Beertii Michael Jackson Uu Ku Dhaadan Jiray Ee Never Land Oo La Xaraashayo

95271_1234884311260_bBeertii uu ku raaxaysan jiray, fanaankii muusiga Pop-ka ee Michael Jackson ayaa badka la soo dhigay, xaraashkeeda, waxaana sidaa ku dhawaaqday shirkada (Colony Capital), ee dalka Maraykanka u qaabilsan iibka iyo xaraashka hantida tujaarta.

Beertii Michael Jackson ee lagu magacaabi jiray (Never Land Ranch), waxa ay noqonaysaa wixii ugu danbeeyay hantidii uu ninkaasi lahaan jiray ka hor intaanu dhiman ee xaraashkeeda badka la soo dhigo.

Sida ay ku warantay jariirada ama majalada ka faaloota arrimaha xidigaha caalamka ee “Forbes” beertan la xaraashayo ee Michael Jackson ka dhintay ayaa ku fadhida dhul masaafadiisu dhan tahay 11 km oo afar jibaaran, waxa kale oo gudaheeda ka dhisan qarsi kuwa lagu raaxaysto ah oo aad u qurux badan, kaas oo qiimaheeda sii kordhinaya.

Sida Majaladu sheegtay waxa qiimaha xaraashka ee beertani marayaa, konton Milyan ilaa shan iyo sodon Milyan oo dollar inta u dhaxaysa, waxaanay noqonaysaa qiime aad u sareeya marka loo eego beertaas oo iyada lafteedu ah mid aad u wayn oo qurux badan.

The Pinnacle List

Beertan ayaa sida la sheegay uu Michael Jackson iibsaday sanadkii 1988-kii, waxaanu markii laga iibshay uu ula baxay magaca ay caanka ku noqotay ugu danbayntii, ee (Never Land), waxaana sida la sheegay uu magacaas, ka soo min guuriyay sheeko baralay ku jirtay qiso lagu magacaabi jiray, (Peter Pan), oo ku saabsanayn jasiirada khiyaal ah oo sheekadaasi ka waranto.

Beertan ku taala badhtamaha gobolka California ayaa ka mid ah meelaha ugu quruxda badan, sida wararku sheegeena waxa Michael Jackson uu beertaas ka dhex sameeyay, qaybo xayawaanka lagu xanaaneeyo, qaybo kale oo lagu tamashleeyo iyo dhabo tareen oo dhex marta beerta gudaheeda, waxaanay ahayd beertaasi halkii ilaa maalintii uu ka dhimanayay uu ku noolaa Michael Jackson sanadkii 2009-kii.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply