Shirkada Facebook ayaa waxa ay dhawaan soo saarayaa adeeg cusub oo qofku ku ogaan karo cida Sawiradiisa ku baahisa Facebook isla markaana si qaldan u adeegsada .

 

Maamulka shirkadaasi oo ka hadlay sababta ku kaliftay in adeegan soo saaraan ayaa waxa ay yidhaahdeen “waxa aanu adeegani u soo saaraynayaa si aan dadka sawiradooda loo adeegsan,waayo Dadka qaar ayaa Sawirada ka been abuura oo sawiro aanay leeyihiin oo dad kale leeyihiin adeegsada ,arrintaasina waa arrin khatara oo u baahan in laga hor tago”.

Facebook ayaa waxa isticmaala dad gaadhaya laba Billion oo qof ,waxa aanay dad badani ku kacaan dhaqamo aad u xun oo meel ka dhac ku ah dadka kale ,sidaasi awgeed adeegan cusub ayaa noqon dooba mid guud ahaan dadka Facebook isticmaala wax tar u leh .

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA