Nin basaas hore u ahaan jiray Dalka Ruushka iyo gabadh uu dhalay ayaa waxa lagu suxiiyay kursi ay ku fadhiyeen oo ku yaala beer ku taala Magaalada Salisbury ee koonfurta Dalka Britain .

Basaaskan ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Sergey Sarkipal oo da’diisu tahay 66 jir iyo gabadha uu dhalay ee magaceeda la yidhaahdo Yulia oo da’deedu 33 jir tahay ayaa waxa loo adeegsaday waxyaalaha sunta xambaarsan ee lagu suuxiyo dadka .

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Britain Mr’s Amber Road ay baadhayaan nooca sunta loo adeegsaday Basaaskaasi iyo gabadha uu dhalay sidoo kalana waxa ay Amber sheegtay in ay ku daba jiraan cida arrintaasi ku kacday .

Sunta loo adeegsaday basaaskaasi iyo gabadha uu dhalay ayaa ah mid xanuun ku riday isla markaana maankooda doorisay dhinaca kale wasaarada arrimaha dabada ee Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in nooca sunta amase cudurka loo adeegsasaday basaaskaasi haddi ay dawlada Britain cadayn waydo ay saamayn karto xidhiidhka siyaasadeed ee labada dal .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA