Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Author Archives: admin

Queen Tasha Muuqaal Cusub Wiilyahow Adiga Ayaan Kaa Helaa 2019

Queen Tasha Muuqaal Cusub Wiilyahow Adiga Ayaan Kaa Helaa 2019

Ma Ogtahay In Atarishada Priyanka Chopra Ay Diiday 2 Filim Oo Salman Khan Uu Aktar Ka Ahaa

Atirishada Priyanka Chopra waxay sanadkii hore 2018 isaga baxday filmka Bharat oo ay saxiixatay balse arimo guurkeeda u gaar ah ayey sheegtay inay tahay sababta ay isaga baxday mashruucan .

The Rock Oo Sheegay In Xidiga Musaaracada Ee Roman Reigns Uu Qayb Ka Noqon Doono Fast and Furius

Xidiga musaaracada qeybta ka ah sidoo kalana ah aktar ka tirsan shirkada Hollywood ee Dwayne Johnson isla markaasna ku magac dheer The Rock ayaa sheegay in xidiga Musaaracada ka xamaasho isla markaasna ah ina adeerkiis ee Roman Reigns  in uu qeyb ka noqon doono filimka weyn ee Fast and Furious qeybtiisa xigta.

10ka Filim Ee Ugu Qaalisan Dunida

Markaana waxan diirada saari doonaa 10-ka filim ee Hollywood ah kuwooda lacagaha ugu badan soo xareeyay isku darka gudaha USA iyo daafaha caalamka (Worldwide Gross) sanadkii tagay.

5 Meelood Ee Ugu Khatarta Badan Dunida Oo Somaliya Lagu Daray Iyo Sababta Loogu Daray

Caalamka waxa uu leeyahay goobo badan oo qurux badan taaso aad mar waliba ku hamiso inad aado ama booqato si aad waqti fiican ugu qaadatid laakiin waxan ku haaya 5 meelood e loo Aqoonsaday inay yihiin goobaha ugu qatarta badan caalamka taaso ay ku jirto dalkeena soomaaliya sida maqaalka loo daabacay waana arrin la yaab igu noqotay in soomaalia ay ka mid Tahay meelaha ugu qatarta badan caalamka waana xog ay diyaarisay ama qortay majalada ka faaloota arimaha caalamka (humornation)

fadlan hoos ka bogo warbixinada 5 meel ugu qatarta badan caalamka

1. Antarctica

meeshan waa dhul aad u weyn oo wada baraf ah oo noole bini’aadam uusan ku noolan karin qabow darteeda waxa uu heerkulkiisa hoos u dhacsan yahay 90 degree qabowgiisa waa mid ugu daran caalamka

hadaad halkaas ku xanuunsato ma helaysid qof ku caawiya maadama dhulkaas aysan isbitaal lahayn xitaa qof bini’aadan ah ma dagan meeshaas ma jirto wax bad-baadin ah waana goob ka mid ah kuwa Ugu qatarta badan caalamka

2. Somalia

waxa somalia loo yaqaan dhul u taranta kaliya burcad badeedka  gacan ku dhiiglayaasha kuwa qaraxa sameeya iyo dhalinyaro aan waxbarasho la’aan laakiin waxa ay si fiican u yaqaanan sida hubka loo isticmaalo taaso dowlad walba oo timaado ay fashalinto inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas

iyadoo dadka ka imaanaya caalamka ee imaanaya dalka soomalya inta aysan soomaaliya aadin waxaa la siiyo digniino fara badan waxaa qasab ah hadaad imaanayso soomaaliya waa inaad caanshuur siisa policeka si ay ku difaacaan soomaaliya ayaa kaalinta labaad kaso gashay liiskan

3. Danakil Desert

meeshan waxaa lagu tilmaama dhulka lama-deegaanka kan ugu naxriista daran ee caalamka oo hadaad doonayso Inad booqato waxa marka hore ka diidaya dowladaada madaama dhulkan uu  yahay goob weligeeda laysku dagaali jiray

iyadoo dad badan halkaas ay ku maqan yihiin taaso aan la ogeyn in la afduubay iyo in la dilay mana ahan goob uu ka ak dhow yahay bad ama meel la dago

4.  Afghanistan

meeshan waxa lagu qeexa dhulka ismiidaaminta maadaama uu maalin walba halkaas uu ka dhaco qaraxyo waa weyn taaso ay ku dhintaan boqolaal qofood mana ahan dhul lagu noolaan karo xitaa hal maalin madaama amnigiisa uu aad u xun yahay adigana aad heli karin qof ku ilaaliya maxaa yeelay xitaa dowlada ayaa amnigeeda u cabsata

5. Snake Island

jaziiradan waa mid gaar ah oo ay leeyihiin masaska noocyadiisa kala duwan sida copra  waxaana ku nool masaska kuwood ugu qatarta badan caalamka kumana arkaysid qof Bini’aadam ah

maadaama aysan isla noolaan karin masaska qatarta leh waxaana jasiiradan ay u dhex taala wadanka brazil laakiin dowlada brazil waa ay ka mamnuucday inuu qof aado meeshan waxaana loo xilsaaray quburo ku xeel dheer masaska

Baro 10 Actor Ee Ugu Caansan Koonfurta Hindiya Iyo Xaasaskooda

Filimada  koonfur  Hindiya  haatan  wuxuu  noqday  mid si  weyn  loogu  jacel  yahay  gudaha  Hindiya  iyo  daafaha caalamka  aad  loo  raadiyo  warbaxinadooda  jilaayaasha  ugu  caansan  koonfur Hindiya.

Sidaa  daraadeed  maanta la  kulan  10 jilaaa ee  ugu  caansan  koonfur  hindiya xaaskooda iyo caruurtooda  quruxda  badan maadaama  badanaa  aqoon loo  laheyn  jilaayaasah  koonfur  Hindiya  xaaskooda iyo caruurtooda.

Fadlan hoos kaga bogo qaar ka mid jilaayaasha koonfur Hindiya iyo caruurtooda.

  1. Ajith xaaskiisa Shalini iyo gabadhiisa Anoushka

Ajith Kumar Iyo wiilkiisa Aadvik

Related image

https://i0.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/e9865fc1-c759-4bfe-9d96-166a7a6e9624.jpg?resize=583%2C795

2. Mahesh Babu xaaskiisa Nimrata Shirodkar wiilkiisa Gautam Iyo Sitara

https://i1.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/af63e59c-3c88-418d-8610-c2863518a743.jpg?resize=589%2C593

3. Vijay  iyo xaaskiisa Sangeeta

Image result for vijay and his family

Vijay wiilkiisa Jason iyo gabadhiisa Divya

4. Dhanush iyo xaaskiisa Aishwarya Rajinikanth

Caruurtiisa Yatra Raja Iyo Linga Raja

https://i1.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/068807f6-e8bf-4e2e-94f4-1e9bdb8b5aa1.jpg?resize=584%2C438

5. Suriya xaaskiisa Jyothika wiilkiisa Dev iyo gabadhiisa Diya

https://i2.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/f517a57b-5945-4545-8e6d-7035e5c18cb5.jpg?resize=591%2C443

6. Allu Arjun xaaskiisa Sneha wiilkiisa Ayaan Iyo gabadhiisa Arha

https://i0.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/8ef0c6dd-8939-463c-adb5-db24f9764f39.jpg?resize=596%2C596

7. JR NTR xaaskiisa Lakshmi iyo wiilkiisa Nandamuri Abhay Ram

https://i0.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/f20f15d5-0b84-4749-8d70-7c91102eb1f3.jpg?resize=589%2C368

8. Pawan Kalyan iyo carurtiisa Akira Nandan iyo Aadhya konidala

 Pawan iyo xaaskiisa seddaxaad Anna Lezhneva

Image result

9. R. Madhavan xaaskiisa Sarita Birje iyo iyo wiilkiisa Vedant

10. Prabhu Deva xaaskiisa punitha

Seddax wiil ayaa u joogay waxaana 2008 cudurka cancer-ka ugu geeriyootay Basavaraju Sundaram

https://i2.wp.com/images.desimartini.com/media/main/user_uploads/2017-9/d5e4feeb-2e86-40fe-bc62-17921bfb9c50.jpg?resize=591%2C914

Ma Taqaanaa Wadankii Madaxwaynahooga Jarjaray Dabadeed Hilibkiisii Cunay

Sannadkii 1653 kii, Johan De Witt oo u dhashay dalka Holland ayaa loo igmaday in uu noqdo hawglgabka ugu weyn dalka Holland. Kaas oo ahaa xil u dhigma xilka imika loo yaqaanno raysalwasaaraha.

Ereyga aynu afsoomaaligiisa ka dhignay, ‘Hawlgabka ugu weyn’ oo afka dalka Holland ku noqonaya ‘Raadspensionaris’ waxa uu ahaa magac xilka ugu sarreeya xukuumadda, oo hadda u dhigma raysalwasaaraha. Sababta hawlgabka loogu bixiyey ma cadda, waxa se ay u dhowdahay in looga jeeday uun in uu yahay ninka ugu sarreeya shaqaalaha dawladda oo dabcan xuquuq hawlgab ama mushahar ku yeelanaya dawladda.

Johan De Witt isaga oo 28 sano jir ah ayaa uu qabtay xilkan oo ahaa kan ugu sarreeya dalka, sidaa awgeed dadka reer Holland waxa ay u arkayeen wiil dhalinyaro ah oo himilo fog leh, waxa aanay ka filayeen in uu ku hoggaamin doono mustaqbal siyaasadeed oo hiraya, iyo dawladnimo dalka geyeysiisa guulo waaweyn. Rajadaa ay ka qabeen hoggaamintiisa ayaana ahayd sababta ay saddex jeer oo is xiga ugu doorteen in uu noqdo, ‘Hawlgabka ugu weyn dalka’.

Johan De Witt (Magaca koowaad waxaa loo akhriyaa Yoohaan), waxa uu ka dhashay qoys caan ku ah siyaasadda, waxa aana ka mid ahaa aabihii oo mar ahaa duqa magaalada Dordrecht. Qoyska uu ka soo jeedo awgii iyo xilka muhiimka ah ee uu aabihii hayey ayaa u fududeeyey in uu waxbarashada meel fiican ka gaadho, gaar ahaan dhinaca xisaabaadka oo uu illaa carruurnimadiisii si gaar ah u baranayey, waana sababta uu markii dambe u fududaysay in uu maamulo arrimaha dhaqaalaha ee dalkiisa.

Guulihii uu gaadhay

Johan De Witt waxa uu ku guulaystay in hal sano markii uu xilka hayey 1653 kii uu soo afjaro dagaalkii adkaa ee waqtigaas u dhexeeyey Holland iyo Ingiriiska, colaaddaas uu dhammeeyey oo uu kula baxay naanaysta ah, ‘Diblumaasigii ruugcaddaaga ahaa, ama diblumaasigii fariidka ahaa’.

Johan De Witt waxa uu xilka ‘Hawlgabka ugu weyn’ qabtay xilli ay taariikhda dalka Holland u taqaanno, ‘Casrigii dahabiga ahaa’ oo lagu tiriyo in uu dalkani ka mid yahay dalalka ‘Quwadda caalamka’ ahaa markaas. Waxa uu dalku gumaysanayey dhul aad u ballaadhan oo qaaradaha Ameerika iyo Aasiya ka mid ah. Waxaa jira dhaqdhaqaaq ganacsi oo aan hore loo arag, kaas oo nooleeyey dekedaha Holland oo ay maalin kasta ka soo degi jireen badeecado ay ka mid yihiin Dahabka, Xawaashyada iyo Xariirta oo ay shirkad lagu magacaabi jiray, ‘Shirkadda Hindiyada Bari’ oo dalka Holland laga lahaa ka keeni jirtay daafaha dunida.

Colaado iyo loollanno siyaasi ah oo u dhexeeyey Ingiriiska

Horumarkaas ballaadhan ee dalka Holland ka jiray, waxaa garab socday xaalad loollan siyaasadeed iyo colaado ah oo dalku ku jiray, gaar ahaan dagaalladii u dhexeeyey dalka Ingiriiska. Dhinaca kalana waxaa iska haystay ganacsatada oo awood badan dalka ku lahayd iyo siyaasiyiintii Jamhuuriyiinta loogu yeedhi jiray ee doonayey in dalka nidaam jamhuuri ah lagu dhaqo oo isku dhinac ahaa iyo dhinaca kale oo ay ka soo jeedeen siyaasiyiintii iyo awooddii la jirtay fikirka ahaa in dalka lagu dhaqo nidaam boqortooyo. Waxa aanay si gaar ah u taageersanaayeen in talada loo dhiibo tafiirta Nassau, oo ahaa qoys talada Holland iyo guud ahaan qaaradda Yurub saamayn ku lahaa.

Dhammaadkii Johan

Inkasta oo uu Johan ahaa ninkaas hawlaha badan ee fiican dalkiisa ka qabtay, haddana waxaa jiray qawad badan oo ay dadku ka qabaan inta uu qabtay, maadaama oo ay marka hore ka filayeen waxqabad iyo horumar intaas aad uga weyn, waxa kale oo iyaduna xoogaysatay colaaddii ka soo horjeedday Johan, illaa ugu dambayntii uu dalka ka dhacay gadood la doonayo in uu xilka kaga dego.

Maalin ka mid ah maalmaha uu gadoodka aadka u weyni socday, ayaa dad aad u tiro badan oo dibadbaxayey ay ku guulaysteen in ay weeraraan Johan De Witt oo kormeerayey xabsi ku yaallay magaalada Lahai, cabbaar iska caabbin ay samaysay ilaaladii hoggaamiyuhu kaddibna, dadkan oo hirar ahaa waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan Johan De Witt iyo walaalkii, inta ay soo jiideen ayaa ay la yimaaddeen mid ka mid ah fagaarayaasha waaweyn ee magaalada. Kaddib garaac arxandarro ah ayaa ay ku bilaabeen, ugu dambayntiina hoggaamiyaha iyo walaalkii oo aan waxba ku noolayn ayaa ay toogteen, maydkoodiina soo sudheen tiir dheer oo goobta ku yaallay. Dadkan aadka u cadhaysnaa intaas kagama ay tegin hoggaamiyaha, balse badhkood waxa ay googoosteen hilbihii Johan De Witt, oo ay cuneen.

Xogta: Telefan Cusub Oo Loogu Talagalay Caruurta Oo Lasoo Saarey

Shirkad laga leeyahay dalka Ustareeliya ayaa soo saaraysa taleefanka gacanta oo ay ku sheegtay in uu yahay kii ugu horreeyey ee aamin u ah in ay carruurtu ku isticmaasho Internet ka. Shirkadda Family Zone oo ka shaqaysa badqabka isticmaalka Internet ka, ayaa sheegtay in taleefankan cusub oo ku shaqaynaya barnaamijka Android ka loogu talagalay in uu dejiyo cabsida ay waalidiintu ka qabaan isticmaalka carruurtooda ee shabakadda caalamiga ah. Suuqana uu soo geli doono dhammaadka bisha laba iyo tobnaad ee sannadkan 2018 ka.

Shikraddu waxa ay sheegtay in taleefankan carruurta loogu talagalay uu waalidka siinayo fursad ay kula socdaan waxa ilmuhu ka isticmaalayo internet ka, waxa kale oo taleefankan la socda barnaamij sannadka koowaad bilaa lacag ah oo waalidka u ogolaanaya in ay xakameeyaan isticmaalka uu ilmuhu isticmaalayo taleefankan.

Waxa uu leeyahay nidaam waalidka fursad u siinaya in iyaga oo shabakadda internet isicmaalaya ay ilaalayn karaan bogagga uu ilmuhu isticmaalayo, isla markaana ay dabri karaan waqtiga uu ilmuhu isticmaalayo. Laakiin haddana, taleefankan oo qiimihiisu yahay 199 doolar, ayaa ilmaha siinaya xorriyad illaa xad uu si badqabta ugu isticmaali karo internet ka. Tusaale ahaan waxa uu ilmuhu awoodi karaa in uu isticmaalo barta bulshada ee Snap Chat iyada oo uu waalidkuna la socdo dadka uu la xidhiidhayo iyo waxa uu dadka kula wadaagayo bartan.

Dugsiga

Waxa kale oo uu taleefankani leeyahay barnaamij suurtagelinaya in ardayda isku dugsiga ahi ku xidhiidho iyo in maamulka dugsigu maalinta oo dhan la socon karo wax kasta oo ilmuhu ku isticmaalayo taleefankan. “Taleefankani waxa uu beddelayaa sababtii marka hore ilmaha loogu diidayey in uu taleefanka ku dhex isticmaalo dugsiga” ayaa uu yidhi Levi oo ka mid ah masuuliyiinta shirkaddan.

AXMED AARSHE WAXAAN DHAWRAYAA JIRA NEW SONG OFFICIAL VIDEO HD

 

DAAWO HEESTA ( MA GARAN CAASHAQAN I GALAY ) FARTUUN BIRIMO HARGEISA SHOW 2018

DAAWO HEESTA ( MA GARAN CAASHAQAN I GALAY ) FARTUUN BIRIMO HARGEISA SHOW 2018

DAAWO ( HEESTA BABY KISS ME ) FARTUUN BIRIMO HARGEISA SHOW 2018

DAAWO ( HEESTA BABY KISS ME ) FARTUUN BIRIMO HARGEISA SHOW 2018

DAAWO HEESTA SIDAAN AHAY MARAAN EE FARTUUN BIRIMO HARGEISA SHOW 2018

DAAWO HEESTA SIDAAN AHAY MARAAN EE FARTUUN BIRIMO HARGEISA SHOW 2018

SAWIRO:KA DIGTOONAW NOOCYADA KALA DUWAN EE CAANAHA CARUURTA YARYAR KUWAASI OO AH KUWA SUMAYSAN!

Shirkadaha kala duwan ee soo saara caanaha ay caruurta yaryari cabaan ee ku yaala Dalka France ayaa la sheegay in ay ku baahsanyihiin 83 Dal.

sidaasi awgeed ka  digtoonaw in aad Caruurtaada siiso Caanahaasi .

HAlKEE AYUU KU NOOLAAN JIRAY GABAYAAGII CARBEED EE CANTARA BIN SHADAAD EE KU CAAN BAXAY JACAYLKII U HAYAY INAADEERTII!

Gabayaagii Carbeed ee magiciisa la odhan jiray Cantara Bin shadaad ayaa waxa uu caan ku ahaa Gabayadii Jacaylka ahaa ee  uu  u tirin jiray Gabadhii ay ilaamdeerka ahaayeen ee magaceeda la odhan jiray Cabla.

FRANCE: RAH TODDOBA BAXAYA OO LOO XIDHAY WADO KA MID AH WADOOYINKA WAAWAYN EE MAGAALADA SAINT-MALO EE DALKAASI!

Wado ka mid ah wadooyinka waawayn ee Magaalada Saint-Malo ee galbeedka Dalka France ayaa waxa la xidhay Rah Toddoba baxayay sida ay sheegeen maamulka magaaladaasi.

FLIM SOO SAARE GEORGE CLOONEY OO 20 SANO KADIB DIB UGU SOO LAABTAY SAAXADA AFLAAMTA SOONA SAARI DOONA FLIM CUSUB!

Jilaaga George Clooney isla markaana ah Flim soo saaraha u dhashay Dalka Maraykanka ayaa dib ugu soo noqday Saaxada Aflaamta kadib markii uu ka maqnaa muddo 20 sano ah.

HAWEENAY U DHALATAY SUDAN OO U KALA LUGAYSAY LABA MAGAALO OO ISKU JIRA 1300 OO KM!

Haweenay Asal ahaan ka soo jeeda Dalka Sudan isla markaana haysata dhalashada Dalka Maraykanka ayaa waxa ay lugaysay Masaafo dhan 1300 oo KM ,haweenaydan ayaa waxa ay ka soo jeeda Gobolka Darfur ee Dalkaasi oo lagu tilmaamo in uu yahay bilaa nabad .

BARAF MADAW OO KU DA’AY MAGAALADA TAMIRTAU EE DALKA KAZAKHISTN!

Midabka barafka ee aynu naqaano ayaa waxa uu yahay midabka cad wali maynaan arag baraf madaw oo ku da’a magaalo la daganyahay.

Halkan Ka Daawo: Barnaamijyadii Sanadka Cusub ee Xidigaha Geeska 2018

Xidigaha Geeska oo ah koox faneedka loogu jecelyahay Fanaaniinta Soomaalida ama Dhamaan Fanaaniinta ku heesta Afka Soomaaliga ayaa Bandhigyo kala duwan ku soo bandhigay Magaalada Hargeisa, Bandhigyadan oo ahaa qaar loogu dabaaldagayo Sanadka Cusub ee 2018 ayaa lagu qabtey goobo kala duwan

Halkan Ka Daawo

Daawo : Fanaanka Dayax Dalnuurshe iyo Xaaskiisa oo lagu Soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa

Fanaanka Dayax Dalnuurshe iyo Xaaskiisa ayaa maanta ka soo degay Gegida Diyaaradaha Hargeisa ee Cigaal International Airport Fanaanka waxaa si wayn usoo dhaweeyay dadweyne tiro badan oo ay hor kacayaan Saxafiyiinta kala ah Maxamed Yuusuf Bakayle iyo Crisaaq Yuusuf Cali Tera
Halkan Ka Daawo

Daawo :Fanaanka Nimcaan Hilaac oo Si weyn loogu soo dhaweeyay Boorama

Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xassan ( Nimcaan hilaac) ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal Fanaanka oo mudo ku maqnaa hawlo isaga ugaara wadamada geeska africa
Halkan Ka Daawo

Daawo : Waraysi Xiiso Badan Maryan Mursal Ciise

Fanaanada Weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootaan oo waraysi siisay Horn Cable Tv barnaamijka Habeenka iyo Hobolka HCTV ayaa ka sheekaysay waayihii kala duwanaa ee fanka iyo Taariikhdii faneed ee fanaanada wayn ee Maryan Mursal Ciise waxaana barnaamijka daadihinaysa Wariye Nafiisa
Halkan ka Daawo Waraysigan oo xiiso badan

Fanaanada Reer Masar ee Shaimaa Axmed oo Maxkamad lagu Saarey Sawiro ay Baahisay

Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa laba sanno oo xabsi ah ku xukuntay fannaanad caan ah oo iska duubtay muuqaal ayadoo xidhan dharka hurdada, muus na cuneysa. Shaimaa Axmed, oo 25 sanno jir ah ayaa la xidhay bishii la soo dhaafay ka dib markii muuqaalkeeda uu ka dhashay cadho iyo dhalliil kaga imaaneysay shacabka dalka Masar oo u badan Muslimiin.

TOOS HALKAN UGA DAAWO XAFLADA XIL WAREEJINTA MADAXWAYNIHII HORE AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILANAYO IYO MADAXAWAYNAHA CUSUB EE LA DOORTAY MUUSE BIIXI CABDI

Waxaad halkan si toosa uga daawan kartaa xaflada Xilwareejinta Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Ladoortay Mudane Muuse Biixi Cabdi Xaflad oo ah mid si weyn loo soo agaasimay waxaa si toosa usoo gudbinaya Tvga Qaranka Somaliland SLNTV kaas oo ay kasii qaadan doonaan dhamaan warbaahinta kala duwan Bahda Hawraarna waxay aad idiinku fududeysay daawashada baraha bulshada

Daawo : Fanaanada Yurub Geenyo oo sanadka cusub Bandhig ku qabaneysa Dubai.

Fanaanada aadka loo jecelyahay ee Yurub Maxamed Cabdi ( Yurub Geenyo) ayaa bandhig faneed ku qaban doonta sanadka cusub dubai bandhigan oo ay fanaanadu ku soo bandhigi doonto heeso cusub iyo heeseheedii hore labadaba waxay ugu baaqdey taageerayaasheedu inay ka soo qaybgalaan xafladan sanadka cusub oo ay fanaanadu ugu tala geshay inay la qaadato

Halkan Ka Daawo 

Daawo : Waraysi Xiiso Badan Fanaanada Dada yar ee Nimco Sagal iyo Fanaanka Xamse Qurus

Labadan Fanaan oo ka mid ah fanaaniinta dada yar ee leh hibada faneed ayaa waraysi bahda hawraar kula yeelatay magaalada hargeisa ku soo bandhigay heeso cusub oo ereyada laxanka iyo muusiguba aad u soo jiidanayaan dhagaha dadweynaha Halkan Ka Daawo Waraysigan oo dhameystiran 

Aqoonta aan u leeyahay Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax WQ Maxamed Siciid C/laahi

Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) waa abwaan qiime iyo qadarin ku leh bulshada Somaliyeed oo fankiisu gaadhay meel kasta oo Somalidu degto, waa Abwaan ku dayasho mudan
Abwaan Xasan Dhuxul waa tiir-dhexaadka Fanka Somalida, gaar ahaan waa Abwaan Qaran oo ka soo jeeda Somaliland, islamarkaana sammeeyay heeso badan oo qaranimada ka turjumaya, kuwo waddani ah iyo qaar jacayl u badanba.

Anigu Abwaan Reer ah Ma ihi Gudoomiyaha Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul (Laabsaalax)

Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ku baahiyey bartiisa Facebooga ayaa kaga hadlay qoraalkiisan arimo badan oo uu uga gol leeyahay inuu ku qanciyo bulshada Suaalaha ka qabta Shaqsiyadiisa  qoraalkan ayaa u dhignaa sidatan

Shirkadda Weyn Ee Samsung Waxa Laga Dhex Maamulaa Xabsi Uu Ku Xidhan Yahay Ninkii Maamulaha Ka Ahaa

Guddoomiyaha shirkadda caanka ah ee Samsung oo lagu magacaabo Lee Jae-yong ayaa la sheegay in loo ogolaaday in uu xabsiga dhexdiisa ka maamulo shirkadda, iyo taas oo ay ka mid tahay in dad aad u tiro badani ay xabsiga ku soo booqan karaan, iyo in uu kaalin weyn ku yeelan karo go’aamada kala duwan ee shirkadda, in kasta oo hawlaha maalinlaha ah aanu u wadin sida markii uu xorta ahaa.

Samsung Oo Wax Ka Beddel Ku Samaynaysa Waxyaabo Hore Looga Bartay Qalabkeeda Casriga Ah

Shirkadda caanka ah ee Samsung ayaa go’aansatay in ay joojiso adeegga akhriska farta ee inta badan ku jira qalabkeeda casriga ah, kuna beddesho farsamooyin kale oo ay ka mid yihiin farsamada garashada wejiga iyo farsamada indhaha akhrida.

Shabakad Internet Ka Ah Oo Fududaynaysa In La Dhegeysto Codadka Shucuubta Kala Duwan Ee Dunida

Haddii aad tahay dadka jecel safarka iyo barashada luuqadaha kala duwan ee dunida, waxaa laguugula talinayaa in aad warkan akhrido.
Degelka Internet ka ee Local Lingual (https://localingual.com/) ayaa wada tijaabo war-is-gaadhsiineed oo si heer sare ah looga dhegeysan karo codadka shucuubta kala duwan ee dunida, sida ay ugu dhawaaqaan magacyada dawladaha, magaalooyinka iyo deegaannada kala duwan iyo kelmadaha kale ee la mid ah.

Cabsida Laga Qabo Basaasidda Ruushka Oo Xildhibaanno Reer Yurub Ah Ku Kalliftay In Ay Ka Tagaan Talefannadooda Gacanta Ee Casriga Ah

Xildhibaannada guddida siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka dalka Denmark ayaa ku qasbanaaday in ay talefannadooda casriga ah iyo kombiyuutarradooda gacanta dalkooda kaga sii tagaan, ka hor intii aanay u ambabixin safar ay ku tagayeen dalka Ruushka, kadib markii sidaas la faray si ay uga nabadgalaan casbida amni ee reer galbeedku ka qabaan sirdoonka dhinaca tiknoolajiyadda ee dalka Ruushka.

Merkel oo Trump kula kulmaysa Washington

Hogaamiyaha dalka Jermalka Angela Merkel ayaa kulan Washington kula yeelan doonta madaxweyne Donald Trump, waxyaabaha u waawayn ee ay ka wada hadli doonaanna waxaa ka mid ah hindisaha ganacsi ee Yurub iyo Maraykanka ee transatlantic trade loo yaqaano iyo gaashaan buurta Nato.

Akadeemiyada BBC oo billowday macluumaad loogu talagalay suxufiyiinta

Akadeemiyada BBC waxay billowday macluumaad bilaash ah oo loogu tala galay saxaafadda iyo adeegsiga luuqadda Soomaaliga. Barta internetka ee bogga Soomaaliga ee Akadeemiyada BBC waxaa diiradda lagu saarayaa ku shaqaynta saxaafadda ubucda u ah BBC, waxaana ku jira qiyamka xagga tafatirka, isticmaalka af-Soomaaliga, xirfadaha saxaafadda.

Daawo: Fanaanka Nimcaan Hilaac oo lagu xidhey Dalka Suudaan

Fanaanka Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac ) ayaa lagu xidhey dalka Suudaan ka dib markii uu ku tagey safar dalkaas, fanaanka oo ku qabtay bandhig faneed ayaa la xidhay xili ay socotay xafladii ama show gii uu ku qabtay

Jiritaanka Xiddigaha Geeska Iyo Guddoomiyaha Cusub: W/Q: Sakariye-Awaare.

Kooxdan oo ah hiilka keliya ee maanta garab taagan Fanka iyo masraxa soomaalida. Waa raxan ku hirgashay oo ku caan baxday isku duubnni, isu tanaasul, is gacan qabasho, is maqal iyo isu dhellitiranaan wiilal iyo gabdha ba.
Dhammaantoodna ah dhallinyaro mid waliba uu wato hibadiisa, halabuurkiisa, xirfadiisa, qoontiisa iyo kartidii uu ku fulin lahaa waajibaadka uu kooxda u hayo. Waa koox ka kooban qiyaas ahaan soddoneeyo qof oo isugu jira Abwaaniin, Fannaaniin, Mulaxamiin, Miyuusishanno Kaban iyo Biyaano ba tuma, Sawirqaadeyaal iyo Mus-danbeedyo. Oo ku dhisan kala qaadashada talooyinka iyo tusaalaha, intaas waxa dheer Sharci qoran oo si toos ah loogu dhaqmo lana ilaaliyo.

Daawo Laabsaalax Oo Loo Doortay Gudoomiyaha Xidigaha Geeska Iyo Xubno Cusub Oo Lagu Soo kordhiyey Halka Xubno kalana laga Saaray

Waxaa maanta si Rasmi ah xilkii gudoomiyaha Gudoomiyaha xidigaha geeska ula kala wareegay Gudoomiyaha cusub ee xidigaha geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax iyo gudoomiyihii hore Axmed wali Furinle waxaa sidoo kale kooxda lagu soo daray xubno cusub oo dhaliin yaro ah halka laga saaray afar xubnood oo hore ugu jiray

Daawo: Kooxda Xidigaha Geeska iyo Saxaafada oo ku cartamaya Ciyaarta Dhici doonta khamiista

Kooxda Xidigaha geeska iyo Saxafiyiinta somaliland oo la filayo inay kulan ciyaareed yeeshaan maalinta khamiista ayaa maanta kaftan hanjabaad iyo isku baan iskugu jira ku dhaxmarey xarunta hargeisa sidoo kale kulanka oo ahaa mid lagu ogaysiinayo dadkana lagu baraarujinayo inay khamiista kasoo qaybgalaan ciyaartan oo dhaqaalaha kasoo baxaya loogu talagaley in lagu caawiyo dadka abaaruhu saameeyeen

halkan ka daawo

Haka Maqnaan Ciyaarta Xiisaha Badan ee Xidigaha Geeska iyo Saxafiyiinta Dalka Somaliland

Ciyaartan oo ka dhici doonta Garoonka Kubbada Cagta ee Hargeisa Stadium 16 bisha march 2017 ayaa ah mid kooxda xidigaha geeska iyo Fanaaniintu ugu tala galeen inay ku caawiyaan wixii dhaqaale ka soo baxa ciyaartan dadka tabaaleysan ee abaarta ba’ani hayso

Samuel L. Jackson oo ku cambaareeyay Aktarada Ingiriisku inay Qabtaan shaqadii ay qaban lahaayeen Aktarada Maraykanka Madoobi

68 jirkan Caanka ah ee Matalada Filimada Hollywood ka waa Samuel L. Jackson ayaa Waraysi uu siiyey idaacad ku taal new York maalintii isniinta ku sheegay inay jiraan Aktaro badan oo madaw ah oo ka soojeeda wadanka Ingiriiska hadana loo doorto inay Matalaan filimo lagu qabanayo maraykanka iyadoo la helayo Jilayaal badan oo madaw reer Maraykan ah kagana fiican kuwa Ingiriiska ka soo jeeda fahanka Luqada

WhatsApp chat
%d bloggers like this: