Baro Taariikh Nololeedka Aktarka Caanka Ah EE Will Smith Oo Dhamaystiran.

Willard Carroll Will Smith waxa uu dhashay 25kii Bishii September 1968 kii waa jilaa u dhashay dalka Mareykanka ahna soo saare aflaan Raabeeye iyo sidoo kalena waxa uu yahay xidigan madowga ah qoraa dhanka heesaha ah, waxa uu ku raaxeysanayaa guulahiisa dhanka Filimada iyo Tv yada sidoo kalena dhanka Heesaha bishii April sanadkii 2007 da, Newsweek ayaa u magacowday “Jilaaga ugu awooda badan Hollywoodka” sidoo kale Will Smith waxa uu helay afar jeer Bilada Golden Globe Award, sidoo kale labo jeer ayuu hantay Academy Awards ugu dambeyn sidoo kale waxa uu ku guuleystay afar jeer Billada Grammy.

Dhamaadkii 80 maadkii Smith ayaa keenay mid kamid heesahiisa kuwa ugu caansan waxa uuna xilligaas raabeeeye u noqday Fresh Prince, Bartamihii sanadkii 1990 kii ayey sare mareen taageerayaasha uu leeyahay jilaagan Raabkana ku caan baxay, waxa uu xidigan xilligaas kasoo muuqday musalsalka The Fresh Prince of Bel Air showgan ayaana socday ilaa lix xilli (Season) waxaana baahinay Tv ga caanka ka ah dalkan Mareykanka NBC tan iyo xilligaasna film kaas waxaa laga sii daayaa oo laga daawadaa Tv ga NBC, Aabaha dhalay Jaden Smith ayaa ka gudbay jiliinka Musalsalada gaarka u ah Tv yada isaga oo u wareegay jilista Aflaanta, waana jilaaga kaliya ee helay ama aflaantiisa ay soo xareysay in ka badan 100 Milyan oo Dollar, 11 kamid filmadiisa ayaana soo xareeyey 150 Milyan oo dollar, sidoo kale Will Smith ayaa jilaaga koowaad ka noqday in badan oo xiriir ah Box Office ka.

 

Will Smith ayaa loo aqoonsaday inuu kamid yahay jilaayada ugu hantida badan dunida sida lagu daabacay Forbes sanadkii 2014 ka 17 kamid ah 21 Film uu waday ayaa noqday kuwa soo xareeyey lacago kor u dhaaafayo 100 Milyan oo Dollar, filmkiisa 2014 ka waxa uusoo xareeyey qiyaas ahaan lacago kor u dhaafayo 6.6 Bilyan oo dollar waxa uuna muteysatay inuu helo Oscar ka uu qaato jilaaga ugu wanaagsan.

Noloshiisa Gaarka iyo Dhalashada Jilaaga caanka ah ee Will Smith

Will Smith waxa uu ku dhashay galbeedka Philadelphia, waxa uuna dugsiga sare kaga baxay Philadelphia Willard Carrol Smith waa magaca saxda ah ee jilaaga u dhashay dalka Mareykanka, waxa uu ku soo barbaaray Smith isla magaalada uu ku dhashay ee Philadelphia waxaa la dhashay sedex caruur ah Pamela, iyo labo mataano ah Harry iyo Ellen waxa uuna xidigan kasoo muuqday barnaamijka Lady of Louders iskuul gaar ah oo diinta Catholic lagu barto kuna yaala isla magaaladiisa Philadelphia, waalidiinta Will Smith wey kala tageen iyaga oo aan isfurin ayeyna kala maqnaayeen iyo ilaa 2000.

Guulihiisa iyo Shaqadiisa Jilaanimo
Shaqadiisa Hore

Will Smith waxa uu ku bilowday markii ugu horeysay heesaanimo isaga oo Dj Jazzy Jeff iyo The Fresh kala soo muuqday heesaha nuuca loo yaqaan Hip Hop, waxa uuna markii dambe isku badalay soo saare, waxa uuna biladiisa ugu horeysay kula guuleystay labadiisa saaxiib Will Smith sanadkii 1988 kii.Biladii ugu horeysay ee Will Smith

Will_Smith_-_Emmy_Awards_1993 (1)

Intii u dhaxeysay sanadihii 1988 kii ilaa 1989 waxa uu Smith helay qarash midkii ugu sareeyey ee uu helo noloshiisa waxa uuna hantiyey in ku dhaw 2.8 Milyan oo Dollar, waxa ayna hantidiisa sare u kacday bilowgii 90 maadkii kadib markii uu la saxiixday Tv ga soo saaree Musalsalada Mareykanka NBC waxa uuna lix xilli u jilay Musalsal kahor inta uusan si rasmi ah ugu soo muuqan Hollywoodka.

Guulo badan ayuuna kasoo hooyey Smith intii uu ku dhex jiray Jiliinkiisa waxa uuna ku helay Magac la yaaab leh waxa uuna noqday “Ninka ugu sareeya ee Film jilaa ka noqda dunida”. waxa uuna si joogta ugu soo dhex muuqanayey Box Office ka Hollywoodka.

Nolosha Gaarka ah ee Will Smith iyo waxyaabaha uu xiiseeyo

Will Smith waxa uu guursaday Sheree Zampino sanadkii 1992 kii waxa ayna u dhashay xaaskan kaliya hal canug 11 kii November 1992 kii ayeyna u dhashay canugiisa ugu horeeyey, nasiib xuma waxa ayna kala tageen Zampino iyo Smith sanadkii 1995 kii, Wiilka Will Smith Trey waxa uu kasoo muuqday Heestii uu aabihiisa sameeyey 1998 kii taas oo lagu magacaabayey “Kaliya labo inaga mid ah” sidoo kale waxa uu jilay wiilkan labo xalqadood oo kamid ah Sitcom all of US sidoo kale waxa uu kasoo muuqday canugan show ga Oprah Winfrey.Will Smith iyo caruurtiisa

Nobel_Peace_Price_Concert_2009_Will_Smith_and_Jada_Pinkett_Smith_with_children1

Will Smith waxa uu sidoo kale guursaday Jilaayada Jada Koren sanadkii 1997 kii waxa ayna u dhashay Ms Koren will Smith labo caruur oo uu kamid yahay canuga maray wadada Will Smith ee Jaden Smith, jilaaga Film ka The Krate Kid, waxaana film kaas wiilka will smith la jilay jilaaga caanka ah ee Jackie Chan. Jaden Smith waxa uu dhashay sanadkii 1998 ki halka gabadha ka yar ay dhalatay sanadkii 2000 gabadhaasna waxaa lagu magacaabaa Willow Smith.

Dhamaan Heesihii uu qaaday Will Smith iyaga oo dhameystiran iyo sanadihii uu qaaday halkan hoose ka aqriso.

With DJ Jazzy Jeff

Rock the House (1987)
He’s the DJ, I’m the Rapper (1988)
And in This Corner… (1989)
Homebase (1991)
Code Red (1993)
Solo

Big Willie Style (1997)
Willennium (1999)
Born to Reign (2002)
Lost and Found (2005)

Sidoo kale Halkan hoose ka aqriso dhamaan Filamadii uu keenay Will Smith iyo sanadihii ay usoo baxeen aflaantiisaba.

Where the Day Takes You (1992)
Made in America (1993)
Six Degrees of Separation (1993)
Bad Boys (1995)
Independence Day (1996)
Men in Black (1997)
Enemy of the State (1998)
Wild Wild West (1999)
The Legend of Bagger Vance (2000)
Ali (2001)
Men in Black II (2002)
Bad Boys II (2003)
Jersey Girl (2004)
I, Robot (2004)
Shark Tale (2004)
Hitch (2005)
The Pursuit of Happyness (2006)
I Am Legend (2007)
Hancock (2008)
Seven Pounds (2008)
Men in Black 3 (2012)
After Earth (2013)
Winter’s Tale (2014)
Focus (2015)
Concussion (2015)
Suicide Squad (2016)

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com