Baro Sida Wax Looga Baadho Google Si Xirfadaysan

Baadigoobaha Google (Google Search) waa adeeg ama websiteka keliya ee dhammaan dadka internetka isticmaalaa ay ka simanyihiin booqashadiisa iyo adeegsigiisa. Hadaba maadaama uu sidaas lamahuraan u yahay,

weliba mar wal oo aad internetka gasho aad isna isticmaasho, waxaa lagama maarmaan ah in aad taqaano tabaha iyo xeeladaha kaa caawinaya in aad hesho, weliba si fudud u hesho wixii aad baadhaysay,

Faaido.com waxay kusoo bandhigaysaa farsamooyinka ugu waxtarka badan ee haddii aad adeegsato la hubo in aad helayso wixii aad baadhaysay, una helayso sidii aad u rabtay, waa haddii uu internetka ku jiro shaygaasi!
Waana kuwan farsamooyinkaasi ee faa’idayso wacan:

Farsamada 1aad –>
Baadh dhab-ahaan weedha aad doonayso:
Laba quotation ” ” ku wareeji kelmadaha, si aad weedha ama kelmadaha aad dalbatay toos kuugu soo baxaan, weliba sidaad u kala horaysiisay u kala horreeya. TUSAALE: “ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”

Farsamada 2aad –>
Ka baadh shayga aad doonayso website gaar ah:
TUSAALE: salaan carabay site:hadhwanaag.com
(Digniin: ka kala goynin labada kelmadood ee site: iyo cinwaanka websiteka, sidan: site: bbc.co.uk, isku daba qabo, tusaale: site:bbc.co.uk

Farsamada 3aad –>
Faylka aad doonayso ku baadh, noociisa, adigoo isticmaalaya furaha “filetype:”Tusaale ahaan haddii aad doonayso fayl powerpoint ah, u qor sidan: tech terms filetype:ppt , haddii aad doonayso fayl PDF ah u qor sidan: suugaan filetype:pdf .

Farsamada 4aad –>
Kelmad ama kelmado aanad doonayn ka reeb natiijada kuusoo bixi doonta, adigoo isticmaalaya calaamada ka jar ama ka goo “-“, tusaale ahaan haddii aad doonayso in aad computer baadho oo aanad doonayn in uu kuusoo baxo computer TOSHIBA ah, qor sidan: computer -toshiba.

Waxa kale oo aad samayn kartaa in aad kelmadaha qaar muujiso si aan looga reebin baadhista, adigoo isticmaalaya calaamadihii quotation sidii aynu soo aragnay( ” ” ), tusaale ahaan haddii aad doonayso in kelmada GEEL aanay ka hadhin natiijadaada qor sidan: xoolo “geel”

Farsamada 5aad –>
Isku bedel lambaro ama xisaabo, adigoo isticmaalaya kelmada “to”, tusaale ahaan haddii aad doonayso in aad ogaato inta 50KM ay ku noqonayaa Miles, qor sidan: 50km to miles.

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com