Ayan Hersi oo Yahuuda taageero yaab leh siisay iyo Angelina Jolie oo Falastiin La Safatey

Haweeneeyda ku caanka baxdey ihaaneynta diinta islaamka iyo Musliimta, isla markaana
sheegata in ay tahay haweeneey u dooda xuquuqda haweenka ayaa si weyn looga hadal hayaa dunida kadib wareysi ay siisay wargeys kasoo baxa Isra’el oo lagu magacaabo Israel Hayom’sYaelLerner.
Ayan Hersi oo wax laga weydiiyay dagaalka ka socda Qaza ee u dhaxeeya Falastiin iyo Yahuuda ayaa sheegtay in aan xal iyo nabad laga gaari doonin ilaa iyo inta ay jiraan waxa ay ugu magac dartey Muslimiinta mayalka adag ee Jihaad doonka ah.

AY

Ayan Hirsi Ali(Credit: Screen shot, YouTube)

During an interview published on Friday by Israel HaYom, the Sheldon Adelson-backed Israeli daily, public intellectual and author Ayan Hirsi Ali claimed that Israeli Prime Minister Bibi Netanyahu should be awarded the Nobel Peace Prize for waging the ongoing military campaign by the IDF against Hamas militants in Gaza.
Asked whom she admired, Ali — who once called Islam a “nihilistic cult of death” — included Netanyahu on a list featuring her husband, Harvard professor Niall Ferguson, as well as former Secretary of State Henry Kissinger and Princeton professor Bernard Lewis. Ali said she admired Netanyahu “[b]ecause he is under so much pressure, from so many sources, and yet he does what is best for the people of Israel, he does his duty.”
“I really think he should get the Nobel Peace Prize,” Ali added. “In a fair world he would get it.”
Ali isn’t the only prominent supporter of Israel’s war to make the provocative Nobel Peace Prize claim. Recently, the Israeli ambassador to the U.S., Ron Dermer, said the nation’s army, the Israeli Defense Forces, similarly deserved global acclaim for the “unimaginable restraint” with which it’s waged its attacks on Hamas. ………….

Ayaan ayaa intaas kusii dartey in XAMAAS iyo inta taageerta oo la tir tiro kaliya xal lagu heli karo, maadaama ay ku sheegtay in Isra’el ay xaq u dirir tahay, halka ay Xamaas qas wadayaal wax qariba ku sifeysay.
Waxaa kaloo gaalo raac Ayaan Hersi ay eedeysay dowladaha Islaamka gaar ahaan dalalka Carabta ee Saliidda qaniga ku ah, kuwaasoo ay ka mid yihin Qatar,ayadoo ku tilmaantey in ay taageero xoog leh siiyaan Xamaas iyo Alqaacida kale ee mayalka adag sida ay hadalka u dhigtey.

Ayaan Hersi oo gaalo raac noqotey, sidoo kalena mar hore cadeysatey in ay Islaamka aad u neceb tahay ayaa doodaha iyo wareysiyada ay ka qeyb gasho ku
ihaaneysata islaamka iyo muslimiinta waxa ayna marwalba ku cel celisaa in diinta Islaamku aaney aheyn sida la sheego (DIIN NABADEED).

Ugu danbeyna ayadoo qosleysa ayey Ayaan Xirsi si yaab leh u tiri, Ra’iisul
wasaaraha Yahuuda Benjamin Netanyahu wuxuu mudan yahay in la siiyo billada
Nabad doonka aduunka (Nobel Peace Prize) ayadoo weliba sii raacisay in uu
shaqo fiican qabtey cadaadis badan oo saarana aanu ka gaabinin in uu dadkiisa
dulman ee Israaiiliyiinta uu ka difaaco cadowga kusoo duulaya, sida ay Ayaan
Hersi hadalkeeda kusoo geba gebeysay.

 

Dhanka kale Anjelina Jolie oo ka mid dadka ugu magaca dheer dunida, kuna caan
baxdey mihnada jiliinka ayaa iyana dhankeeda cabirtey aragtideeda ku wajahan
xasuuqa Yahuudu ka wadaan Falastiin, ayadoo ku tilmaantey mid iyada si gaar
qalbi jab ku noqdey sida sida caruurta yar yar iyo haweenka loo gumaadayo iyo gurmad la’aanta dunida.

Angelina Jolie oo ka mid dadka aad u neceb Yahuuda walow aabaheed Yahuudi
yahay ayaa iyadoo ilmeyneysa waxa ay la hadashey saxaafada waxa ayna sheegtay
in ay wax walboo awoodeeda ah sameyn laheyd si ay u joojiso dhibka iyo xasuuqa
lagu hayo maatida reer Falastiin, balse aaney awood laheyn, cid hadalkeeda
dhageysaneysana aysan jirin.

Abdiqani xasan gadari

suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply