ay xumaato.

– Waxa ay yaraysaa in suntu ay u gudubto beerka, waxa aanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in caanuhu ay sidoodaba jidhka ka saaraan suntan, dawo fiicanna ka yihiin sumowga ku dhaca midhicirada iyo caabuqa. Sidoo kael waxa ay caanuu daweeyaan shubanka mararka qaarkood ay isku arkaan dadku marka ay cunaan dawada Antibayootigga (Antibiotic) ah.

– Caanaha oo la cabbo marka la sii seexanayaa waxa ay dejiyaan dhiigkarka, iyo cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

– Caanuhu waa il hodan ku ah barootiinnada muhiimka ah ee jidhka iyo muruqyada dhisa, waxa aana ku jira boqolkiiba 20 barootiinta uu qofku maalin kasta u baahan yahay.

– Caanuhu waxa ay si weyn u caawiyaan dhimista miisaanka, sababtuna waa dedejinta iyo fududaynta dheefshiidka, iyo burburinta suntan cuntada ka dhalata, sidoo kale waxa ay qofka dareensiiyaan dhereg, waxa ay gubaan dufanka waxa aanay xoojiyaan muruyqada, arrimahan oo marka la isku daro dhammaantood ah kuwo la og yahay in ay qayb libaax ka qaataan dhimista miisaanka saayidka ah.

– Waxa ay badiyaan kaadida, oo ay fududeeyaan qul-qulkeeda, waxa aanay la dagaallamaan qururuxa kelyaha iyo kaadi haysta ku samaysma.

– Caanuhu waxa ay si weyn u caawiyaan yaraynta cudurka Kansarka noociisa ku dhaca midhicirada, cilmibaadhiso cusubina waxa ay dhowaan daahfureen in caanaha ciirta ahi ay leeyihiin maaddooyin liddi ku ah kansarka, isla markaana jidhka ka difaaca burooyinka kansarka.

– Caanaha oo habeenkii lagu seexdaa waxa ay jidhka ka ilaaliyaan ingagga, waxa aanay soo magdhabaan, dareerihii iyo macdanihii kale ee jidhku u baahnaa, gaar ahaan kuwa uu lumiyo xilliga xagaaga ee kulaylku daran yahay.

 

The post Faa’idooyinka Tirada Badan Ee Uu Cilmigu Xaqiijiyey In Laga Helo Caanaha, Haddii La Cabbo Hurdada Horteed appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

8 Xaaladood Haddii Aad Indhahaaga Ku Aragto Dhaqso U Booqo Dhakhtar, Si Aad Uga Badbaado Khatar Caafimaad

Hargeysa (Hawraar)- Waa qaybtii labaad ee qormadii aynu ku eegaynay dhowr calaamadood oo ay xeeldheereyaashu xuseen in haddii qofku indhihiisa ku arko ay qasab tahay in uu dhakhtar la xidhiidho, maadaama oo ay digniin u noqon karaa dhibaato caafimaad oo qofka haysa.

  1. Bararka Indhaha: Marar badan waxaa dhacda in aynu qawadno awoodda arag ee indhaheenna oo innaga oo taas ka jawaabayno aynu gacanta ku marmarno, ama dhowrjeer inta aynu isku xidhno haddanak ala furno. Laakiin intaas wax ka badan uma dhaafno oo marka ay xaaladda araggu caadigii iska noqoto ayaa aynu bartaas kaga tagnaa. Haddaba waxa ay dhakhaatiirtu xaqiijinayaan in xaaladaha noocan ahi ay indhaha ku yimadadaan marka uu xanuun ka jiro qanjidhada dhuunta ee Tayroodhka loo yaqaanno, gaar ahaan marka shaqada uu qabanayo iyo dheecaannada uu sii deynayaa ay ka badan yihiin intii dabiiciga ahayd ee uu jidhku u baahnaa.
  2. Indhaha oo huruud noqda: Marar badan in midabka indhuhu casaan noqdaa waxa ay ku timaaddaa xaalado aan dhibaato badan sii lahayn, waxaa ka mid ah hurdo la’aanta iyo isha oo xanuun ku jiro, ama indhaha oo dareema shay aanay jeclaysan sida qiiqa ama wax kale oo gaadha. Laakiin in midabkoodu uu huruud noqdaa aad ayaa ay uga duwan tahay xaaladdaas hore ee marar badan haddii aanay muddo dheer sii jirin aan dhibaato keenin.

Indhaha oo huruud noqdaa macnaha keliya ee ay leeyihiin waa in ay dhibaato caafimaad darro ka jirto beerka, sidaa awgeed in indhahaagu huruud noqdaan waxa ay qasab kaaga dhigaysaa in aad degdeg ula xidhiidho dhakhtar beerka ku takhasusay.

  1. Aragga oo hadh-hadh joogto ahi galo: Sida aynu horeba u soo xusnay marar badan ayaa uu aragga hadh galaa, marmar ka mid ahna waa xaalad iska sahlan oo qofka dhaqso uga tagta, laakiin aragga oo si joogto ah hadh kaaga teedaa waa in ay markaba ku xasuusiso in shabakadda aragga oo xanuun iyo dhaawac gaadhaa ay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn eek a dhasha xanuunka macaanka. Haddii aad macaan leedahay oo aad xaaladdan isku aragto macnaheedu waa in aanad raacin talooyinkii caafimaad ee dhakhtarkaagu kaa siiyey hab nololeedka xaaladdaada caafimaad waajibinayso; sida cuntada iyo dawada qaadashadeedaba.

Haddii aanad hore macaan isugu ogeyn oo xaaladdan aad joogto ula kulantana dhaqso ugu tag dhakhtar takhasus ah oo kaa baadha xanuunka macaanka, kaddib haddii aad iska weydo u tag dhakhtarka indhaha.

  1. Digniin indho-beel: Isbeddel kasta oo aad ka dareento araggaaga waxa aad markaba u aqoonsataa in uu yahay digniin kama dambays ah oo kuu sheegaysa in khatar dhinaca aragga ahi kugu soo fool leedahay. Daciifnimo, dahaadh iyo hadh kaa gala aragga, aragga oo aan aad waadax kuugu noqon iyo xaalad kasta oo aragga la xidhiidhaa waxa ay horudhac u noqon kartaa indho beel kugu soo fool leh, sidaa awgeed ha u kaadin in aad marka aad aragtaba kala tashado dhakhtar indhaha ku xeeldheer.

 

The post 8 Xaaladood Haddii Aad Indhahaaga Ku Aragto Dhaqso U Booqo Dhakhtar, Si Aad Uga Badbaado Khatar Caafimaad appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Culimo Caafimaad Oo Ku Taliyey In Qofku Uu Maalin Kasta Cuno Kiniinka Faytamiin Ka

London (Hawraar)- Cilmibaadhayaal ku xeeldheer caafimaadka ayaa ay u suurtogashay in ay xaddidaan Faytamiinnada ay qasabka tahay in qofku uu cuno, si ay xoojiyaan jidhkiisa, caafimaadkiisana wanaagga ugu ilaaliyaan, iyo si uu u dareemo niyadsamaan iyo xasiloni nafsaani ah.

Daraasaddan oo natiijadeedu ku soo beegantay xilli saynisyahannada dunidu u qaybsan yihiin kuwo aad u diiddan in Faytamiinnada la cuno xilliga aanay xaalad caafimaad oo xumi jirin iyo kowo kale iyagu taageersan in la cuno, ayaa khubaro Ingiriis ah oo ka tirsany Laanta caafimaadka qaranka ee dalka Ingiriisku waxa ay ogaadeen in sida ugu fiicani ay tahay in dadka oo dhami ay caadaystaan cunista Faytamiin D ga maalin kasta, gaar ahaan xilliga jiilaalka, maadaama oo xilligan ay yar tahay in jidhku uu helo qorrax ku filan, ama dalal dunida ka mid ah aanu qofku qorraxba helin. Khubaradu waxa ay sheegeen in dadka oo qorrax jidhkoodu waayo xilliga jiilaalka ay ku keenayso in jidhkiisu aanu helin Faytamiin D ku filan, cuntada uu cunayaana kelideed aanay ku filnayn in ay jidhka siiso heerka Faytamiin ee uu u baahan yahay, iyada oo aan lagu kabin dawo Faytamiin D ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in dawada Faytamiinka ahi uu yahay kan keliya ee awaooda in uu jidhka qofka dhex galo, isla markaana buuxiyo dhibaatada Faytamiin D la’aanta iyo beedka, hilibka xoolaha iyo cuntooyinka kale ee qofku maalin kasta u baahan yahay.

Wargeyska Daily Mirror oo baahiyey natiijada daraasaddan uu Hawraar Afrika soo turjumay ayaa dhakhaatiirta ka soo xigatay in ay yidhaahdeen in qofka jidhkiisu u baahan yahay xaddi Faytamiin D, uu ka heli karo subaxa kalluunka noocyadiisa Soloman iyo Tuna, taas oo waxa keliya ee halkooda geli kartaa ay tahay in qofku uu cuno 10 xabbo oo beed.

Dhibaatada ka dhalata Faytamiin D oo jidhka ku yaraada

Faytamiin D oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keeni kartaa wadne xanuun kedis ah, iyo suurtogalnimada in ay ku dhacaan xanuunnada ay ka mid yihiin kansarka noocyadiisa ku dhaca Midhicirta, iyo naaska, waxa kale oo ay kordhisaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan macaanka iyo xididdada dhiigga oo adkaada. Barafasoor Susan Lanham oo bare-sare ka ah jaamacadda Siri ee dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in qof kasta ay u fican tahay in uu subax kasta cuno xabbad Faytamiin D ah, kaas oo ka ilaalin doona xaunuunnnadii ka dhasha Faytamiin yaraanta. “Faytamiin D aad iyo aad ayaa uu muhiim u yahay.

Waxaa hore loo aaminsaaa in qorraxdu ay si dabiici ah qofka ugu filan tahay in uu jidhku ka helo Faytamiin D-ga uu u baahan yahay. Laakiin sida ay daraasaddani sheegtay in jidhku uu qorrax ku filan helaa waa ay adagtay oo waa jilaal xilliga kulaylka labadaba”

The post Culimo Caafimaad Oo Ku Taliyey In Qofku Uu Maalin Kasta Xuno Kiniinka Faytamiin Ka appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada

Buuggan ay Daily Mail soo akhriday oo faahfaahsan uga sheekaynaya xidhiidhada jacayl ee ay Jacqueline la’ lahayd labadeeda dumaashi, iyada oo weliba ay mararka qaarkood ahaayeen xidhiidho ay xitaa si cad u dareemeen ilaalada gaarka ah ee marwadu.

Sida uu xaqiijinayo wargeyskan uu Hawraar Afrika soo xigtay, buuggan cusubi waxa uu si cad daaha uga rogayaa in waxba kama jiraan ay tahay daacadnimadii iyo dulqaadkii lagu sheegi jiray Jacqueline in ay ku qaabishay odaygeedii John F. Kennedy ee shabeel-naagoodka ahaa gaar ahaan dhinaca dumarka jilayaasha filimada iyo fannaaniinta ah aad ugu dheerayn jiray. Waxa aanu muujinayaa in lammaanahan mid kastaa dhinaciisa khiyaamada ugu xariif ahaa. In kasta oo uu si dadban u sheegayo in xidhiidhada ay Jacqueline samaysay qaarkood ay ahaayeen aargoosi ay Kennedy kaga aargoosanayso khiyaamadiisa bannaanka u soo baxday. Tusaale ahaan waxa ay xidhiidho illaa xad xidhiidh jinsi oo la ogaaday gaadhay la yeelatay qaar badan oo ka mid ah jilaaga filimada ee Maraykanka caanka ka ah, sida William Holden, Marlon Brando, Warren Beatty, Peter Lawford, Paul Newman, Gregory Peck, Frank Santra iyo kuwo kale oo badan.

Jacqueline sheekadeeda khiyaamada iyo gogol-dhaafka u badani intaas kuma ay koobnayn ee waxa uu buuggani ka sheekeeyey qisada awalba bannaanka u soo baxday ee sheegaysay in Marwo Jacqueline ay jacayl ay qarsan kari weyday u qabtay Hal-Abuurkii Faransiis ee Andre Malraux oo xitaa mar wax laga weydiiyey ay si cad u tidhi, “Waxa uu ahaa ninka keliya ee Faransiis ah ee aan bartay, ee aan jeclaystay in aan guursan lahaa”

Si kastaba ha ahaato ee buuggani waxa uu tilmaamayaa in ay jiraan dad badan oo aaminsan in Jacqueline ay madax wareer iyo isku buuq ka qaadday xidhiidhada tumasho ee odaygeeda oo xadhkaha goostay, illaa heer ay gaadhay in marar si nafsi ah ay u bukootay, saddex jeerna la geeyey cisbitaalo ah kuwa dadka qulubka iyo sakatigu ku dhaco lagu dabiibo.

Ugu dambayntii buuggu waxa uu sheegayaa in Jacqueline dhimashadii odaygeeda kadib iyada oo xidhiidho jacayl oo isku mar ah la wadda labada nin ee ay walaalaha ahaayeen odaygeeda xijaabtay, waa Boby iyo Ted ee in ay haddana xidhiidh la’ lahayd maalqabeen u dhashay dalka Giriigga Aristotle Onassis oo ay aakhirkiina isaga guursatay Shan sano kadib geeridii John F. Kennedy, isaga ayaana ay wada joogeen illaa sannadkii 1975kii oo uu geeriyooday. Dhammaad

 

The post Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Cadarrada Lagu Tirtiro Urta Dhididku Waxa Ay Jidhka Ka Dilaan Awoodda Iska Difaacidda Cudurrada

Washington (Hawraar)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in isticmaalka cadarrada iyo xaydha lagula dagaalamo urta dhididka iyo dhididka qudhiisuba waxa ay dilaan Jeermi ku nool kilinkillada iyo meelaha kale ee jidhka ah ee ay gaadho, laakiin waa jeermi uu sida magaca ka muuqata jidhku caafimaad ahaan u baahan yahay.

Marka uu qofku dhidido waxa uu yeeshaa ur isaga u gaar ah oo aanay dadku isaga ekeyn. Sababtuna waxa weeyo Jeermigii ku jiray meelaha diirran ee dhidida sida kilikillada ayaa urtan yeesha. Marka la isticmaalo wax-yaabaha dhididka lagula dagaalamo oo samayskooda lagu daro macdannta Aluminum oo si toos ah u weerarta joojinta dhididka iyada oo si toos ah u weeraraysa qanjidhka dhididka keena si uu u joojiyo. Hormuudka Cilmibaadhistan, Julie Horvath oo ah agaasimaha Shaybaadh takhasuskiisu yahay cilmiga  Jenooma iyo Bakteeriyada, oo ka tirsan Maxadka Sayniska dabiiciga ah ee woqooyiga Carolina, dalka Maraykanka isla markaana baresare ka ah jaamacadda gobolka North Carolina ayaa iyada oo dhibta tan ka dhalanaysa sii sharraxaysa, waxa ay tidhi, “Marka jidhku uu joojiyo dhididka, bakteeriyada ku beeran meelaha aynu soo sheegnay ayaa waayeysa cunto ay quudato, markaas ayaa uu jidhku urta joojinayaa” waana sabataas ta ay cadarrada buufinta iyo Mariska ah ee dhididku u joojiyaan urta dhididka. Laakiin dhibta arrintani keenayso ayaa ah in maaddooyinkan ay ka samaysan yihiin cadarrada buufinta iyo Mariska ah ee dhididka ee joojinaya dhididku in ay sidoo kalana dilayaan Bakteeriyada urtani ka imanaysay.

Khubaradu waxa ay sheegeen in dadka aan isticmaalin cadarradani ay badbaadiyeen bakteeriyada lagu magacaabo Corynebacterium oo ah t an urta keenta, laakiin leh faa’idada ah in ay jidhka ka caawiso iska caabinta cudurrada. Julie Horvath markii ay daraasaddan ku ogaatay natiijadan dhiillada leh, waxa ay durbadiiba joojisay isticmaala cadarrada iyo marisyada uu ku jiro curiyaha Aluminum (Aluminam), laakiin mar ay la hadashay, iyo kuwa dawo ahaanta dadka qaar loogu qoro, laakiin mar ay la hadashay wargeyska TIME oo uu Hawraar Afrika soo xigtay waxa ay shegtay in daraasaddani u baahan tahay sii ballaadhin iyo in si gaar ah loo eego noocyada bakteeriyada ku nool kilinkillada iyo kuwa ay cadarrada dhididku aad u dilayaan.

Waxa kale oo iyaduna khatartan la mid ah leh maadadda Ethanol, waxa aanay ku adkaysanayaan in ay jiri karaan cadarro iyo maaddooyin loo adeegsan karo tirtiridda urta ay dadku nacayaan iyada oo aan dhididka la joojinayn.

Waxaa muhiim ah in qofku marka uu iibsanayo cadarradan uu eego maaddooyinka ay ka samaysan yihiin, isasga oo ka taxaddaraya kuwa leh maaddooyinka aynu kor ku soo xusnay oo inta badan warshadda samaysay ay dusha weelka ay ku jiraan kaga soo qorto Antiperspirants oo u dhigma macne ah Dhidid-joojiye (Liddi ku ah dhididka).

 

The post Cadarrada Lagu Tirtiro Urta Dhididku Waxa Ay Jidhka Ka Dilaan Awoodda Iska Difaacidda Cudurrada appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Iswanaajinta Iyo Qurxinta Anshaxaagu Ma’aha Sababta Koowaad Ee Aad Shaqada Ku Dallaci Karto

London (Hawraar)- Haddii aad doonayso in aad shaqadaada mansab sare ka gaadho, maskaxdaada geli in aanay sababtu ahayn wanaagga shakhsiyaddaada iyo anshax fiicnaanta, balse ay tahay garaadka iyo fariidnimada kugu jirta, sidaa waxaa ka marag kacday cilmibaadhis cusubi.

Daraasaddan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka kala socday jaamacadaha Bristol, Minnesota iyo Heidelberg ayaa caddeeyey in fariidnimadu ay tahay sababta aasaaska u ah guusha, balse aanay ahayn tilmaamaha iyo dabeecadaha kale ee uu qofka shaqaalaha ahi leeyahay sida furfurnaanta, kalsoonida iyo anshaxwanaagga. Tijaabadii ay cilmibaadhayaashu sameeyeen waxa ay muujiyeen in sideedaba dadka fariidadada ahi ay yihiin kuwo si muuqata ugu fiican la shaqaynta iyo iskaashiga ay la yeelanayaan dadka la jaalka ah, halka dadka habdhaqankooda iyo dabeecadahoodu fiican yihiin ay noqdeen kuwo ay xaddidan tahay galaangalkooda bulshada ku xeeran.Talefishanka Sky News oo baahiyey daraasaddan uu Hawraar Afrika turjumay ayaa ka soo xigtay, Eugenio Proto oo ah bare-sare oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacadda Bristol in cilmibaadhistani ay caddaysay in fariidnimada ay tahay shardi sees u ah guusha uu qofku ka gaadhayo shaqada uu qabanayo, laakiin arrimaha ay ka mid yihiin qalbiwanaagga, calool xaadhnaanta iyo anshax suubani ay yihiin uun arrimo qofka caawinaya laakiin aan isbeddel weyn oo kale keenayn.

 

The post Iswanaajinta Iyo Qurxinta Anshaxaagu Ma’aha Sababta Koowaad Ee Aad Shaqada Ku Dallaci Karto appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Dadka Toddobaadkii Shaqeeya Ugu Badnaan 40 Saac Ayaa Ka Waxtar Badan, Kana Caafimaad Badan Maskax Ahaan Iyo Jidh Ahaan, Kuwa Shaqeeya 55 Saac

Tokyo (Hawraar)- Cilmibaadhis dhaqaale ayaa daahfurtay in ay habboon tahay saacadaha shaqada in lagu saleeyo da’da iyo xaaladda caafimaad ee qofka, oo aan qasab laga dhigin in saacado isku mid ah la shaqeeyo xitaa haddii goob keliya laga wada hawlgalo. Daraasaddu waxa ay iftiimisay in baadhis la sameeyey lagu ogaaday in dadka saacadaha yar shaqeeyaa ay ka wax-soo-saar badan yihiin kana shaqo jecel yihiin, kana caafimaad badan yihiin maskax ahaan, kuwa saacadaha badan shaqeeya oo daal iyo shaqo nacayb lagu yaqaanno.

Dhinaca kalana waxa ay sheegtay in habsami u shaqaynta iyo hawlgudasho wacnaanta qofka da’diisu ka weyn tahay Afartan jir ay fiiican tahay haddii toddobaadkiisa shaqo lagu soo koobo saddex maalmood oo keliya. Arrintani waxa ay soo baxday markii khubaro u dhashay dalka Jabbaan ay baadhis xeeldheer ku sameeyeen caadooyinka shaqo iyo natiijada tijaabo dhinaca garaadka ah oo lagu sameeyey 3 kun oo nin iyo 3500 oo dumar ah oo da’doodu ka weyn tahay afartan sano. Natiijada kale ee ka soo baxday tijaabadan oo lagu sameeyey dalka Ustareeliya ayaa ah in shaqada oo Afartan jirka kadib laga tagaa ay khatar ku tahay caafimaadka maskaxda, iyada oo shaqo badan la qabtaana aanay sidoo kale ka dhib yarayn.

Tijaabooyinka ay khubaradu sameeyeen waxa ay iftiiminayaan in qofka oo toddobaadkii shaqeeya 40 saac ay dhaawac sahal ah soo gaadhsiiso maskaxda, marka loo eego qofka shaqeeya 55 saac iyo ka badan. Waxa aanay ku soo koobeen in shaqada waqtiga badhkii ahi ay ka fiican tahay shaqada waqtiga buuxa ah marka loo eego caafimaadka maskaxda, laakiin haddana qofka oo inta uu shaqayn karo ee ku habboon caafimaadkiisa iyo da’diisa ka yareeya waxa ay ku keentaa dhibaato caafimaad darro oo dhinaca garaadka ah. Colin Mackenzie oo bare-sare oo dhaqaalaha dhiga ka ah jaamacadda Keio ee dalka Jabbaan ayaa isaga oo arrintan ka hadlaya waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Shaqada ka badan inta awoodda qofka ku habboon iyo shaqada ka yariba waxa ay hoos u dhigaan hawlgudashada saxda ah ee garaadka qofka” Isaga oo intaas ku sii daray, “Xiisaha shaqadu waxa uu ku xidhan yahay tirada saacadaha la shaqaynayo, shaqaduna waxa ay noqon kartaa mindi laba af leh, taas oo macnaheedu yahay in ay firfircooni geliso shaqada maskaxda haddii saacado yar ama macquul ah qofku shaqeeyo iyo in ay daal iyo hoos u dhac ku keento maskaxda haddii saacadaha shaqadu aad uga bataan inta uu qofku qaban karayo”

 

The post Dadka Toddobaadkii Shaqeeya Ugu Badnaan 40 Saac Ayaa Ka Waxtar Badan, Kana Caafimaad Badan Maskax Ahaan Iyo Jidh Ahaan, Kuwa Shaqeeya 55 Saac appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Waqtiga Ugu Habboon In Shaqada La Bilaabo, Iyo Habka Shaqo Iyo Saacadaha Ay Khubaradu Ku Taliyeen

Dadka in badan dhacda in dadka aroorta hore u kaca shaqada ama waxbarashadu ay ka cawdaan hurdo la’aan iyo daal, iyaga oo mar kasta si gaar ah u xusaya in ay aroorta hore shaqada bilaabaan, taasina qaar badan ku keento niyad jab iyo shaqada oo ay nacaan. Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in saacadaha hore ee arroortii ay yihiin kuwa ugu habboon jidh ahaan iyo maskax ahaanba, iyada oo aan meesha laga saari karin in saacadaha habeenkii qaarkoodna ay maskaxda mar kale u cusboonaysiiyaan firfircoonida.

Cilmibaadhis cusub oo lagu daabacay, Joornaalka arrimaha caafimaadka ka faallooda ee British Journal of Sports Medicine oo ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu xusay xogo muhiim ah oo la xidhiidha waqtiyada ugu habboon in shaqada maalin kasta la bilaabo, iyo tirada saacadaha ay waajib tahay in qofku uu shaqada u gaar yeelo si uu midhaha ugu badan u soo saaro isaga oo haddana dhibta ugu yaran gaadhsiinaya caafimaadka jidhkiisa ama maksaxdiisa.

Sahamin la sameeyey ayaa lagu ogaaday in subaxdii inta u dhaxaysa 6 illaa 10 Gelinka hore ay yihiin saacadaha ugu habboon jidh ahaan iyo maskax ahaanba ee shaqada, waxa aanay khubaradu ogaadeen in saacadahaas ay dhamaystirantahay firfircoonida maskaxda iyo tamarteedu, wax-soo-saarka shaqo ee qofku saacadahan sameeyaan ay saddexlaab ka badan tahay shaqada uu qabto saacadaha ka dambeeya 10 illaa duhurka kadib. Sidoo kale waxa a khubaradu ogaadeenin galabtiina saacadaha u dhexeeya 5 galabnimo illaa 11 habeennimo ay maskaxdu mar kale dib u soo ceshato firfircoonidii iyo tamarteedii, sidaa awgeed ay saacadahani yihiin kuwa wax-soo-saar ahaan u soo xiga saacadaha gelinka hore ee aynu soo xusnay.

Tirada saacadaha shaqada:

Tirada saacadaha ugu habboon in uu qofku shaqeeyaa waxa ay u kala duwan yihiin hadba nooca shaqadu tahay, ama hawlaha qofka u yaallaa inta ay le’eg yihiin, laakiin khubaradu waa ay ku xaddideen in 4 saac ay yihiin saacadaha ugu yare e ay tahay in u uqofku maalintii shaqeeyo halka 10 saacna ay yihiin saacadaha ugu badan ee qofku uu shaqayn karo. Waxase muhiim ah in aynu ogaanno in shaqada laga hadlayaa aanay ku koobnayn ta mushaharka lagu qaato ama xafiiska ah, balse 10 saac waxaa ku jira xitaa saacadaha uu qofku hawlo u gaar ah qabanayo, sida guriga oo uu ka shaqeeyo.

Habka caafimaad ahaan ugu fiican in loo shaqeeyo:

Haddii ay tahay shaqo rasmi ah iyo shaqada guriga haddii ay tahayba waxa ay khubaradu soo jeedinayaan in sida daraasado kale lagu ogaaday guusha uu qofku kaga midho dhaliyo shaqadiisu ay ugu fiican tahay marka uu u shaqeeyo nidaamka ah, 30 daqiiqo oo shaqo ah, 5 daqiiqo oo nasasho ah. Waxa aanay xuseen in habkaasi uu yahay ka ugu habboon ee qofku shaqada ugu badan qaban karo iyada oo aanu jidhkiisa iyo maskaxdiisa ku dhicin culays wax yeelleeya caafimaadkiisa.

 

The post Waqtiga Ugu Habboon In Shaqada La Bilaabo, Iyo Habka Shaqo Iyo Saacadaha Ay Khubaradu Ku Taliyeen appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Labbis Sabab U Noqday In Turkigu Uu Si Degdeg Ah Dib Ugu Yeedho Danjirihii U Joogay Uganda

Ankara (Hawraar)- Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sabtidii u yeedhay safiirka Turkiga u fadhiyey dalka Uganda kaddib markii ay warbaahintu faafisay sawirro muujinaya danjiraha oo xidhan labbis la sheegay in laga soo qaatay xadaaradihii Giriiggii hore. Dajire Sudfa Yawsaalib ayaa labbiskan xidhatay mar ay xarunta safaaradda dalkeeda ee magaalada Kampala ku qabatay munaasabad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayey xuska maalinta dhismaha jamhuuriyadda Turkiga casriga ah oo uu aasaasay Mustafe Kemal Ataturk.

Barta twitter uu ku leeyahay baarlamaanka dalka Uganda ayaa lagu faafiyey sawirro muujinaya haweenayda guddoomiyaha ka ah baarlamaanka Rabiika Kadaaga oo ka qaybgashay xafladdan, waxa se hareerteeda ka muuqanayey haweenayda danjiraha Turkiga ah ee martida loo ahaa oo uu hareer fadhiyo mas’uul isaguna Turki ah, waxa aanay ku labbisnayd maro si aad ah ugu eeg dhar hidde iyo dhaqan ah oo ay xidhaan Giriiggu.

Maalintii sabtida ee toddobaadkanna wargeyska Sosgo ee ka soo baxa dalka Turkiga oo ka faallooda arrimaha wadaniyadda ayaa boggiisa hore ku faafiyey sawirrada danjiraha, “Yawsaalib waxa ay xidhnayd labbiskii Helen” ayaa uu qoray wargeysku. (Gabadh sheekobaraleyda hore ee Giriiggu ay aaminsan tahay in ay tahay tii abid ugu quruxda badnayd ee adduunka soo marta, hadal haynteeda iyo jacaylkeedana waxaa aga soo wareiyey dhammaan boqorradii hore ee Giriigga).

Waxa kale oo uu Wargeysku sheegay in danjiraha ninka gacanyaraha u fadhiya qudhiisuna uu xidhay dharkaas, waxa aanu qoray, “Gacanyaraheeduna waxa uu xidhnaa labbiskii lagu yaqaannay Ilaahi Giriiggii hore ee Zeus ee uu gacanta ku sitay xidhmada laamaha saytuunka ah” (Zeus waxa uu ahaa mid ka mid ah ilaahyadii tirada badnaa ee ay Giriiggii hore haysteen, iyaga oo mid kasta u calaamadiyey qayb noloshooda ka mid ah in uu ka Ilaah yahay. Zeus waxa ay ku sheegi jireen Ilaaha circa, hillaaca, onkodka, sharciga, kala dambaynta iyo cadaalada).

Sawirkan iyo faallada uu wargeysku raaciyey ayaa cadho badan ku abuurtay dadka Turkiga ah ee aragtidoodu qawmiga tahay. Waxa aanay abuureen doodo ay ku sheegayaan in arrintani ay dhabar jab ku tahay muuqaalka dawladda casriga ah ee Turkiga.

Wargeysku waxa uu faalladiisa ku sheegay in Yasawlib ay muddo ku soo jirtay diblumaasiyiinta Turkiga, shanti sano ee u dambeeyeyna ay ahayd danjiraha dalkeeda u fadhiya magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Arrintan oo rayulcaama sabab ku yeelatay ayaa gaadhay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay soo saarto warmurtiyeed ay ku sheegayso in la bilaabay baadhiso degdeg ah oo la xidhiidha sawirkan lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta. “Arrintaas awgeed waxaa loo yeedhay danjiraha” ayaa lagu yidhi warka wasaaradda, oo aan tafaasiil dheeraad ah la raacin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mawluud Tashaawish Ooglo ayaa isaguna bartiisa twitter ka ku faafiyey, “Yeedhmada danjiraha Turkiga”

Warbixinno kale oo iyagu dhinaca togan ka eegay tallaabada ay danjiruhu ku kacday ayaa sheegaya in ay gabadhani xusaysay isla markaana dadka baraysay waxa loo yaqaanno sannadka ‘Troy’ oo ah xus loo sameeyo magaalada taariikhiga ah ee Troy oo uu Giriiggii hore lahaa laakiin hadda ka mid ah dhulka dalka Turkiga. Warbixinahani waxa ay xuseen in maalintan ay dharka xidhnayd ay sida oo kale ku beegnayd labaatan guuradii ka soo wareegtay markii magaaladaas lagu daray liiska aataarta caalamiga ah ee ay diiwaangeliso hay’adda UNESCO.

Khatarta Isbeddelka Cimilada: Jasiirad Markii Labaad Muddo Bilo Gudaheed Ah Baddu Liqday

Tokyo (Hawraar)- Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Jabbaan ayaa bilaabay ol’ole ballaadhan oo ay ku raadinayaan mid ka mid ah jasiiradihii dalka oo mar keliya la waayey. Jasiiraddan oo ku taallay xeebaha woqooyi ee dalka Jabbaan ayaa waayitaankeedu qasab ka dhigayaa in hadda kaddib wax laga beddelo khariiradda dalka Jabbaan.

Jasiiraddan o oleh muhiimad Istaraatijiyadeed ayaa ay baddu liqday kaddib markii ay biyuhu aad kor uga kaceen heerkoodii hore, arrintaas oo la aaminsan yahay in sababteedu tahay dabaylo goobahaas ku dhuftay iyo barafkii oo isbeddelka cimilada awgii dhalaalay taasina ay keenayso in heerka biyuhu kor u kaco.

Jasiiraddan oo aanay cidi degenayn waxa ay ka mid tahay 158 jasiiradood oo uu dalka Jabbaan Afar sano ka hor u diiwaangashatay, taas oo qayb ka ahayd dadaal u udalkaasi ku doonayey in la calaamiyo xuduudka u dhexeeya Jabbaan iyo dalka Ruushka oo dalka Jabbaan xad kala leh dhinaca ay jasiiradahan badankoodu ku yaallaan.

Sharcia caalamiga ah ayaa dhigaya in jasiiradaha lagu tirin karo xuduudda uu dal leeyahay, keliya marka ay jasiiraddu badda oogadeeda sare ka muuqato. Qarsoomiadda  Jasiiraddani waxa uu warwar ku hayaa dalka Jabbaan, oo maadaama ay jasiiraddii bad noqotay aan loo diiwaangelin doonin lahaanshiyaheeda, taasina ay ku keento in xuduudka badda ee dalka Jabbaan uu soo ururo.

Muddo bil gudaheed ah waa markii labaad ee khariiradda laga waayo jasiirad, waxaa tan ka horreysay jasiirad lagu magacaabi jiray East Iceland oo ku dhextaallay badweynta deggen (Pacific Ocean), kana tirsan gobalka Hawaii ee dalka Maraykanka. Arrintan ayaa dadka arrimaha cimilada u dhaqdhaqaaqa ku sii kordhinaysa warwarka ay ka qabaan khatar ka dhalankarta isbeddelka cimilada oo dunida ku keentay kulayl badan.

 

Maalmihii Addoonsiga: 6 Qof Oo Ka Ka Mid Ahaa Boqortooyooyinka Afrika Oo La Addoonsaday

Hargeysa (Hawraar)- Addoonsigu waxa uu ka mid yahay qaybaha loogu daraasayn, wax ka qoris iyo doodis badan yahay, guud ahaan taariikhda madow ee dunida soo martay. Waana sababta keentay in iyada oo 400 oo sano laga joogo, haddana ay weli dhacdo in maalin kasta la soo helo qiso cusub iyo dhacdooyin ku aroora waayihii addoonsiga. Gaar ahaan addoonsigii ninka uu dadka Afrikaanka ah dalalkooda kaga guran jiray, oo inta sida xoolaha maraakiib lagu raro loo iib geyn jiray sayladaha addoonta ee dunida, si uu nin kale oo cadi u iibsado oo uu ugu shaqaysto. Malaayiin Afrikaan ah oo addoon ahaan loo iibsaday ayaa dalalka reer galbeedka ka noqday beer qodayaal ama adeegeyaal guryaha ka shaqeeya. Laakiin tiro aad u yar oo ka mid ah ayuun baa ahayd dad ka soo jeeda qoysaska dhaqan ahaan magaca ku lahaa Afrika, oo ay ugu horreeyaan boqortooyooyinka qabiilada Afrika. Inta badan ganacsatadii addoonta dhoofin jirtay ee caddaanka ahayd, waa ay tixgelin jireen boqorrrada Afrikaanka ah iyo qoysaskooda, inta badanna waxa ay ku dadaali jireen in aanay iibin cid qoys boqortooyo ka soo jeedda. Si kastaba ha ahaato ee marar tirsan waa ay dhacday in qofaf ka tirsan boqortooyooyinka Afrika loo qabsaday addoon ahaan oo laga iibiyey reer Yurub si loogu shaqaysto. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa 6 ka mid ah dadka Afrikaanka ah ee iyaga oo ka mid ah dadka dabaqadda ugu sarraysa kaga jira noloshii xilligaas ee bulshada Afrikaanka, kana tirsanaa qoysaska taliyaa, inta si kedis ah loo qabsaday addoon ahaan ugu shaqeeyey beeraleydii reer galbeedka ee caddaanka ahaa:

Amiir William Ansah Sessarakoo – Dalka Gaana

Sessarakoo sannadkii 1736 kii ayaa uu ku dhashay Anomabu oo ah magaalo yar oo ku taalla xeebta, dalka Ghana ee galbeedka Afrika. Waxa uu ka dhashay, isla markaana dhaxal suge ka ahaa boqortooyo dhaqameed ka jirtay deegaanka uu u dhashay ee badhtamaha dalka Gaana. Aabihii, Jiif Baise Kurentsi oo markii damebe loo bartay magaca John Corrente, waxa uu ka mid ahaa dadka madowga ah ee iibka addoonka ka ganacsada, waxa aanay xulafo ahaayeen dhammaan ganacsatada Afrikaanka dalkiisa ah dadka cad ka iibiya addoonta. Markii Amiir William Ansah Sessarakoo uu qaangaadhay , ayaa uu aabihii u diray England, si uu u helo waxbarasho tayo leh, iyo in isaga oo ka faa’iidaysanaya magaca aabihii, uu xidhiidh fiican la samaysto Ingiriiska, si uu xogogaal ugu noqdo wararka hadba waxa ka socda Yurub iyo xaaladaha jira ee khusayn kara addoonta iyo boqortooyadooda. Sessarakoo waxa uu aabihii saaray Markab, waxa aanu ku aaminay kabtankii markabka oo u uaad ugu ballamiyey, lacagta kiradana siiyey. Laakiin ninkii kabtanka ahaa markii uu tegey Ingiriiska waxa uu arkay in wiilkan madowga ah ee la socdaa uu lacag fiican u goynayo haddii uu iibiyo, sidaa awgeed waxa uu ka iibiyey saylad ku taallay Barbados. Waa jasiirad imika dal ah oo ku taalla galbeedka Indies ee gobalka Karebiyaanka loo yaqaann, oo ah woqooyiga Ameerika. Muddo sannado ah oo war laga la’aa kaddib, boqor Baise Kurentsi waxa uu ogaaday in inankiisii uu addoon u yahay caddaan laga iibiyey. Ganacsade ka soo jeeda qabiilka Fante ayaa u Jiifka u sheegay in wiilkiisii uu addoonnimo ku dambeeyey.  Fante waa qabiil ballaadhan oo dega badhtamaha Gaana, waa qabiilka uu ka dhashay jiifka inankiisa addoonka laga dhigay, dadka caanka ah ee qabiilkan ka dhashayna waxaa ka mid ah xoghayihii guud ee hore ee qaramada Midoobey, Koofi Anan.

Jiif Baies Kurentsi markii uu helay warkan waxa uu Ingiriiska u gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in wiilkiisa loo sii daayo. Ingiriiska, oo dhaqan ahaan fahamsan boqortooyada iyo xurmada ay bulshooyinka ku dhex leedahay, isla markaana dhaqan u leh in la shaqeeyo nidaamka dhaqanka ee dalalka uu gumaystay ayaa bilaabay dadaal lagu raadinayo amiirka addoonka laga dhigtay si loo sii daayo. Waxa kale oo adaalkaas oo kale galay shirkadda ‘Royal African Company’ oo ahayd shirkadda Ingiriiska ee ka shaqaynaysay ganacsiga addoonta.

Dadaalladaas ayaa ugu dambayntii sababay in la soo daayo amiir Sessarakoo. Waxaa la geeyey England, kaddibna waxa dib loogu soo dhoofiyey dalkiisa Gaana.

Amiir Anta Madjiguene Ndiaye – Dalka Senegal

Amiir Anta Madjiguene Ndiaye oo dhalatay sannadkii 1793 waxa uu ka soo jeedaa boqortooyadii awoodda badnayd ee Wolof oo ka jiri jirtay dhulka hadda uu dhaco dalka Senegal ee galbeedka Afrika.

Waxa ay noolayd nolol bqortooyo oo aad u heersarraysa. Waxa aanay lahayd ilaalo iyo adeegeyaal gaar ah oo tiro badan, oo raaci jiray mar kasta oo ay bannaanka uga baxayso qasriga. Ilaaladani waxa ay ku guulaysteen in ay amiiradda marar badan ka difaacdo cadow kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dagaalyahannada qabiilka Tyeddo, oo ka soo jeeday boqortooyada Foula Tooro oo deris la ahayd boqortooyada ay amiiraddu ka tirsanayd.

Nasiibdarro, sannadkii 1806, ayaa ay dagaalyahannadaas sida joogtada ah u soo weerari jiray, ku guulaysteen in ay ka awood bataan ilaaladi iamiiradda, oo ay iyadadna gacanta ku dhigaan. Amiiradda waxa kale oo lala qabtay hablo yaryar oo ahaa adeegtooyin u shaqeeya iyada oo ka soo jeeda boqortooyada Wolof, oo caan ku ah magaca, Boqortooyada Jolof ee Senegaalkii hore. Amiirad Anta markaas la qabtay, da’deedu waxa ay ahayd 13 sano jir. Iyada iyo maxaabiistii kale waxaa lagu daray dad addoon ahaa oo loo qaadayey jasiiradda Goree. Halkaas ayaana muddo dheer lagu hayey, illaa ugu dambayntii laga iibiyey ganacsatadii addoonta.

Lama hubo in dagaalyahannada qabsaday amiiraddu ay ogaayeen in gabadhan yari ay amiiraddii tahay, waxa aana jira dad ku dooda in aanay ogeyn, maadaama oo ay sidaa fudud ugu ogolaadeen in ay gacantooda ka baxdo, laakiin waxaa la is weydiin karaa, haddii aanay garanayn, sababta ku kalliftay in ay dagaal adag u galaan sidii ay u qafaalan lahaayeen. Amiirad Anta waxaa laga iibiyey nin lagu magacaabi jiray Zephaniah Kingsley, oo ahaa maalqabeen beer weyn leh, isla markaana ahaa ganacsade ku dhex jira ganacsiga addoonta oo ka soo jeeda gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

 

Amiirad Anta waxaa laga iibiyey nin lagu magacaabi jiray Zephaniah Kingsley, oo ahaa maalqabeen beer weyn leh, isla markaana ahaa ganacsade ku dhex jira ganacsiga addoonta oo ka soo jeeda gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

Amiirad Anta waxaa laga iibiyey nin lagu magacaabi jiray Zephaniah Kingsley, oo ahaa maalqabeen beer weyn leh, isla markaana ahaa ganacsade ku dhex jira ganacsiga addoonta oo ka soo jeeda gobalka Florida ee dalka Maraykanka. In kasta oo uu ninkani markii hore amiiradda u iibsaday in ay addoon u adeegta noqoto, haddana markii dambe waa uu guursaday, waxa aanay noqotay beeraley maalqabeen ah oo Florida deggen.

In ka badan laba qarni ayaa ay qaadatay in ay amiiradda tafiirteedii ay dib u soo toydaan dhulkii ayeeydood ka soo jeedday. Sannadkan 2018 ka ayaana dalka Gaana lagu qabtay munaasabad aad u ballaadan oo lagu soo dhoweynayey dad aad u badan oo ah amiirad Anta tafiirteeda. Kuwaas oo doonayey in ay muujiyaan jacaylka ay u qabaan halkii ayeydood ka soo jeedday.

Amiir Cabdiraxmaan Ibraahim Ibn Sori – Gini

Cabdiraxmaan Ibraahim Ibn Sori, sannadkii 1762 kii ayaa uu ku dhashay deegaanka Timbo oo imika ka mid ah dalka Gini. Cabdiraxmaan waxa uu ka soo jeeday qoys xurmo ku dhex lahaan jiray bulshadooda. Waxa ay ka soo jeedeen qabiilka Torodbe Fulani oo ahaa qabiil muslim ah oo talin jiray.

Sannadkii 1788 kii ayaa uu Amiir Cabdiraxmaan aabihii u hibeeyey xilka ah Amiirnimada. Waxa kale oo uu ka dhigay taliye ka tirsan hogaannada sare ee ciidamada qalabka sida. Amiir Cabdiraxmaan waxa uu ka masuul ahaa guuto ciidan ah oo lagu qiyaaso 2 kun oo nin. Xilliyadaas oo ay colaado sokeeye oo badani socdeen ayaa ciidankan lagu jebiyey mid ka mid ah dagaalladii. Amiirka oo hoggaaminayey ciidankana maxbuus ahaan loo qabtay. Isla markiiba ciidankii amiirka qabtay waxa ay addoon ahaan uga iibiyeen shirkadihii addoonta ka ganacsanayey ee Ingiriiska.

Shirkaddaas ayaa ka sii iibisay Thomas Foster, oo ahaa nin addoon aad u badan urursada oo deggenaa magaalada Natchez ee gobalka Mississippi.

Amiir Cabdiraxmaan waxa uu noqday addoon uu muddo 40 sano ah lahaa Foster. Sannadkii 1826 kii, ayaa Amiir Cabdiraxmaan ay u suurtagashay in uu warqad u soo diro xubno qoyskiisa ka mid ahaa oo deggenaa dhulkii uu ka yimi ee Afrika. Laakiin warqaddii uu diray intii aanay gaadhin ciddii uu ku waday, waxaa helay, oo dhexda ka leexsaday warifidyeen lagu magacaabi jiray Andrew Marschalk oo qori jiray wargeys afka Dutch ka ku soo bixi jiray. Warqaddii amiir Cabdiraxmaan ayaanu ku daabacay wargeyskii.

Nasiibwanaag waxaa wargeyskii warqadda amiirku ku qornayd helay Suldaankii xilligaas ka talinayey dhulka imika ay ku taallo dawladda Marooko, oo isagana lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan. Kaddib Suldaankaas oo aad uga xumaaday dhibaatada uu addooonkaas ay isku magaca yihiin tirsanayey iyo amiirnimadiisa ku dambaysay adoonnimada, waxa uu warqad u qoray madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka John Adam iyo wasiirkii arrimahadibadda Henry Clay oo uu ka codsaday in ay ka shaqeeyaan soo deynta Amiir Cabdiraxmaan.

Warqaddii Suldaanka Marooko waa ay shaqaysay oo amiir Cabdiraxmaan waa laga soo furdaamiyey addoonsadihii, laakiin waxaa qasab ahayd in uu sida ugu dhaqsaha badan uga baxo Maraykanka, dibna ugu noqdo Afrika. Markab la soo saaray ayaa keenay xeebta magaalada Monrovia ee dalka Laybeeriya. Muddo afar bilood ah markii uu amiir Cabdiraxmaan sii joogay magaalada, waxaa ku dhacay xanuun xummad badan lahaa, waana uu geeriyooday isaga oo markaas 67 sano jir ahaa.

Amiirad Aqualtune Ezgondidu Maxamud – Dalka Badhtamaha Afrika:

Amiir Aqualtune Maxamuud waa gabadh uu dhalay boqor aanay taariikhdu wax ka qorin oo lagu magacaabi jiray boqorka Kongo. Kongo waxa ay ku taallay dhull bllaadhan oo imika u qaybsan, woqooyiga Angola, dhulka ay hadda dhacdo Jamhuuriyadda Koongo, qaybta galbeed ee dhulka ay imika ka jirto dawladda Dimuqraaddiga ah ee Koongo iyo koonfurta dalka Gaaboon.

Intii u dhexeysay sanadkii 1891 kii illaa 1914 kii, dhulkan waxaa ka dhisnaa dawlad maqaarsaar ah oo raacsanayd Bortuqiiska. Sannadkii 1665 kii ayaa amiiradda aynu ka warramayno ee Aqualtune Maxamud da silva ayaa urursatay dagaalyahanno 10 kun oo nin oo ay hoggaaminayso. Amiiraddu waxa ay ciidankeedan ku gashay dagaalkii la baxay ‘Mbwila’; oo u dhexeeyey boqortooyadii Koongo iyo boqortooyada Burtuqiiska. Dagaalkan waxaa ku gacan sarreeyey Boqrtuqiiska oo ciidankii amiiradda ka dhigay wax dhinta, wax firxaday iyo inta la qabtay. Amiiraddii ciidamada wadatay ayaa ka mid noqotay maxaabiistii ay qabatay dawladdii Bortuqiiska.

Amiirad Ezgondidu Maxamud waxa loo qaaday dekedda Recife, waxa aana lagu xidhay deked ay ku yaalleen bakhaar keyd oo weyn iyo warshad sonkorta lagu ssameeyo. Qoraallada laga helay taariikhda amiiraddani waxa ay sheegay in la iibiyey, oo weliba sababta loo iibiyey aanay ahayn in ay adeegto, balse in ay taranto iyada oo la adeegsanayo ragga kale ee addoonta ah, si ay u dhasho addoon kale.

Waxaa la sheegay in markii ugu horreysay ee ay amiiraddu uuraysatay in laga iibiyey shirkad lahayd warshad sonkorta samaysa oo ku taallay dekedda Porto Calvo, ee dalka Baraasiil.

Ugu dambayntii amiirad Ezgondidu Maxamuud muddo markii ay addoon u ahayd shirkaddan waxa ay ku guulaysatay in ay hoos u abaabusho addoontii kale, waxa aanay aasaastay kooxdii la magac baxday Palmares oo ay isku urursadeen dadkii addoonta ah ee ka baxsada dadka ay addoomaha u yihiin. Addoontan Palmares waxa ay isku urursadeen deegaanka hadda loo yaqaanno Alagoas ee dalka Baraasiil. Halkaas ayaa ay degeen oo ay ku tarmeen aakhirkiina noqdeen dad dhulkaas leh oo deegaan rasmiya noqday.

Amiirada Ezondidu Maxamuud waxaa loo aqoonsanyahay in ay iyadu sabab u ahayd in dadkani ay xor noqdaan oo ay dhul u gaar ah ku yeeshaan gobalkaas.

Boqor Takyi – Gaana

Boqor Takyi waxa uu ahaa boqor ka soo jeeday qabiilka Fanti ee degi jiray xeebta dahabka oo ah dhulka hadda loo yaqaanno Gaana. Taariikhdu ma’ay xusin qabiilka Fantis ka qaybtiisa uu boqorka u sii ahaa, laakiin waxa ay sheegtay in intii aanu addoonka noqon ka hor uu muddo dheer boqor ahaa.

Takyi waxa uu ahaa maalqabeen, ganacsade ah, waxyaabaha uu ka ganacsadana waxaa ka mid ahaa ddoonta, oo uu ka iibin jiray shirkadihii reer Yurub ee dhoofin jiray. Nasiibdarradiisa ugu dambayntii isaga ayaa ay ku dhacday dhibtii uu geysanayey. Mid ka mid ah dagaalladii la baxay Kommendar ayaa boqor Takyi cadawgiisii qabtay, kaddibna dhulkii uu maamulayey oo dhanna lagala wareegay, boqorkana lama sii haynin ee markiiba addoonnimo ayaa loo iibiyey.

Bishii Shanaad ee 1760 kii, ayaa Takyi oo addoon ah iyo kooxo tiro badan oo ka mid ah addoontii ay wada joogeen oo isaga aad u taageersanaa waxa ay waxa ay bilaabeen kacdoon xornimo doon ah. gadood ay arooryo hore ka bilaabeen beertii ay ka shaqaynayeen, ayaa ay ku guulaysteen in ay dilaan raggii caddaanka ahaa ee beerta lahaa, kaddibna ay xoreeyaan dhammaan addoontii kale ee dhulkaas joogtay oo dhan.

Addoontii meel gaar ah ayaa ay isku urursadeen waxa aanay bilaabeen in ay dagaal adag kala hortagaan ciddii kasta ee isku dayda in ay dib ugu celiso addoonnimadii. Laakiin kacdoonkaasi waxa uu soo afmeermay laba bilood kaddib oo ahayd bishii toddobaad ee 1760 kii, markii caddaankii wax addoonsan jiray inta ay is hubeeyeen ay dagaal rasmi ah ku qaadeen addoonta gadoodsan, dagaalkaasna ku dileen boqor Takyi.

Markii boqorka la dilay, inta madaxiisa la jaray ayaa la dhex dhigay badhtamaha magaalada si ay addoontii kale oo dhami isugu sheegto, una arkaan. Waxa ay ahayd cabsi gelin iyo farriin ay caddaanku u dirayeen addoonta aan iyagu gadoodkan ka qaybgelin, oo ay sheegayeen in gadoodkii addoontu dhammaaday, addoontii baxsatay iyo ciidamadii u uabaabulay Takyina ay hadda khatar ku sugan yihiin.

Amiir Ayuuba Suleymaan Diallo – Senegal

Amiir Ayuuba Sulaymaan oo sida oo kale loo yaqaannay Job Ben Solomon, Diallo, sannadkii 1701 ayaa uu ku dhashay Bundi oo ah maamul ka dhisnaan jiray dhulka imika loo yaqaanno Senegal.

Waxa uu ka soo jeeday bulsho muslim ah oo lo’da dhaqan jirtay, gaar ahaan qolyo hoggaamin jiray bulshadaas oo Fulbe loo yaqaannay.

Ayuba awoowgii ayaa ahaa ninkii aasaasay maamulka Bundu. Waxa kale oo uu ahaan jiray ganacsade iyo nin aqoonyahan ah oo waxbartay. Sannadkii 1730 kii, ayaa oday Dilallo iyo nin turjumaan u ahaa oo la odhan jiray Loumein Yoas. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa oday Diallo iyo ninkan u shaqaynayey waxa ay u gacan galeen dagaalyahanno ka soo jeeday qabiilka Mandinka oo ay colaado badani ka dhexeysay.

Qabashada Amiirku waxa ay ka dhacday webiga Gabmia. Isla markiiba kooxihii qabsaday waxa ay ka dhigeen addoon, waxa aaay ka iibiyeen shirkaddii Royan African Company ee caanka ku ahayd iibka iyo dhoofinta addoonta.

Diallo waxaa la geeyey magaalada Annapolis ee xarunta gobalka Maryland ee dalka Maraykanka.

Sannadkii 1733 kii, ayaa Diallo loo soo qaaday dhinaca England. Halkaas oo uu muddo joogay kuna bartay afka Ingiriisiga. Dialo waxa uu dhexgalay oo uu xidhiidho qaarkodo fiican yihiin la yeeshay dad haldoor ahaa oo Ingiriiskii London ah.

Bishii toddobaad ee 1734 kii, Diallo waxa uu ugu dambayntii awooday in uu dib ugu soo noqdo Gambia.

Waxa uu yimi dhulkii uu ka yimi oo markan noqday dal Gambia la yidhaahdo, laakiin nasiibdarro ay dagaalo ba’ani burburiyeen. Ayaan darrada ugu weyn ee uu la kulmay Ayuba waxa ay ahayd in uu yimi aabihii oo muddo ka hor geeriyooday, iyo xaasaskiisii oo dhammaantood ay rag kale guursadeen. Dhammaad

Magaalo Laga Mamnuucay In Jidadka Wax Lagu Cuno, Ciddii Xeerkaa Jebisana Ganaax Adag Lagu Soo Rogay

Roma (Hawraar)- Doodo xiiso leh iyo muran mararka qaarkood adkaanaya ayaa ka dhashay dhaqangalka, xeer cusub oo uu maamulka magaalada  taariikhiga ah ee Florence ku mamnuucay in cunto lagu cuno jidadka.

Warbixin uu baahiyey wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in maamulka magaaladan ku taalla woqooyiga dalka Talyaanigu ay uga digtay muwaadiniinta iyo dadka dalxiiska ku jooga magaaladu in ay jebiyaan xeerkan.

Maamulka magaalada Florence waxa uu sheegay, ciddii jebisa qodobbada xeerkan cusub in laga qaadi doono ganaax lacageed. Waxaa jiri doona saraakiil ka socda waaxda fayadhowrka oo dhex wareegi doona jidadka kala duwan ee magaalada si loo qabto cid kasta oo cunto fudud cunaysa marka ay jidadka marays. Xeerkani waxa uu cuntada si gaara h uga mamnuucayaa afar ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada. Xeerka ayaa dhigaya in cidda lagu qabto iyada oo xeerkan jebisay laga qaado ganaax dhan 450 lacagta Ingiriiska ee Pound ka ah, taas oo u dhiganta 580 doolarka Maraykanka ah.

Masuuliyiinta magaalada Florence waxa ay dadka maqaaxiyaha cuntada leh iyo goobaha kale ee cuntada fudud lagu sameeyo ku amartay in ay hortooda iyo waraaqaha ay cuntada ku laabayaanba ku qoraan diginin dadka u sheegaysa in qofka sharci darro ay tahay in qofku isaga oo jidka socda uu cunto cuno. Loona sheego xaddiga lacageed ee ay noqonayso lacagta ganaax ahaan looga qaadi doono qofka lagu qabto cunto uu jidka  ku cunayo.

Magaalada Florence ee dalka Talyaaniga ayaa caan ku ah cuntooyin dhadhankoodu aad u heersarreeya, mid ka mid ah shirkadaha waaweyn ee dalxiiskuna waxa ay magaaladan ku tilmaamtay in ay tahay magaalada ugu wanaagsan ee laga helo saanwiij. Sidaa awgeed dadka tirada badan ee dalxiiska u yimaadda magaaladan ayaa si gaar ah u xiiseeya in ay cunaan cuntooyinka ay magaaladu caanka ku tahay, iyaga oo baabuurtooda ku dhex cuna marka ay jidadka marayaan ama iyaga oo lugaynaya ay iska cunaan.

Raysalwasaare Internet Ka Ku Faafiyey Buuggii Shahaadadiisa PhD Si Uu U Caddeeyo In Aanu Xadin

Madrid (Hawraar)- Raysalwasaaraha dalka Isbayn Mudane Pedro Sanchez ayaa baraha internet ka ku faafiyey buuggiisa cilmibaadhista ah ee uu ku qaatay shahaadada sare ee PhD-da, si uu isaga fogeeyo shakiga ay dadka qaar ka muujiyeen lahaanshiyihiisa xogta ku qoran cilmibaadhista. Raysalwasaare Pedro Sanchez waxa uu deedifeeyey sheegashada ay warbaahinta qaar iyo siyaasiyiinta mucaaradka ahi maalmihii u dambeeyey faafinayeen ee sheegaysa in uu xogtaas buuggiisa ku qoran qaybo ka mid ah sifo sharci darro ah uga soo qaatay qoraallo ay dad kale lahaayeen.

Pedro Sanchez waxa uu bartiisa Facebook Jimcihii ina dhaafay ku faafiyey in eedahaas ‘xatooyada cilmiga ah’ ee loo jeediyey ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin oo loola jeedo in si shakhsi ah loogu waxyeelleeyo sumcaddiisa. “Sheegashooyinkaasi waa weerar shakhsi ah” isaga oo farta ku fiiqay in cidda dacaayaddaas ka faafinaysaa ay tahay labada xisbi mucaarad; Xisbiga Isbeddel diidka ah ee Partido Popular (Xisbiga dadka) iyo Xisiga Muwaadiniinta (Ciudadanos Partido).

Sida ay faafisay wakaaladda wararka ee AP raysalwasaare Pedro Sanchez waxa uu waxa uu labadan xisbi ku eedeeyey in sababta ku kallifaysa dacaayadani ay tahay iyaga oo aan haysan barnaamij xoooggan oo siyaasi ah oo ay dadka ku qanciyaan.

Dhinaca kalana waxa uu raysalwasaaruhu sheegay in uu dacwad sharci a gudbin doono wargeyska ABC oo faafiyey war sheegaya in qaybo ka mid ah cilmibaadhistiisa PhD ee ka warramaysay diblumaasiyadda dhaqaale ee Isbayn oo uu sameeyey intii u dhexeysay 2010 illaa 2012 aanay maskaxdiisa ka soo maaxan, balse uu sifo sharci darro ah uga so ominguuriyey cilmibaadhiso ay dad kale hore u sameeyeen.

Maalintii khamiista ayaa warbaahinta dalka Isbayn waxa ay saf dheer u gashay rugta kutubta ee jaamacadda oo uu Pedrp Sanchez aad u tegi jiray si ay uga soo helaan nuqul ka mid ah buuggiisa, laakiin waxa ay ka soo heleen hal nuqul oo keliya. Waana sababta keentay in Sanchez uu internet ka ku faafiyey cilmibaadhista oo dhan si ciddii kasta ee rabtaa ay si hawl yar ugu hesho.

 

Facebook Oo Fashiliyey Gacan Ku Dhiigle 38 Sano La Raadinayey, Kaddib Markii Uu Laba Qof Dilay

Washington (Hawraar)- Siddeed iyo toban sano oo la raadinayey kaddib, ayaa la soo qabtay gacan ku dhiigle dilay laba ruux oo raadkiisa la waayey. Gabadh la dhalatay labada qof ee la dilay midkood ayaa ku guulaysatay in iyada oo adeegsanaysa shabakadda xidhiidhka bulshada ee Facebook ku guulaysatay in ay hesho.

Nin u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Silas Duane Boston ayaa sannadkii 1978 kii dilay lammaane Ingiriis ahaa oo dalxiis ku joogay badhtamaha Ameerika, kaddib markii inta ay is barteen uu ka dalbaday in ay ka kiraystaan laash yar oo uu lahaa si uu ugu dalxiis geeyo gasiirado badda dhexdeeda ah.

Sida uu ku warramay wargeyska Daily Mirror, gacan ku dhiiglaha ayaa intii aanu dilin ka hor, si arxan darro ah u ciqaabay Christopher Farmer iyo gabadha ay isku cindanaayeen ee Peta Frampton, kaddibna waa la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Inkasta oo bilowgiiba uu dembi baadhihii galka dacwaddan hayey, soo caddeeyey magaca gacan ku dhiiglaha ah, haddana waxaa dhibaato noqotay heliddiisa, taas oo maxkamadda ku kalliftay in toban sano markii galdacwadeedkani uu furnaa ay iska xidho iyada oo aan weli la helin eedaysanaha.

Haddaba Penny Farmer oo ay walaalo yihiin Christopher, xilligii dilkud hacayna aad u yarayd ayaa nasiib u yeelatay in ay 38 kaddib ay hesho gacan ku dhiiglaha. Penny ayaa waraysi talefishan ku sheegtay in Facbook uu ka caawiyey aqoonsashada gacan ku dhiiglaha. Kaddib markii sannadkii 2016 kii, ay shabakadda Facebook u suurtagelisay in ay aqoonsato gacan ku dhiiglaha carruurtiisii, taasina ay booliiska ku hagtay in ay soo qabtaan, si ciqaabtii uu mutaystay loo mariyo.

Penny ayaa muddo ay raadinaysay kaddib waxa ay 2016 ku guulaysatay in ay Facebook ka barato wiilasha gacan ku dhiiglaha, markii ay heshayna waxa ay la samaysay xidhiidh isbarasho oo muddo marxalado kala duwan maray. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Penny ay labadan wiil si aanay fahmin ugu riixday in ay ka sheekeeyaan fal dambeedka aabahood geystay, waxa aanay qireen in ay goobjoog ahaayeen markii uu dilayey lammaanahan dalxiiska ahaa. Labada wiil ayaa Penny siiyey faahfaahinta sidii uu falkani u dhacay.

Baadhista Penny ee Facebook ayaa booliiska ka caawisay in ay si rasmi ah eed ugu soo oogaan gacan ku dhiiglaha. Laakiin gacan ku dhiigluhu markii uu muddo xabsiga ku jiray ayaa uu bes u geeriyooday.

Sheekadan ayaa la yaab ku noqotay dadka Ingiriiska oo aad uga helay kartida iyo garaad badnaanta gabadhan ka hadhi weyday dhiigga walaalkeed iyo gabadha la socotay. Penny ayaa maalmo yar ka hor oo ay talefishan la hadashay waxa ay ka sheekaysay sidii ay qisadan ku gashay iyo muddada ay wadday dadaalka ay ku heshay gacan ku dhiiglaha.

 

7 Sababood Oo Ay Tahay In Aad Sonkorta Uga Fogaato Iyo Habka Ugu Fiican Ee Aad Isu Illowsiin Karto Isticmaalkeeda

Hargeysa (Hawraar)- Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahan yahay waqtiyo daryeel iyo kabis ama dayactir lagu sameeyo xubnaha iyo unugyada  kala duwan si ay si habsami ah u sii wataan gudashada shaqada ay jidhka u hayaan.

Buugga ’30 siyaabood oo aad dib ugaga shaqaysiin karto jidhkaaga’ oo uu qoray Ben Greenfield ayaa soo jeedinaya talooyin  iyo tilmaamo aynu uga faa’iidaysan karno ka takhalusidda dhammaan curiyeyaasha dhibaatada ku keena nidaamka nafaqo ee qofka. Kuwaas oo si toos ah saamayn ugu yeesha shaqada jidhka, hoosna u dhiga caafimaadka guud, waxaa ugu horreeya sonkorta cad.

Macaanka sonkorta cadi ma’aha dabiici, sida macaanka uu jidhku ka helo khudradda noocyadeeda, caanaha iyo badarka. Hay’adda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegaysaa in aanay fiicnayn in qofka qaangaadhka ah jidhkiisa uu galo wax ka badan boqolkiiba 10 ah kalooriska laga helo sonkorta iyo waxyaabaha la midka ah.

Qoraaga kale ee lagu magacaabo Diana Herrington oo aasaastay barta internet ka ee ‘Real Food for life’ ayaa sheegtay in ay jiraan sababood oo ay tahay in qofku uu dartood isaga daayo sonkorta, kuwaas oo kala ah:

  1. Nafaqo ma’aha

Waa kalooris madhan, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah. Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jidhku hoos u dhacdo.

  1. Dufanka ayaa ay jidhka ku qabataa

Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

  1. Cadho badan iyo qulub

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in uu xidhiidh cadi ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

  1. Sonkortu waxa ay sababtaa cudurro khatar ah

Sonkorta oo jidhka ku badataa waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

  1. Sonkortu waxa ay sababtaa suus

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

  1. Waxa ay daciifisaa habdhsika difaaca ee dabiiciga ah

Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

  1. Coodh-coodhka

Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jidhka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jidhka ku bato.

Talooyin kaa caawinaya in aad sonkorta joojiso

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaadhigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isku raacay in jacaylka badan ee ay dadka ciyaaara / jimicsiyada sameeyaa u qabaan sonkortu uu hoos u dhaco marka ay jimcsiga sameeyaan.

Majaajilayste Ku Guulaystay In Uu Madaxweyne Trump Talefanka Kala Hadlo Isaga Oo Iska Dhigaya Xildhibaan

Washington (Hawraar)- Jillaa Maadays oo Maraykan ah ayaa ku guulaystay in uu madaxweyne Trump kala xidhiidho taleefanka gaarka ah ee diyaaradda Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo si aad ah loo ilaaliyo. Majaajileystaha oo barnaamij maadays ah oo talefishan soo saara ayaa madaxweynaha isaga dhigay xildhibaan ka tirsan golaha odayaasha Maraykanka oo ay isku magac yihiin.

Majaajilaysahan ruugcaddaaga ah ayaa khamiistii ina dhaaftay faafiyey cajalad cod ah oo uu ku duubay sheekadii dhex martay isaga iyo madaxweyne Trump markii uu talefanka kala hadlayey. Sheekadan oo saddex daqiiqo socotay ayaa sida uu ku warramay wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriisku, uu majaajilayste John Melendez iska dhigayaa xildhibaan ka tirsan xisbiga dimuqraaddiga o ooo lagu magacaabo Robert Melendez, waxa aanu ku guulaystay in uu codkiisa beddelo si uu ugu ekeysiiyo xildhibaanka uu jilayey. Madaxweynaha ayaa saarnaa diyaaradda madaxtooyada ee Air Force One loo yaqaanno, isaga oo ku soo jihaysnaa caasimadda Washington, kaddib markii uu soo dhammaystay socdaal dalka gudihiisa ahaa.   Codka uu majaajilaystuhu faafiyey ayaa laga maqlayaa madaxweyne Trump oo ka hadlaya baadhis la xidhiidha musuqmaasuq oo muddo shan sano ah lagu waday xildhibaan Melendez laakiin ugu dambayntii lagu waayey, “Soo dhowoow Bob, Iska warra? Waan kuugu hambalyeynayaa guushaada, waanu kugu hanweynnahay” ayaa uu yidhi Trump. Kaddib majaajilaystaha xildhibaanka iska dhigaya ayaa madaxweyne Trump kala hadlay arrinta soo galeytiga ee dooddeedu hadda taagan tahay. Trump oo u muuqda in uu arrintaas xildhibaanka dhibsadayna waxa uu ku jawaabayaa, “Waxa aan jecelahay in aan awood u yeeshay in qadiyaddan taladeeda faraha la iiga qaado aniga, waana daw ay tahay in uu madaxweyne kastaaba helo. Waxa aan jecelahay in aynu xoogga saarno xal u helidda arrimo waaweyn oo aynaan waxa yaryar ku mashquulin”  Majaajileyste Melendez weli waa uu sii waday iska dhiggii xildhibaan Melendez, waxa aanu madaxweynaha kula taliyey in uu maxkamadda sare u soo sharraxo qof aan aad u sii ahayn muxaafad. Trump oo weli u haysta in uu xildhibaankii la hadlayo ayaa u sheegay in uu weli ku jiro daraasaynta iyo kala xulashada ‘Liis dheer oo ah murashaxiin xilkaas u taagan, muddo laba toddobaad gudahood ahna uu mid ka mid ah soo xulan doono’.

Majaajileyste Melendez oo mar dambe ka hadlay aragtidiisa ku aaddaan sida fudud ee ay ugu suurtagashay in uu u galo Khadka talefanka madaxweynaha iyo wiilka lataliyaha ah ee uu sodogga u yahay Trump, waxa uu yidhi “Waxa aan rumaysan kari la’ahay in ay saacad iyo badh keliya igu qaadato in aan Jared Kushner iyo Donald Trump kala xidhiidho talefanka diyaaradda madaxtooyada”.Robert Melendez iyo barnaamij soo saarihiisa ayaa dhacdadan ka hor la xidhiidhay Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo waxa aanay ka codsadeen in lala xidhiidhsiiyo madaxweyne Trump, laakiin codsigaas lagama aqbalin. Muddo kaddib ayaa uu Melandez mar kale dib ula soo xidhiidhay Aqalka Cad isaga oo markan codka beddelay oo ku ka hadlaya lahjadda Ingiriiska ee Afka Ingiriisiga, waxa aanu ku andacooday in uu yahay gacanyaraha xildhibaan Melandez.  Masuulkii aqalka cad u qaabilsanaa xidhiidhinta taleefannada ayaa farriinta majaajileystaha run u qaatay, waxa se dad badan la yaab ku noqotay in xidhiidhiyuhu uu maqli waayey qosolka iyo kaftanka Melandez iyo barnaamij soo saarihiisa, oo intii ay isaga la hadlayeen, si fiican sameecadda taleeefanka looga maqlayey. Cabbaar kaddib masuulkii Isku xidhka isgaadhsiinta oo gabadh ahayd ay dib ula soo hadashay Melandez oo ay moodayso sidii uu sheegtay in uu yahay gacanyaraha xildhibaanka, waxa aanay weydiisay in lambarka taleefanka xildhibaan Melandez. Waxaa iyaduna yaab kale noqotay in haweenaydan talefanka xidhiidhinaysay aanay iska hubin in lambarka ay la xidhiidhaysaa uu yahay lambarkii xildhibaanka, maadaama oo lambarrada xildhibaannada oo dhami ay ku jiraan diiwaanka kaydinta lambarrada ee Aqalka Cad. Waxa ay run moodday marmarsiinyaha uu majaajileystuhu u sheegay ee ahaa in uu fasax nasasho ah shaqada kaga maqan yahay. Sidaas ayaa ay majaajileystaha ugu suurtagashay in lagu xidho taleefanka madaxweynaha iyo wiilka lataliyaha u ah ee inantiisa qaba.

 

Bani’aadamku Waa Afar Shakhsiyadood, Iska Baadh Midka Aad Adigu Tahay, Kaddib Dabeecaddaada Ogoow

Marar badan ayaa ay dhibaato innaga qabsataa fahamka iyo garashada dabeecadda qofka aynu la macaamilayno. Xeeldhereyaasha cilmiga bulshada iyo cilminafsihuna waxa ay siyaabo kala duwan baadhiso cilmiya ugu sameeyaan sidii ay u xaddidi lahaayeen noocyada dabeecadda iyo shakhiyadda qofka iyo tiradooda.

Mashruuc cilmibaadhiseed aad u ballaadhan oo ay tijaabadiisa ka qaybgaleen laba milyan iyo badh qof ayaa ku soo dhammaaday in tirada shakhsiyadda aadamuhu yeelan karaa ay tahay 4 nooc, oo mid kastaa ay leedahay calaamado iyo habdhaqanno u gaar ah oo aanay kuwa kale la wadaagin. Shakhsiyadahaas cilmibaadhistu ogaatay oo aynu soo koobnay waxa ay yihiin:

Dhexdhexaad: Waa shakhsiyadda ay u badan yihiin dadku ama dabiiciga ah, oo ah in farxad, murugo, cadho iyo deggenaanshiyo, rajo iyo quus cabis iyo ku dhiirrasho uu hadba nooc qofku yeesho. Dadka shakhsiyaddan ahi waa dad furfuran, laakiin haddana ma’aha dad aad u furan oo ay cid kasta is geli karaan.

Urursan: Waa shakhsiyad xasiloon marka dhinaca dareenka laga hadlayo, laakiin ma’ laha furfurnaan, sida oo kale ma laha cadho iyo kulayl badan. Dadka shakhsiyadda urursan leh waxaa lagu yaqaannaa in ay yihiin dad isu dheellitiran, aadna u adeegsada caqliga oo ay gaadho in tallaabo kasta iyo wax kasta oo loo sheego aanay qaadan illaa maskaxdoodu ay ku qanacdo. Waa dad awood u leh in ay dadka iskaashi la yeeshaan, si damiir leh u shaqeeyaan, dabeecaddooduna sugan tahay.

Danayste: Marka si guud loo eegayo, ma’aha shakhsiyad xun, laakiin qacda koowaad qofku marka uu arko wanaag badan kama malaysanayo. Waa dad aad u furfuran, laakiin haddana malaha dabeecad ah in ay dadka iskaashi la yeeshaan iyo in ay si siman ula wadaagaan dhib iyo dheef. Waa shakhsiyad aan caqliga aad u adeegsan, tallaabooyin badanna qaada iyaga oo aan garaadkooda la kaashan ama ka sii fikirin natiijadeeda iyo cawaaqibka ay yeelan karto.

Lagu hirte: Waxaa laga yaabaa in qof kastaa uu gaarkiisa isu weydiiyo sida ugu fiican ee uu ku noqon karo ruux dadku ku soo hirtaan. Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa muujisay in qofka lagu hirtaha ahi, uu yahay qof leh karti iyo xirfad hoggaamineed oo awood badan. Qof awoodi kara in dhammaan xaaladaha kala duwan uu ku waajaho deggenaan iyo maskax, xitaa haddii uu cadho badan qabo ama ka xun yahay sida wax u dhaceen.

Waa dad hawlkar ah oo shaqada u dadaal badan, dadkana u furfuran.

 

Heesaa Caan Ahayd Oo Muslimtay, Sababta Hanuunkeeda Iyo Magaca Ay Dooratay

Dublin (Hawraar)- Fannaanadda caanka ah ee Sinead O’connor oo u dhalatay dalka Ireland ayaa barteeda Twitter ka ku faafisay dhambaal ay ku sheegayso in ay qaadatay diinta Islaamka. Waxa kale oo ay sheegtay in ay magaceedaas hore ka guurtay oo hadda kaddib loogu yeedhi doono Shuhadaa’ Davit.

Fannaanaddu waxa ay farriinteedan Twitter ka ku tidhi, “Waxa aan ku dhawaaqayaa in aan ku faanayo qaadashadayda diinta Islaamka” Shuhadaa’ oo sii wadda qoraalkeeda ayaa sheegtay in muslimnimadeedu ay timid kaddib dadaal dheer oo diineed oo ay gashay, “Waxa natiijo dabiiciga ah ee ka dhalata geeddi kasta oo diineed oo ay maskaxi hagayso” ayaa ay tidhi.

Shuhadaa’ waxa ay muujisay in muslimnimadeeda ka hor ay samaysay cilmibaadhis ku aaddan diimaha samaawiga ah ee dunida ka jira, kaddibna ay gaadhay natiijadan ah in diinta islaamku ay tahay ta ay diimahaas oo dhami ku soo ururayaan, “Dhammaan kutubta daahirka ahi, waxa ay kugu hagaysaa Islaamka oo kutubta muqaddaska ah ee kale, ka dhigaya kuwo aan maanta loo baahnayn (Nasakhaya)” Fannaanaddu qoraalkeeda ay dadka ugu sheegaysay isbeddelka ku yimi aaminsanaanteeda diiniga ah, waxa ay ku soo gabagabaysay, “Waxa aan yeelan doonaa magac kale, waxa aanu noqon doonaa Shuhadaa’…”

Intaas kaddib heesaaga muslimtay waxa ay barteeda Twitter ka ku faafisay war ay ku sheegayso bar cusub oo ay hadda kaddib isticmaali doonto, taas oo ay ku furatay magaceeda muslimnimada kaddib ay la baxday ee, ‘Shuhadaa’ Davitt” waxa aanay ku faafisay sawirkeeda oo ay xisaab xidhan tahay” Shuhadaa’ Waxa kale oo ay barteedan ku faafisay fiidyow ay ka muuqato iyada oo eedamaysa.

Shuhadaa’ waa heesaa iyo hal-abuur aad u soo shaac baxday dabayaaqadii siddeetamaadkii, oo iyada oo labaatan jir ah ay soo saartay albambkii caanka noqday ee ‘The Lion and the Cobra’. Sannadkii 1992 kii iyada oo marti ku ah barnaamij talefishan ayaa ay si aad ah uga hadashay tacaddiyada dhinaca jinsiga ah ee kaniisadda Kaatoliga dhexdeeda lagula kaco ubadka yaryar, waxa aana yqaadda yhees uu lahaa heesaaga caanka ah ee Bob Marley. Barnaamij soo saaraha iyo martidii barnaamijka fadhidayba waxa ay kaga nixisay markii inta ay soo saartay sawirka baadarigii kaatoligga ee xilligaas Pop John Paul kii labaad. Waxa ay ku eedaynaysay in aanu waxba ka qaban dhaqan xumada kaniisadda weyn ee Kaatoligga ka dhex socota.

Sannadkii 2000, mar ay u warrantay majaladda Curve oo si gaar ah uga warrantay arrimaha dadka isku jinsiga ah ee wax is mooda, waxa ay sheegtay in ay qudheedu ka mid tahay dadkaas oo ay marar badan samaysay dhaqannadaas foosha xun.

Sinead O’connor sannadkii 2007 oo ay waraysi siisay barnaamijka Oprah waxa ay sheegtay in ay qabto xanuunka nafsiga ah ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Bipolar mood Disorder’ oo ah in qofku uu yeesho laba dabeecadood oo is kedis ah isu bedbeddela, tusaale ahaan farxad iyo nayaayiro aan la qiyaasi karin oo ilbidhiqsi gudaheed isu beddesha niyad xumo iyo murugo. Waxa aanay caddaysay in ay mar isku dayday in ay is disho.

Sannadkii 2014 kii ayaa ay mar kale sheegtay in saddex dhakhtar oo marar kala duwan baadhitaan dambe ku sameeyey ay caddeeyeen in ay nafsi ahaan caafimaad qabto oo aanay qabin xaaladda marka hore lagu sheegay.

Sinead O’connor waxa ay hore u sheegtay in ay diinta kiristanka haysta, iimaankeeda diintaasina uu ka caawiyey in ay ka gudubto duruufo adag iyo macaamilo xumo ay la kulantay carruurnimadeedii.

Si kastaba ha ahaato ee 19kii bishan Oktoobar ee 2018 ka ayaa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in geeddi dheer kaddib ay hadda rarka ku furtay muslimnimo. Shuhadaa’ afar jeer ayaa la guursaday waxa aanay leedahay afar carruur ah.

 

Jeedal Iyo Xasharaad La Cunsiiyaa Waa Ciqaabta La Mariyo Shaqaalaha Shirkadaha Shiinaha Ee Shaqadooda La Saluugo

Beijing (Hawraar)- Waxaa maalmihii u dambeeyey warbaahinta dunida iyo  baraha bulshadu ku xidhiidho aad loogu hadal hayey muuqaal fiidyow ah oo laga daawaday shaqaale Shiine ah oo shirkadda ay u shaqeeyaan dadka la shaqeeya hortooda ku ciqaabayso, kaddib markii ay ku fashilmeen in ay iibiyaan qaddarkii badeecado ahaa ee laga rabay in ay suuqa geliyaan. Shaqaalahan ayaa jeedal lala dhacayaa, sida oo kalana waxaa lagu qasbayaa in ay cabbaan kaadi iyo in ay cunaan xasharaad.

Fiidyowga waxaa ka muuqanaya qaar ka mid ah masuuliyiinta shirkad ka shaqaysa qurxinta guryaha oo ku taalla degmada Guizhou ee dalka Shiinaha. Kuwaas oo ciqaabaya qaar ka mid ah shaqaalahooda.

Fiidyowgan cadhada badan dhaliyey kaddib ayaa ay shirkaddu ku dhawaaqday in ay bilaabayso baadhis rasmi ah oo ay arrintan ku ogaanayso. Dhianca kalana dawladda ayaa xabsiga u taxaabtay saddex ka mid ah masuuliyiitna shirkadda ee Fiidyowga laga daawaday, iyada oo laba ka mid ah xabsi baadhiseed oo toban maalmood ah loo diray, halka midka saddexaadna isaga oo dibad joog ah ay baadhistu ku socon doonto.

Noocyada ciqaabta foolxumada iyo dullaynta ah ee ay shirkaddani raacday waxaa ka mid ah in ay masuuliyiinta meel bannaan ah oo shaqaalaha kale oo dhami arkayaan, ay jeedal kula dhacaan shaqaalaha gefka gala ama shaqada loo calaamadiyey ka soo bixi waaya. Waxa kale oo ay masuuliyiintani shaqaalahan mid kasta oo ka mid ah qasab kaga dhigaan in uu cuno saddex xabbo oo baran baro ah, taas oo ah ciqaabta hawlgal kasta oo iibin ah oo ay gaadhsiin waayaan intii laga rabay.

Warkan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Sky News waxa uu intaas ku darayaa in fiidyowgan laga arkay shaqaalahan oo la cabsiinayo dareere kaadi u eeg, lana arkayo in ay sanka is qabanayaan marka ay cabbayaan.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo isaguna arrintan wax ka qoray ayaa sheegay in shaqaalahan lagu qasbo in timaha iska dhukuraan, halka shaqaalaha qaarna lagu qasbo in ay dhex gurgurtaan shirkadda si shaqaalaha kale oo dhami ay u arkaan.

Mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo isagana mar ciqaabtan oo kale la mariyey ayaa shabakadda Pear Video u sheegay in dhibaatada shirkaddani aanay intaas ku ekeyn ee sida oo kale ay mushaharka shaqaalaha si aad ah ula raagto, illaa ay mararka qaarkood is gaadhsiiso laba bilood.

Fiidyowgan oo cadho badan abuuray ayaa la sheegay in ay saacadihii u horreeyey faafintiisaba ay tirada dadka daawaday gaadhay 30 Milyan oo ruux. Waxa aana warbaahinta bulshada lagu faafiyey faallooyin iyo hadallo si aad ah loogu dhaleecaynayo shirkadda.

Filimkan cadhada badan dhaliyey ee muujinaya sida bahdilaadda ah ee ay shirkadaha Shiinuhu u ciqaabaan shaqaalaha ay shaqadooda saluugaan, ciddii xiisaynaysaa waxa ay daawashadiisa ka raaci kartaa Link qoraalkan la socda: https://www.dailymail.co.uk/news/article-4012956/Public-humiliations-Chinese-workplaces-live-worms-crawling-people.html#v-9152952297380071693

In tirada dadka Shiinaah oo dunida ugu badani ay sababto in shaqo la’aantu ay badato, taasina ay keento in dadku aanay si dhayal ay shaqooyinka ay helaan uga tegin, xitaa haddii ay xadgudub iyo bahdilaaddan oo kale kala kulmaan masuuliyiinta shirkadaha ay u shaqaynayaan. Sida oo kale shirkadaha iyo dadka loo shaqeeyo oo og in aanay marnaba waayeyn shaqaale tayo iyo aqoon leh Ayaan dan ka gelin dhowrista xuquuqda iyo sharafta bani’aadamnimo ee shaqaalahooda.

 

Shahaado Jaamacadeed Oo Basaasnimada Lagu Baranayo Ayaa Markii Ugu Horreysay Dunida Laga Bilaabay

London (Hawraar)- Horumar waxbarashada ku cusub oo xiise gaar ah yeeshay ayaa ay noqotay markii jaamacad magac leh oo ku taalla dalka Ingiriisku ay ku dhawaaqday barnaamij waxbarasho oo cusub oo noociisa aan hore loo arag, laakiin ay run tahay in loo baahan yahay.

Barnaamijkan waxa ay jaamacaddu  ku sheegtay in uu ka jawaabayo baahiyaha nolosha casriga ah iyo kacaanka waqtigan xoogga badan ee tiknoolajiyadda. Jaamacadda Buckingham oo ku taalla dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in barnaamijkan cusub ee ay bilowday lagu baranayo dhinacyada ammaanka, sirdoonka iyo khatartaha dhinaca tiknoolajiyada ee jira. Marka uu ardaygu dhammaystana waxaa la siinayaa darajo cilmiya oo dhinaca basaasidda caalamiga ah.

Wargeyska Metro ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo warkan faafiyey ayaa ka soo xigatay Julian Richards oo ah agaasimaha barnaamijkan, in barnaamijyada dhinaca xidhiidhka caalamiga ah ee imika lagu barto jaamacaduhu, aanu ku filnayn in ay buuxiyaan waxyaabaha soo kordhay sannadihii u dambeeyey oo la socda isbeddelada iyo horumarka ay tiknoolajiyaddu ku socoto.

Richards oo 20 sano ka soo shaqaynayey waxbarashada sirdoonka, isla markaana ah khabiir ku xeeldheer arrimaha dalka Pakistan, ayaa sheegay in barnaamijyada barashada xidhiidhka caalamiga ah ee imika dunida ka jiraa, ay si aad ah xoogga u saaraan ‘Waxyaabaha dhiirrigelinaya dagaalak argagaxisada. Laakiin aanay ka warramin Tabaha iyo farsamooyinka cusub ee ay tahay in loo adeegsado argagaxisadan.

Richards waxa uu wargesyak Metro u caddeeyey in ardayda jaamacaddan wax lagu barayaa ay cilmibaadhis ku samayn doonaan jidadka cusub ee ku soo kordha shaqada wakaaladaha sirdoonka. Barnaamijkan waxbarasho ee cusub ayaa ay jaamacaddu bilaabaysaa bisha koowaad ee innagu soo fool leh.

 

50 Jirku Waa Da’da Dahabiga Ah Ee Ninka, Laakiin Waxaa Jirta Sabab Uu Ninku Uga Baqo Inta Aanu Gaadhin

Hargeya (Hawraar)- Waxaa caadi ah in aadamuhu uu ka baqo gabowga; oo gabadhu waxa ay ka baqdaa in ay Afartan jir gaadho, ninkuna ma jeclaysto in uu da’da kontonka buuxsado. Laakiin waxa la ogaaday in marka uu mid kastaa gaadho da’daa uu ka baqanayey in ay wax weyni iska beddelayaan aragtidii hore, mid kastaana uu garawsado in cabsidiisaa hore aanay sax ahayn.

Qoraaga Ingiriiska ah ee Grant Filer ayaa wargeyska The Telegraph waxa uu uga warramay sababaha ugu waaweyn ee keena in ninku uu marka uu Konton jir gaadho ay farxaddiisu u badato. Gaar ahaan marka qabto shaqo ama hawl ku cusub oo ka duwan intii uu hore u yaqaannay.

Culimada cilminafsigu waxa ay aaminsan yihiin in da’ kastaa ay leedahay duruufaheeda iyo waayo-aragnimadeeda, sidaa awgeed ay muhiim tahay in aanu qofku ka cabsan da’da weyn, gaar ahaan 50 jirka oo ay khubarada qaar kuba tilmaamaan da’da dahabiga ah.

Warbixin aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa tilmaamaysa sababaha ay xeeldheereyaasha cilminafsigu da’dan ugu tilmaameen da’da dahabiga ah.

Ninku marka uu 50 jir gaadho waxaa u kordha garasho iyo aqoon hor leh, waxa aana ku beerma dareen cusub oo ah jacayl uu u qabo in uu gaadho guulo ka weyn intii uu hore u samayn jiray, iyo in uu ku raaxaysto midhihii uu kontanka sano soo beerayey.

Da’da Konton jirku waa marka uu ninku si dhab ah u ogaado in waqtigii dheeraa ee soo maray uu ka faa’iideeyey iyo in kale, inta badanna waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay da’da guusha.

Konton jirka waxaa si fician u bislaaday waayoaragnimada nololeed, waxa aana u bilowda waqto uu awoodi karo in uu ka faa’iidaysto xusuusaha soo maray. Waxa kale oo da’dan lagu tilmaami karaa da’da is xisaabinta, oo inta badan waxa uu ninku bilaabaa in uu dib u xasuusto fursadaha kala duwan ee noloshiisa soo maray iyo himilooyinka uu lahaa ee aanu gaadhin ama xaqiijin kari waayey. Sababtaas ayaana keenta in qofku marka uu 50 sano gaadho uu aamino in noloshu ay gaaban tahay oo aanay ku filnayn in qofku uu hawlo badan iyo guulo waaweyn qabto.

Ninku marka uu da’da 50 jirka gaadho waxaa uu galaa xaalad ‘dib isu helis’ lagu tilmaami karo. Waxaa ku berma karti ah in uu isbeddelka qaadan karo, iyo in uu si hor leh uga faa’iidaysan karo xirfadihiisa iyo hibooyinkiisa. Laakiin fursaddan dambe ragga oo dhami kama faa’iidaystaan, balse waxa keliya ka faa’iidaysta ragga leh ku dhaca, nolosha waajaha, marar badanna u diyaarka ah is miidaamin.

Konton jirka waxaa ninka ku bilowda jacayl intii hore ka badan oo u uu qaado nasashada iyo raaxada. Waxa uu bilaabaa xiisaha ah in uu waqti fiican ku qaato oo uu k uraaxaysto waxyaabihii aanu dhalinyaranimadiisii waqtiga u helin. Waxa uu jecel yahay in uu waqti badan nasashada u helo.

Ninku marka uu da’da Konton gaadho, waxa uu awood intii hore ka badan u yeeshaa in uu cadhadiisa xakameeyo, ama u beddelo tamar uu si togan uga faa’iidaysan karo. Si kasta oo ay dhalinyaranimadu u wadato kulayl iyo cadho badan, da’da kontonka ayaa ay ku joogsataa.

 

Dhiigga Da’ Yar Haddii Qofka Da’da Ah Lagu Shubo Waxa Uu Ku Abuuraa Dhalinyaranimo Iyo Firfircooni

Washington (Hawraar)- Dadaalka dadyowga dunidu ka siman yihiin ee la tacaalista iyo iyo daweynta xanuunka jidheed iyo ka nafsadeed ee gabowga, iyo jacaylka loo qabo dhalinyaranimada ayaa u muuqda in ay weji cusub galeen. Haddii in badan qalniino iyo daweyn khatar kale dhalin kara laga fikiri jiray, marka la doonayo dhalinyaranimada, imika waxa ay u muuqataa in soo celinta dhalinyaranimada aan meel dheer laga raadsan doonin, keliya waxa aad u baahan tahay in aad isku baanato dhiig dhalinyaro.

Linda Partridge oo Bare-sare ka ah maxadka caafimaadka dadka da’da ah oo ka tirsan jaamacadda California, ayaa sheegay in la wado daweyn cusub oo ku dhisan cilmibaadhiso cusub oo daahfuray in dhiig qof dhalinyaro ah oo qof da’ ah lagu shubaa ay sababto in qofka da’da ah ay ku beeranto ruux iyo firfircooni dhalinyaronimo.

Warbixintan oo aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Al-Carabiya waxa ay sheegtay in dhiigga helistiisu ay tahay arrin aad u fudud oo tabaruc iyo lacagba lagu heli karo, waxa aanay tusaale u soo qaadatay shirkadda Ambrosia oo ah shirkad Maraykan ah oo lacag badan ku iibisa dhiig laga shubay dad dhalinyaro ah. Warbixintu waxa ay sheegtay in qiimaha 2 Litir iyo badhka dhiigga ay shirkaddani ku iibiso 8 kun oo doolar.

Dr. Amy Pepe ayaa iyaduna sheegtay in dhiigga qofka dhalinyarada ah laga shubo ee qofka da’da ah lagu shubaa ay wanaajiso tayada dhiigga ku sii jira qofka da’da weyn. Iyada oo sababta sii iftiiminaysana waxa ay sheegtay in dhiigga qofka dhalinyarada ahi uu la dagaalamo calaamadaha gabowga ee qofka da’da ah ka soo ifbaxa, maadaama oo unugyada dhiigga qofka dhalinyarada ah ku jiraa ay awood sare u leeyihiin daweynta xanuunnada qaarkood, iyo bogsiinta cilladaha caafimaad ee ku jira dhiigga qofka weyn. Waxa kale oo ay dhakhtaraddu sheegtay dhiigga cusubi marka uu galo jidhka qofka da’da ah, in uu dhiirrigeliyo taranka iyo fiicnaanta unugyada ku xeeran ee dhiigga qofka da’da ah ee lagu shubay.

Amy Pepe waxa ay intaas ku sii dartay in dhiigga dhalinyarada ee qofka da’da ah lagu shubay uu suurtagelinayo in dhiiggu uu si sidii hore ka fiican u gaadho muruyqada sadhaysan, beer xanuunka iyo habdhiska neerfaha ee qofka da’da ah.

Si kastaba ha ahaato ee faahfaahinaha cilmiga ah ee arrintan la xidhiidhaa weli waxa ay u baahan yihiin in si aad ah loo sii caddeeyo iyo in baadhiso dheeraad ah loogu noqdo.

 

Magaalo U Dabbaaldegtay Maalinta Caalamiga Ah Ee Caajiska Iyo Wax-Qabad La’aanta La Xuso

Bogota (Hawraar)- Sannad kasta waxaa dunida laga xusaa maalin caalami laga dhigay oo lagu calaamadiyey maalinta caajiska iyo wax-qabad la’aanta adduunka. Waa maalin la fasaxo inta badan ee shaqooyinka la xidhiidha warshadaha, ganacsiga iyo dhaqana, waxa aana lagu qabtaa magaalada Itagui oo dhacda koonfurta dalka Colombia.

Waa dabbaaldeg bulsho oo inta badan looma xuso qaab rasmi ah oo ay hay’ado madaxbannaan ama kuwo dawladeed ka soo qaybgalaan.

Dadka shaqaalaha ah ayaa maalintan oo kale nafta ku maaweeliya in ay nasasho iyo waxqabad la’aan u baahan tahay, waxa aanay isku mashquuliyaan qoob-ka-ciyaar, muusiko kala duwan,  dhaqameed, iyo ciyaaro dhaqameed.

Xuska maalinta caajiska adduunka waxaa la bilaabay sannadkii 1984 kii, waxa aanay ahayd farriin la doonayey in lagu muujiyo in dunida casriga ah ee hawlaha iyo tacabka badani ay u baahan tahay in ay hesho maalmo nasasho iyo in dadka maanta nooli ay bartaan in ay muhiim tahay in la helo saacado iyo maalmo hawl la’aaneed oo maadays iyo qosol lagu dhammaysto.

Waxa kale oo ay maalin adduunka laga joojiyo waxsoosaarka warshadaha iyo ganacsiga casriga ah si loo xuso sida ay noloshu ahaan jirtay kacaankii warshadaha hortii iyo markii aanay dadku baran noloshan casriga ah ee la helay cilmiga iyo farsamada lagu samaysan karo wax kasta oo loo baahdo.

Si kastaba ha ahaato ee xuska maalintani uma uu sii waarin sidii xiisaha lahayd ee uu ku bilowday xilligii loo aqoonsaday in uu noqdo maalin caalami ah. Inta badan ee warshadaha iyo loo shaqeeyeyaasha kale Ayaan ka garaabin in ay jirto maalin waxsoosaarka oo dhan la hakiyo oo shaqaaluhu ay gebi ahaanba iska nastaan. Markii ugu dambaysay ee maalintan si caalami ah loo xusayna waxa ay ahayd sannadkii 2012 ka.

Laakiin waxaa jira meelo weli maalintan si muuqata looga xuso, shirkadaha iyo hay’adaha dawliga ah ee ka jiraana ay ogolyihiin, waxaa ka mid ah dalka Maraykanka oo bisha Siddeedaad ee sannad kasta tobankeeda la xuso maalintan. Waa maalin dadku masuuliyadaha iyo waajibaadka shaqo oo dhan dhinac iska dhigaan oo aanay haba yaraato ee waxba qaban. Waxaa hal-ku-dheg u ah ereyga ‘Waxba ha qaban’ oo ay boodhadh iyo xitaa dharkooda ku qoraan. Kaddib waxa ay jiifsadaan jidadka hareerahooda iyo guryaha hortooda, iyaga oo u jiifa si muujinaysa in aanay wax hawl ah u diyaar ahayn.

Sawirka qormadan waa maryo iyo walxo kale oo qof loo ekeysiiyey, waxaana laga soo qaaday munaasabaddii ugu dambaysay ee maalintan lagu xusay magaalada Itagui ee dalka Colombia.

 

6 Saacadood Oo Ay Afada Madaxweyne Trump Qaahira Joogtay Waxaa Ku Baxay 95 Kun Oo Doolar

Washington (Hawraar)- Marwada koowaad ee Maraykanka Melanie Trump ayaa la sheegay in mar ay dhowaan booqatay magaalada Qaahira ee dalka Masar, muddo 6 saacadood ah oo ay joogtay uu ku baxay kharash dhan 95 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Shabakadda Internet ka ee Quirtiz oo Maraykanka laga leeyahay ayaa sheegay sida ku cad diiwaannada kharashaadka Federaalka ee Maraykanka, in marwo Melanie saacado yar oo ay Qaahira joogtay isticmaashay lacag dhan 95 kun oo doolar.

Kharashkan oo ay shabakaddu sii faahfaahisay waxaa ka mid ahaa, qolka huteelka ay degtay Melanie in habeenkii lagu seexdo lacag dhan 119 doolar, marka ay noqoto in qayb dhan loo kireeyo iyada iyo gacanyareyaasheedana waxa ay noqonaysaa 699 doolar maalintii, intaas oo lagu darayo cashuurta ay dawladda Masar ka rabto adeegyada ay isticmaashay oo iyaduna isku noqonaysa 156.5 doolar, sida lagu sheegay shabakadda internet ka ee hudheelka laftiisa.

Kharashka ku baxay joogitaankii marwada ee Qaahira, oo ay ka deggenayd huteelka Samiir Amiis Intercontinental, ayaa aad uga badnaa kharashkii ku baxay odaygeeda madaxweynaha ah ee Donald Trump mar uu bishii toddobaad ee sannadkan booqasho ku tegey garoonka kubadda Golofka ee uu ku leeyahay gobalka Scotland ee dalka Maraykanka. Weliba waqtigaas waxaa madaxweyne Trump la socday wiilkiisa  Eric, taliyaha ciidamada qalabka sida John Kelly iyo xoghayntiisa warbaahinta Sarah Sanders, iyo gaasimaha warbaahinta bulshada Dann Scavino. Kharashka xilligaas ku baxay Trump iyo dadka la socday ayaa dhamaa 77 kun oo doolarka Maraykanka ah.

Bixinta kharashka Melanie ku baxay safarkeeda oo ahaa toddobaadkii u horreeyey ee bisha Octoobar ayaa hadal hayn badan yeeshay, maadaama oo qorsheyaasha Madaxweyne Trump uu ka mid ahaa in la dhimo kharashaadka aan macnaha ugu fadhiyey shaqada iyo danta qaranka. Dad badan ayaa is weydiinaya in haddii safarka marwo Melanie ee Qaahira ay ku baxday lacagta intaas le’eg, inta uu noqon karo kharashaadka ku baxay meelihii kale ee ay tagtay isla safarkeedaas oo ay ka mid ahaayeen dalalka Afrika ku yaalla ee Gaana iyo Malaawi.

Marwada oo aanu safarkan ku wehelinayn odaygeedu waxa u socotay ol’ole ay doonayso in ay kaga shaqayso difaaca xuquuqda carruurta.

“Raggu Waa In Aanay Cag Gelin Madbakha, Waa Waajib Taasi” Madaxweynaha Uganda Oo Dood Cusub Qarxiyey

Kampala (Hawraar)- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale dood iyo muran xooggan oo caalamiya abuuray, laakiin markan mawduuca uu ka hadlay waa mid la xidhiidha jinsiga iyo kaalinta ay ragga iyo dumarku ku kala leeyihiin nolosha qoyska.

Waxa uu sheegay in guud ahaanba aanay shaqada ragga ka mid ahayn in ay cuntada kariyaan, marka uu ninku guursadana ay waajib ku tahay in aanu abidkii gelin madbakha.

“Muddadii aanu wada joognay Maama Janet (Xaaskiisa) oo 45 sano ah, weligay cag ma gelin madbakha .. waa sidaa sida ay tahay in uu dhaqanku noqdo,” Sidaas ayaa uu madaxweyne Yuweri oo 74 sano jir ahi ku yidhi, dhalinyaro hal-abuurro ganacsi iyo maalgashadayaal ah oo uu kula kulmay magaalada Kampala. Madaxweyne Yoweri oo hadalkiisa sii wata ayaa ku soo halqabsaday halkudheg ku jira afka Runyankore oo macnaheedu yahay, “Madaxa qoysku abidkii Madbakha ma galo”

Hadalka madaxweyne Yoweri ayaa qayb ka ahaa muran ka taagan kala saarista kaalinta ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo shaqaalaha rayidka ahi ku kala yeelanayaan maamulka dawladda gaar ahaan ilaha maaliyadda. “Sida keliya ee uu madaxweynuhu faraha ula geli karo barnaamijyada lacagta khuseeyaa, waa in ay dawladdu la socoto maamulka lacagta. Waa lacagtii dawladda” ayaa uu yidhi Madaxweyne Yoweri Museveni.

Hadalka madaxweyne Museveni uu ku sheegay in shaqada qoyska ee dumarku ay tahay kijada iyo in ay ninkeeda cuntada u diyaariso waxaa si aad ah uga cadhooday in badan oo ka mid ah dumarka. Waxa aana loo arkay in madaxweynuhu aanu aaminsanayn in gabadhu ay ka qayb qaadan karto nolosha kale ee bulshada iyo talada umadda. Winnie Byanyima oo ah gabadha agaasimaah guud u ah hay’adda caalamiga ah ee OXFAM ayaa ka mid ah dumarka dareenka cadhada leh kaga qaybqaatay doodda ka dhalatay hadalka madaxweynaha, “Hadalka madaxweyne Museveni niyadjab ayaa uu igu abuuray. Cunto karintu ma’aha shaqada gabadha. Waa xirfad nololeed. Dhammaan dadka oo rag iyo dumarba ku jiraan waa in ay wax kariyaan. Marka la leeyahay cunto karinta, nadaafadda iyo hawlaha kale ee guriga gudihiisa ha loo dhaafo dumarka, waa hab lagaga hor istaagayo in ay furad ta ragga la siman u helaan kor u qaadista dakhliyada, ama in ay siyaasadda ka shaqeeyaan” ayaa ay agaasimaha OXFAM ku tidhi farriin ay ku qortay barteeda Twitter ka.

 

Tuule Ay Ku Nool Yihiin Afartan Iyo Toddoba Dumar Ah, Laba Boqol Oo Carruur Ah Iyo Nin Keliyi

Nayroobi (Hawraar)- Geed hadhac ah oo tuulaha ku daraf kaga yaalla ayaa hoostiisa  ay isugu yimaaddaan dumarka intooda hal-doorka ah ee talada la bidayaa si ay uga go’aan gaadhaan arrimaha muhiimka ah ee hadba noloshooda khuseeya, raggana waa ka mamnuuc in ay tuuladan soo galaan tan iyo markii la aas-aasay oo ahayd 25 sano ka hor.

Haweenay saxafiyad ah oo ka tirsan wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa soo tabisay qisada tuulaha keliya ee dunida ku yaalla ee ay dumar gaar u leeyihiin.

Tuulahan oo 350KM dhinaca galbeed ka xigta  magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya waxaa asalkiisa hore sannadkii 1990kii samaystay 15 dumar reer Kenya ah, waxa aanay u bixiyeen  Umoja oo ah erey afsawaaxili ah oo macnihiisu yahay ‘Midnimo’. Tuulahan waxaa hadda ku nool 47 dumar ah iyo 200 oo carruur ah iyo sidoo kale nin keliya oo aan isagu joogto ugu noolayn. Fikirka tuulahan lagu aas-aasay waxaa lahayd gabadh lagu magacaabo Najusi Lokimu oo ka soo baxsatay tuulihii ay deggenayd bilowgii Shagaashamaadkii qarnigii Labaatanaad, kadib markii ay kufsadeen saddex askari oo u dhashay dalka Ingiriiska oo ka mid ahaa ciidamada Qaramada Midoobey, kadib markii ay cidlo ka heleen iyada oo xoolo la joogta.

Lukimo oo arrintan ka hadlaysa ayaa tidhi, “Saygaygii ayaa aan u sheegay in fal-dambiyeedkaas la igula kacay, waxa aan ka filayey in uu ila fahmi doono duruufta, laakiin markiiba waxa uu bilaabay in uu i garaaco. … Isaga oo aad u qaylinaya ayaa uu ku celcelinayey, ceeb ayaa aad qoyskaygii u soo hoysay” Waxa ay sheegtay in muddo sagaashan maalmood ah ay miyiga kelideed cunto iyo biyo la’aan meeraysanaysay markii saygeedu gurigii ka eryey ee ay ceeb tuulihii uga soo firdhatay. Markii ay baxsatay waxa ay la kulantay dumar badan oo duruufaheedan oo kale soo mareen, kuwaas oo beeraha inta ay khudradda ka soo iibsadaan dib u sii iibin jiray, si ay nolol maalmeedkooda u daboolaan, kadib waa ay Lukimo la qaateen taladeedii ahayd in ay tuule u gaar ah dhistaan oo suuqa marka ay ka tagaan ay ku rawaxaan, isna caawiyaan. Waxa kale oo ay go’aan ku gaadheen in aanay sinnaba ragga ugu ogolaan in ay tuulahoodaas dergadaha ka samaysan soo galaan.

Tuulahan markii dambe waxa uu noqday goob dalxiis, oo dad badan oo jinsiyado kala duwan ahi ay si joogto ah u yimaaddaan si ay u soo arkaan duni dumar keliyi maamulaan kuna nool yihiin. Dhaqaale badan oo dalxiiska ka soo gala ayaana sii wanaajiyey noloshii dumarka iyo caruurta tuulaha, waxaana ay gaadheen heer ay ka maarmaan in ay u shaqo tagaan suuqyo ka baxsan tuulahooda, maadaama oo dadka tirada badan ee dalxiiska ahi lacag aad u badan wax kaga iibsadaan alaabooyinka iyo cuntooyinka kala duwan ee dumarkani tuulahooda ku hayaan. Sidoo kale waxa uu tuulahani gacan ka helay ururro iyo haayado arrimaha dumarka u dhaq-dhaqaaqa oo Qaramada Midoobey ka mid tahay.

Dumarkan oo mid kastaa ay leedahay qiso murugo badan oo soo kala martay rag, waxa ay tuulahan ku dhaqaan sharci aad u fogeynaya ragga, gabadha doonta in ay guursataa waa in ninka ay doonaysaa si dhuumasho ah duleedka magaalada uga helaa, oo halkaas ku haasaawaan, maalinta ay guur u noqotana waa in ay gabadhu tuulaha ka guurtaa oo ay ninkaas tuulihiisa iyo deegaankii kale ee uu geynayo u raacdaa, maadaama oo aan loo ogolayn in uu isagu tuulaha xitaa soo galo.

Ninka keliya ee tuulahan dumarka loo ogolyahay in uu galaa waa Latuki, isaguna si joogto ah uguma noola, qorraxdu marka ay soo baxdo ayaa uu yimaaddaa maalin kasta si uu u raaco una daryeelo xoolo tuulahan lagu dhaqo, marka uu gabbalku dhacana inta uu xoolaha tuulaha ku soo celiyo ayaa uu ka hulleelaa, shaqadan uu ku lacag qaataa waa shaqada ay hore dumarku caanka ugu ahaayeen. Ragga deegaankan ayaa aad uga hinaasay hal-abuurka dumarkan tuulaha gaarka ah samaystay, meel ka durugsan tuulahan dumarka ee Umoja ayaanay ka dhisteen tuule ragga u gaar ah, laakiin xiisaha iyo soo dhoweynta uu tuulahan dumarku helay ma’ay helin cidina ma’ay baran.

 

30 Jir Maalgashade Ah Oo Shiinaha La Galay Heshiis 2 Milyan Oo Doolar Ah Oo Uu Basbaas Ugu Dhoofinayo

Dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee ka dhacay carwada caalamiga ah ee China ayaa noqday heshiis ganacsi ku kacaya 2 milyan oo doolar, oo dhex maray mid ka mid ah maagashadayaasha Afrika ugu da’da yar iyo dawladda Shiinaha.

Macradkan caalamiga ah oo ah kii ugu horreeyey ee Shiinuhu qabto waxaa heshiiskan ku galay Diego Twahirwa oo ah 30 jir u dhashay dalka Rwanda o oleh beerta caanka ah ee Gashora, waxa aanu heshiiska la saxeexday shirkadda Kai Jiang Xian Zi Wei, si uu laga bilaabo bisha Kow iyo tobnaad ee 2018 ka, illaa bisha Shanaad ee 2019 ka  busbaas qaji ugu dhoofiyo dalka Shiinaha.

Wargeyska ‘The New Times’ ee ugu caansan dalka Shiinaha, ayaa ku warramay in wiilkani bilaabay beer weyn oo la yidhaahdo Beerta Gashora, sannadkii 2015 ka, kaddib markii uu qaatay go’aan ahaa in uu iskaga tago shirkad uu ugu shaqaynayey aqoonta uu bartay oo ah injineernimada beeraha. Wiilkani si dhaqso ah uma uu bilaabin ganacsiga qajiga, laakiin markii uu bilaabay waxa uu arkay waxtarkeeda, waxa uu bilaabay in uu ku sii socdo beerista iyo kor u qaadista waxsoosaarka busbaaska qajiga loo yaqaann. “Suuq xaamiya ayaa uu haystaa noocyada kala duwan ee busbaas qajigu, soo go’itaanka dalaggiisuna waa uu ka waqti gaaban yahay qiime ahaanna ka xasiloonyahay xitaa shaaha iyo bunka” ayaa uu Twahirwa yidhi mar uu sannadkii 2017 ka sheekeeyey sababta ku riixday in uu beertiisa u beddelo mid uu qajiga ku beero.

Dalka Rwanda waxa aad loogu yaqaannaa waxsoosaarka bunka iyo shaaha, marar badan ayaanay abaalmarinno kala duwan dunida kaga kasbatay waxsoosaarkeeda bunka iyo shaaha oo tayadiisa loo bogay.

Imika wiilkan 30 jirka ah beertiisu waxa ay dhoofisaa busbaaska iyo saliidda busbaaska oo uu u dhoofiyo dalalka Ingiriiska, Maraykanka, Beljam, Faransiiska, Hindiya, Natherland, iyo Switzerland.

Korodhka xawliga sare ku socda ee dalabaadka lagu doonayo busbaaska ay soo saarto beerta Gashora, ayaa kallifay in uu Twahirwa sii ballaadhiyo dhul beereedkiisa oo uu dhowaan ku daray 160 Hektar sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray bangiga adduunku.

Sannadkii 2017 ka dalagga busbaaska ee beertiisu waxa uu ahaa 10 Metric Ton, oo ah qaji ingagan xilli beereed kasta, waxsoosaarkaasna waxaa ka mid ahaa qaji daray ah, qajiga aadka u kulul iyo qajiga ingagagan ee loo yaqaanno qajijada Afrika, dhammaan noocyadaasna waxa uu ku soo bandhigay carwo ganacsiyeedkii caalamiga ahaa ee Shiinaha oo horraantii bishan kow iyo tobnaad ka dhacay dalka Shiinaha.

Wiilkan ayaa bishii siddeedaad ee sannadkan ku guulaystay abaal marintii sannadkan 2018 ka ee maalgashadeyaasha da’da yar ee sannadka (WEDF 2018).

 

Cunto Dufanku Ku Badan Yahay Oo Ay Hooyadu Cuntaa Waxa Ay Buurni Qaadsiisaa Ubadka Ay Ayeeyada U Noqoto

Bern (Hawraar)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Switzerland ayaa daaha ka rogtay in hooyooyinka cuntada dufanku ku badan yahay cuna xilliga uurka ka hor ama kaddib iyo inta uurka ay leeyihiinba ay raad taban oo dhinaca caafimaadka ah gaadhsiiyaan saddex jiil oo kala dambeeya oo tarantooda ah.

Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen cilmibaadhayaal ka tirsan maxadka tiknoolajiyadda ee federaalka Switzerland oo xaruntiisu tahay maaalada Zurich, waxaa natiijadiisa lagu faafiyey cadadkii ugu dambeeyey ee Joornaalka arrimaha cilmiga wax ka qora ee Translational Psychiatry. Daraasaddan oo ay xeeldheereyaashu ku baadhayeen xidhiidhka caafimaad darro ee ka dhexeyn kara cuntada dufanku ku badan yahay iyo taranta dambe ee qofka, waxa ay ku ogaadeen in cuntada dufanka leh ee ay gabadhu cuntaa ay buurni ku keento taranteeda, iyo in taranta jiilalka dambe ah ku abuurto xaalad uu jidhkood iska caabbiyo insulin ta, waxaa intaas dheer qofka oo dufanka cunista u qabatima sida balwada daroogada. Xaaladahaas oo aan lagu arkin carruurta yaryar ee ay gabadhu dhasho oo keliya, balse ay sida oo kale u gudubto carruurta ka sii farcama ee ay ayeeyada iyo mocooyada u noqonayso. Arrinta yaabka leh ayaa ah in ubadkaas jiilalka dambe ah ay ayeeyada ka hidde raacayaan baruurtaas, xitaa haddii aanay iyaga hooyadood cunin dufan.

Dr. Darya Peleg Raibstein oo ah haweenayda hoggaaminaysay xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ayaa tidhi, “Cilmibaadhisaha lagu baadho khatarta caafimaad ee cuntada dufanka badan leh, illaa imika ma’ay ka eegin dhinaca daraasaddani ka eegtay” Dr. Darya Peleg waxa ay intaas ku sii dartay, “Daraasaddani waa tii nooceeda ugu horreysay ee eegtay raadadka ay cuntada dufanka badan lihi ku yeelato u badka ay gabadhu ayeeyada u noqon doonto” waxa aanay tilmaamtay in faa’iidooyinka daraasaddan cusub ay ka mid tahay in ay caawiso wanaajinta caafimaadka iyo waxbarashada haweenka, iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan xakamaynta miisaanka, si ubadka dambe fursad ugu helaan in ay nolol caafimaad qabta noolaadaan.

Cuntooyinka degdegga ah, baradhada shiilan, hilibka qasacadaysan, macmacaanka, iyo sharaabbada sonkorta badan lagu milo, ayaa xagga hore kaga jira cuntooyinka iyo cabbitaannada hodanka ku ah dufanka iyo sonkorta. Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna ka digay in cuntooyinka dufanka ama sonkorta badan lihi aanay keenin buurni keliya, balse ay sida oo kale maskaxda burburiso, keentana in ay hoos u dhacdo awoodda garasho ee qofku, waxa aanay taasi kordhisaa suurtagalnimada in qofka ay ku keento kansarka ku dhaca xiidmaha iyo malawadka.

 

Carruurta Yaryar Oo Araggu Daciifo Ama Ili Qallooc Yeelataa Waxa Ay Dhaawac Gaadhsiin Kartaa Horumarka Shaqo Ee Maskaxda

Ottawa (Hawraar)- Cilmibaadhis caafimaad oo caalamiya ayaa dhowaan daahfurtay in aragga carruurta oo daciif noqda ama qallooca labada indhood midkood gala ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo, ‘Cooper eye’ oo ilmaha ku dhacaa ay raad taban ku yeelan karto horumarka iyo korniinka shaqooyinka maskaxda ee la xidhiidha hawlaha ay ka mid yihiin muhiimad siinta arrimaha horyaalla.

Cilmibaadhis ay hormood ka ahayd jaamacadda Waterloo ee dalka Kanada oo kaashanaysa cilmibaadhayaal ka socday labada jaamacadood ee Colombia oo ku taalla dalka Ingiriiska iyo Oakland oo ku taalla New Zealand, ayaa natiijadeeda lagu faafiyey joornaalka Investigative Ophthalmology & Visual Science.

Waxa ay cilmibaadhistu sheegtay in qallooca ishu uu aragtida u leeyahay dhibaatooyin khatar ah oo ay ka mid tahay in dhaqso uu qofku u lumiyo awoodda aragga, in aragga isku marka socda ee labada indhood lumo ama in ay korodho khatarta ah in isha aan qalloocin culays ku dhaco oo uu ugu dambaynta aragu ka dhinto.

Caadi ahaan ishu waa sawirqaad, oo marka ay wax aragto sawirkiisa waxa ay u gudbisaa maskaxda si ay u garato waxaas ama u magacowdo. Haddaba dhaawaca u horreeya ee ay xaaladda qallooca ishu ku keento maskaxdu waxa uu ka bilowdaa in labada indhood ee midi qalloocdaa ay maskaxda u kala diraan laba sawir oo kala duwan ama sawirkii oo ay laba dhinac ka kala arkeen ama sawirkii oo laba jeer ah, xaaladdaasina waxa ay ku keentaa Khalkhal shaqo iyo in marka dambe maskaxda qaybtaasi la shaqayn weydo indhaha midkood, oo ay ishaasi sidaas aragga ku weydo.

Dhibaatada kale ayaa ah in isha qalloocdaa ay inta badan kala furan tahay, xitaa haddii shabakadda ishu caafimaad qabto, kala furnaanshiyaas ay kaga badan tahay isha kale waxa uu keenaa in ay sawirro joogto ah oo aanay isha kale qaadin qaaddo oo ay maskaxda u dirto. Shaqadaas aan kala go’a lahayn ee maskaxda soo gaadhaya iyaga oo kala dhiman ayaa ugu dambaynta Khalkhal ku keena shaqadii maskaxda ee qaybtaas qaabilsanayd, waxa aanay maskaxdu qaadataa go’aan ah in ay joojiso adeegsiga sawirrada uga imanaya ishaash. Waxaa halkaas ka bilowda in ay ishaasi ku xidhnaan weydo maskaxda ugu dambayntana aragga lumiso.

Haddaba waxa ay dhakhaatiirtu waalidiinta si aad ah ugula talinayaan in ay ubadka indhahooda ka warhayaan, si dhaqso ahna uga daweeyaan, haddii uu qallooc ku yimaaddo. Sida uu sheegay Ben Thomas oo bare-sare ka ah kuliyadda indhaha iyo cilmiga aragga ee jaamacadda Waterloo, dawooyinta ugu fiican ee qallooca ishu waa marka ay carruurnimo iyo bilowga hore ee xaaladda dawadu la  bilaabato. Waxa aanay inta badan tahay in dawadu ay ku bilaabato marxaladaha ay xaaladdani ku habboon tahay in gudaha maskaxda laga soo bilaabo. Sida oo kale waa in la daweeyaa xaaladaha ku lammaan ee ay ka mid tahay in ilmuhu uu luminayo hubsashada iyo fiirada.

Si kastaba ha ahaato ee in xaaladdan la daweeyaa aad ayaa ay u fududahay marka ay carruunimo ku bilaabato daweyntu.

 

Caruurta Isticmaasha Internet Ku Si Buuxda Ayaa Ay U Rumaystaan Wax Kasta Oo Ay Ka Akhriyaan

London (Hawraar)- Cilmbaadhis ay samaysay haayadda Ofcom oo ka shaqaysa arrimaha Isgaadhsiinta ee dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in carruurta ku barbaarta Internet ka isticmaalkiisu ay si sahal ah u rumaystaan wax kasta oo ay ka akhriyaan bogagga internet ka.

Haayadda Ofcom wawxa ay sheegtay in ay si xawli ah u sii laban-laabmayso tirada carruurta akhrisata waxa ku jira degelka baadhista internet ka ee Google iyo bar-kulannada bulsho ee internet ka, iyo in carruurtaasi ay si inta macquulka ah ka badan u rumaystaan uguna kalsoonaadaan waxa ay ka helaan internet ka. Baadhistan waxa ay OFCOM ku ogaatay in hadda inta la og yahay carruurta dunida ku dhaqan ee da’doodu u dhexeyso 8 illaa 15 ay internet ka ku qaataan waqti laban-laab ka badan inta ay ku qaadan jireen carruurti ida’dooda ahayd ee jirtay Toban sano ka hor.

Haayadda OFCOM waxa ay sheegtay in carruurta da’dan ah ee internet ka isticmaalayaa ay u baahan yihiin wacyigelin iyo baraarugsanaan dheeraad ah oo ay ku kala gartaan saxa iyo qaladka waxa ay ka akhriyayaan Internet ka, maadaama oo la ogaaday in tobankii carruur ahba mid ka mid ahi uu aaminsan yahay in boqolkiiba boqol uu run yahay waxa uu internet ka akhristo.

Daraasaddan uu Hawraar Afrika afsoomaali u turjumay oo natiijadeeda uu faafiyey wargeyska Daily Telegraph eek a soo baxa dalka Ingiriiska ayaa sheegaysa in ay si aad ah u sii kordhayaan carruurta dunida ee wararka xaqiiqada ah ee ay u baahdaan iyo hubsashada wax kasta oo ay maqlaan ama arkaan ka raadsanaya Internet ka oo uu ugu badan yahay degelka Fiidyowyada laga daawado ee YouTube. Tirokoob ay haayadda OFCOM samaysay ayaana muujinaya in carruurta da’doodu u dhexeyso 12 illaa 15 ay boqolkiiba 34 sidiisa u rumaystaan wax kasta oo ay internet ka arkaan halka boqolkiiba 31 ay ka shakiyaan uun, taas oo tirada carruurta aan rumaysan waxa internet ka ku jira ka dhigaysa boqolkiiba 35 keliya.

 

WhatsApp chat