Baroor Diiq Aktarada Hollywood U Sameeyeen Aktaradii Laurent Bacall Ee Shalay Dhimatay

Aktarada shirkada filimada Maraykanka ee Hollywood ayaa baroor diiq u qabtay Aktaradii Lauren Bacall oo dhimatay maalintii shalay, iyada oo da’deedu tahay 89-jir, ka dib markii xidid kaga furmay maskaxda sida qoyskeedu ku shaaciyay shabakadaha xidhiidhka bulshada.

Laurent Bacall ayaa iyadoo sagaal iyo toban jir ah bilowday mataalada filimada, waxaanu filimkeedu ugu horeeyay ee ay jishay ahaa (To Have And Have Not), kaas oo ay wada mataleen ninkeedi isaguna ahaa aktarka wayn ee Humphrey Bogart.

Laurent Bacall Iyo Humphrey Bogart ayaa iyadu is qabay muddo laba iyo toban sanadood ah oo ahayd intii u dhaxaysay 1945 ilaa 1957-kii, waxaanay isku dhaleen labo carruur ah.
Halkan ka daawo waxbixin kooban oo laga sameeyay Taariikhdeedii

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply