Baro 5 Khudradood Oo Jidhka Ka Dhiga Mid Qurux Badan Dhalaalna U Sameeya

Dad badan oo inaga mid ah ayaa waxa ay garanayaan weedha ah “Waxaynu nahay wixii aynu cunay” taas oo si cad u iftiiminaysa in jidhkeena ka dhigno mid caafimaad qaba si maskaxdeenu u fayoobaato, Inaad yeelato jidh dhalaalaya iyo timo widhwidhaya waa inaynu qaadano cunto nafaqaysan oo isku dheeli tiran kuwaas oo qani ku ah fiitamiino,

macdano iwm. Waxa aan halkan ku soo qaadan doonaa khudrad ka dhigaysa jidhkeena mid caafimaad qaba quruxna leh.

1.Tufaaxa:
download (1) Tufaaxu aad ayuu muhiim ugu yahay jidhkeena waxaanu ka dhigayaa mid caafimaadka qaba waxaanu ka qayb qaataa jilcinta timaha.

2.Avocado:

header_avocado kani waxa uu kamid yahay khudrada tirada yar ee ka qayb qaata qurxinta jidhka iyo da’yaraanta. waxa uu jidhkaaga ka dhigayaa mid jilicsan dhalaalna wwuu siinayaa. waxaana inta badan lo isticmaalaa dawooyinka aynu ku dhaashano.

3.Muuska:
Banana21 (1)
muuska waxa uu qani ku yahay Potassium, Biotin, Manganese iyo Vitamin C, Macdanahani waxa ay ka qayb qaataan qurxinta jidhka.

4.Cinabka:
grapes-bunches_570

cinabku waa midho aad muhiim ugu ah caafimaadka jidhkeena waana mid kamida midhaha loo isticmaalo kiriimada lagu qurxiyo jidhka.

5.Liin Macaan:

mandarinaliin macaanta oo qani ku ah Folic Acid ayaa waxa ay jidhka ka dhigtaa mid dhalaalaya waxaanad ku dareemi kartaa adiga malab iyo liin macaan mariya wajigaaga ka dib ka maydha 20 minute ka dib, waxa aad arki doontaa isbedel wayn.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com