Bajrangi Bhaijaan Oo Dhigay Rikoor Ku Cusub Taariikhda Bollywood-ka Mid Kalena Hada Dhigi Rabo

bb

Filimka hadii uu fiican yahay waa qasab inay dadka isku sheegaan fiicnaantiisa laakiin Bajrangi Bhaijaan xiliyadan casriga wax aan looga baranin aflaanta Bollywood-ka ayuu la yimid.

Bajrang Bhaijaan ayaa noqday filimka loogu jecel yahay oo ay Bollywood-ka sameeyaan 14-sano ee ugu dambeesay.

Bajrangi Bhaijaan wuxuu dhigay rikoor cusub oo ah inuu noqday filimkii ugu h–eeyay taariikhda Bollywood-ka kaasi oo ay 20-milyan oo qof Tikit u jartaan si ay u daawadaan todobaadkiisa kowaad!!!!

Waa iskoor aan horey loo arag loona maqal tani waxay ka dhigan tahay in filimkan dhamaan gudaha Hindiya dadka ku nool badankooda ee xiiseeyo aflaanta daawadaan todobaadkiisa kowaad.

Sidoo kalena Bajrangi Bhaijaan haatan rikoor kale ayuu dhigi rabaa madaama uu filimka PK ka shacbiyad badin rabo dadka Tikit-ka u jarteen.

Waa run PK waa filimka ugu weyn ee Bollywood-ka sameeyaan dhanka lacagaha iskoorkiisa Bajrangi Bhaijaan wuu gaari waayay.

Balse PK iyo Bajrangi Bhaijaan marka la is bar bar dhigo tikit-ka loo goostay haatana wey iska daba dhow yihiin waxaana la filaa in dhawaan PK laga sara maro.

Fadlan hoos kaga bogo isku bar bar dhig lagu sameeyay filimada Bajrangi Bhaijaan iyo PK inta qof ee tiyaatarka tikit u goosatay (Footfalls):

Todobaad 1-aad:

Bajrangi Bhaijaan – 20-milyan iyo 154,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

PK – 18-milyan iyo 135,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Todobaadka 2-aad:

Bajrangi Bhaijaan – 9-milyan iyo 972,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

PK – 10-milyan iyo 74,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Todobaadka 3-aad:

Bajrangi Bhaijaan -3-milyan iyo 473,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

PK – 4-milyan iyo 12,000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Todobaadka 4-aad:

Bajrangi Bhaijaan – weli si rasmi ah looma soo bandhigin tikit-ka loo goostay maanta wixii ka dambeeyo ayaa la ogaan karaa marka uu todobaadkiisa 4-aad dhameesto.

PK – 2-milyan iyo 40,0000 oo qof ayaa tikit u goosatay

Wadarta Guud:

Bajrangi Bhaijaan – 33-milyan 599,000 oo qof ayaa tikit u goosatay mudo sedex todobaad ah.

PK – 35-milyan iyo 61,000 oo qof ayaa tikit u goosatay mudo afar todobaad ah.

Bajrangi Bhaijaan todobaadkan marka uu maanta dhameesto ayaa si rasmi ah loo ogaan karaa tirade Tikik ee filimkan loo goostay sidoo kalena weli tiyaaatarada wuu saaran yahay taasi waxay ka caawin kartaa inuu PK bar bareeyo ama ka sara maro tiro ahaan dadka Tikitka u goosteen.

Siduu Bajrangi Bhaijaan Kaga Lacag Yaraaday PK Hadii Uu Haatan Dhanka Iibsashada Tikitka Ka Daba Dhow Yahay?

Waa su’aal mudan inaan isweydiino ileen labadan filim farqi sidaas u weyn uma dhaxeeyo iibsashada Tikit-ka guud.

Hadana lacagaha cimri ahaantood farqi 20 Crore ilaa 28 Crore ah ayaa u dhaxeeyo waana arin mudan in laga hadlo.

bajrangi_bhaijaan_pk

Sababta waxay tahay qiimaha Tikit-ka lagu iibsanaayo ama sicirka Tikit-ka ayaa sababo in filim walbo midka kale uu ka lacag bato.

Bajrangi Bhaijaan 4-maalmood ee ugu h–eesay markii la saaray ayaa lacago qaali ah Tikit-ka lagu iibsaday madaama ay ahayd Ciidul Fitrigii wixii markaas ka dambeeyay lacago iska hoose ah ayaa tikit-ka lagu gadanaayay.

Laakiin PK wuxuu helay labo fursadood oo filimkan tikitkiisa lacago qaali ah lagu iibsaday waa xiligii Chrismas-ka ama Ciida Masiixa iyo sanadkii cusubaa 2015 todobaadkiisii Happy New Year waxaa jireen fasaxyo waa weyn waxaana lagu gadanaayay tikit-ka PK xiliyadaas lacago aad qaali u ah.

Sidaa darteed farqiga lacagaha ee labadan filim u dhaxeeyo waa fursadaha fasaxyada ay heleen Bajrangi Bhaijaan hal fasax ayuu helay halka PK uu labo fasax helay.

Taasi waxay sababtay in lacag ahaan PK uu ka bato Bajrangi Bhaijaan arin kale ee jiro ayaa ah in PK uu heestay 4-todobaad oo aan filim weyn la saarin.

Laakiin Bajrangi Bhaijaan wuxuu loolan adag kala kulmay filimada Bahubaali oo konfur Hindiya ka heestay iyo Drishyam oo la qeebsaday Mumbai iyo gobolada kale.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com