Beyonce Iyo Jay Z Oo Wada Jir U Soo Saaray Albam Cusub Oo Huge Lagu Magacaabo

Sida warbaahinta kala duwan ee ka faaloota arrimaha xidigaha dunidu ku warantay, lamaanaha Beyonce iyo Jay Z ayaa si wada jir ah, u soo saaraya dhawaan, albam cusub oo loogu magac daray, “Huge”, kaas oo ay dedaalkooda isugu wada geeyeen sidii uu u noqon lahaa mid suuqyada dunida qabsada, sanadka 2015-kana safka hore ka gala.

beyonce-jay-z-working-album

Lamaanahan oo ku kala duwan qaabka ay heesaha u qaadaan, gaar ahaan Jay Z oo isagu caan ku ah, heesaha Rap-ka loo yaqaano ee qoob ka ciyaarka iyo weedhaaminta u badan, halka Beyonce iyadu ay inta badan xooga saarto, heesaha Pop-ka ah, waxa ay ku dedaaleen in qaab isku dhow oo macaamiisha wada raali galinaya ay u soo saaraan albamkoodan cusub.
Kooxaha ka saadaliya iibsiga iyo suuqyada heesaha ee dalka Maraykanka ayaa saadaliyay in malaayiin dollar laga macaashi doono, iibka albamkan cusub marka uu soo baxo, waxaanay saadaaliyeen inuu ka mid noqon doono kuwa dunida loogu iibsiga badan yahay.

Lamaanahan ayaa albamkoodani marka laga tago xiisaha uu yeelan doono iyo sida uu dadka u raali gelin doono, waxa ay soo afjareen si ficil ahna meesha uga saareen, xantii suuqa ugu jirtay ee dad badani ku doodi jireen inay kala tageen oo xidhiidhkoodi burburay, balse waxa ay cadeeyeen in wali ay wada jiraan, xitaa waxa ay sii kordhiyeen xidhiidhkoodi qoysnimo oo ay ku dareen, koodi xirfadeed.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply