Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Baro Aktaro Bollywood Ah Oo Dhintay Iyagoo Da’Yar

Waxaa jira aktaro Bollywood ah oo iyagoo yar yar dhintay. Waxay qaarkood geeriyoodeen xilli ay waayohohooda jilliin meesha ugu sarreeysa marayeen. Haddaba waxaannu idiin haynaa 5 ka mid ah jilayaashaas oo qaarkood aanba si fiican loo baranin markii ay dhimanayeen.

Divya Bharti

Da’deedu 19 jir unbay ahayd markii ay geeriyoonaysay. Divya waxay sidoo kale haysataa rikoodhka samaynta 14 filim muddo sanad ah. Waxaa la sheegay inay kasoo faniintay balkoonaha gurigeeda, balse kiiskeeda ilaa maantadan meel cad lama saarin oo mugdi baa ku jira.

Smita Patil

Smita Patil waxay geeriyootey iyadoo 31 jir ah oo mareeysay figta sare ee waayeheeda jilliin. Waxay u geeriyootey bugto ay ku dhalatay waxaana markii dambe fasasay nabad kasoo baxay. Waxaa la sheegaa inay jirtey yareeysi iyo dayacaad sababtay in markii dambe wax laga qaban waayo.

Madhubala

Madhubala waxay ahayd qalanjo la qirsanaa. Waxay ku dhimatay gugii 36-aad, 1964-kii, balse waxaa weli nool raadadkii ay uga tagtay Bollywood, iyadoo sababsatay bukto dhanka wadnaha ah oo aan dawo loo heli jirin xilligeedii.

Guru Dutt

Waxay ahayd Oktoobar 10, 1964, markii isagoo mayd ah guri uu ijaar ku degganaa laga helay Guru Dutt, wuxuu xilligaa ahaa 39-jir. Sida la sheego isaga ayaa is diley oo wuxuu isku qastay aalkolo iyo kaniiniyaasha hurdada oo tiro badan.

Soundarya

Waxay ahayd jilaayad Hindi ah iyo weliba soo saare, waxay aad caan uga ahayd Sineemooyinka koonfurta Hindiya, waxayna qalanjo ka ahayd film-kii Amitabh Bachchan keenay 1999-kii ee “Sooryavansham”.

Soundarya waxay ku dhimatay shil dayiiradeed meel u dhow Bangalore markii ay taariikhdu ahayd 17-kii Abriil 2004. Waxay ahayd xilli ay markaa uun hawada geleeysey mihnaddeeda jilaannimo, loona badinayay inay aflaam badan keeni doonto.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: