Baalashle Fooq Afar Dabaq Ah Iibsaday Oo Ka Waramay Qaab Fudud Oo Uu Hantida Intaa Leeg Ku Sameeyay

In qofku guri iibsan karo, hanti tiro badana xoogsan karo, maaha mid inagu cusub oo lala yaabi karo, laakiin waxa inaad ogaato kaaga baahanaya, marka aad maqasho baalashle hanti uu ka xoogsaday shaqadiisa oo kaliya ku iibsaday fooq dhawr dabaq ah.

Sida wakaalada wararka Turkiga ee Anatolia ku warantay, Ali Alec oo ah 56-jir, waxa uu muddo sadex iyo labaatan sanadood ah, ururinayay, ama maalin kasta iska jarayay, xadi lacageed oo aad u kooban, taas oo u dhiganta qiimaha baakidhka sigaarka ah la siiyo ama uu markaa taagan yahay.

Waxaana muddo sadex iyo labaatan sanadood ka dib ah uu ku guulaystay, in lacagtaasi u gaadho mid dabooli karta riyadiisi oo uu fooq afar dabaq ah ka iibsaday, balse sida uu ku waramay dadka badankooda ku noqonaysa layaab.

Ali Alec ayaa sida uu tilmaamay, waxa rubuc qarni ka hor wakhti laga joogo ku soo dhacay, figrad uu ku sheegay inay guul u horseeday oo Alle ku guuleeyay, waxaanu isagoo ka hadlaya arrintaas uu yidhi, “Waxaan ku fikiray, in maalin walba aan dhigto oo kayd ahaan u qoondeeyo, lacag xadigedu yar yahay, taas oo u dhiganta hal baakidh oo sigaar ah, runtii waxa xadigaas lacageed yahay ka maalin kasta saaxiibadayda ila midka ahi qiijiyaan ee dabka sudhaan.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray, “Anigu waligay sigaar maan qiijin, xitaa buuriga kale afka maan gelin, sababtoo ah waxa noloshaydu ku bilaabantay faqiirnimo meel adag ila gaadhay, taas oo dantu igu kaliftay inaan dadka kabahooda masaxo, laakiin waxaan ku guulaystay in maalin kasta sidii anigoo baakidh sigaar ah iibsaday aan iska dhigo, oo lacagtii la iga siin lahaana aan meel ku kaydiyo, ilaa heer ay fooq ii goysay, anigoo waliba caafimaadna ii dheer yahay, halka saaxiibadaydii qiijin jiray sigaarku lacag la’aan iyo cudur iskugu darsamay.

Ninkan odayga ah ayaa ku doodaya in isaga oo caafimaad qaba uu lacag u dhiganta inta dadka sigaar cabka ahi baakidh sigaar ah, maalintii ku iibsadaan oo uu urursaday ka iibsaday fooq afar dabaq ah, waxaanu kula taliyay dadka qiijiya tobaakada in caafimaadkooda iyo maalkooda labadaba ay u tudhaan, kana faa’iidaystaan noloshooda.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply