Beyonce Oo Ka Yaabisay Lamaane Aan Casuumin Oo Si Lama Filaan Ah Ugala Qayb Gashay Arooskooda

Fanaanada Beyonce oo maalmihii u danbeyay fasax ku joogta dalka Talyaaniga ayaa ka yaabisay, lamaane u dhashay dalkaas, oo si lama filaan ah ay ugala qayb gashay xafladii arooskooda, waxaanay lamaanahaasi u qaadan waayeen inay la joogto fanaanad ay aad u jecel yihiin oo aanay marti qaadin.

beyonce_03Beyonce oo uu weheliyo ninkeeda isna fanaanka muusiga qoob ka ciyaarka ee Rap-ka loo yaqaano, Jay-Z, ayaa daf si ka dis ah ugu soo yidhi, wiil iyo gabadh reer Talyaani ah oo la isugu guurinayay Kaniisad ku taala dalkaas.

Lamaanahan ayaa mar kaliya ku war helay in fanaanada Beyonce iyo ninkeeda Jay-Z ku wehelinayaan xaflada, waxaana markiiba ku dhacday xaalad anfariir iyo u qaadan waa ah, lamaanahan oo isku si aan u wada xiisaynayn gabadhaas fanaanada ah ayaa xafladoodi ilaaway una badalay inay sawiro xusuus ah la galaan.

Sida ay sheegtay fananada Beyonce waxa ay kaniisada u timi si ay ugu yara nasato, laakiin waxa ay ka war heshay in aroos ka socdo, ka dibna waxa ay jeclaysatay inay kala qayb gasho, waxaanay taasi dhalisay in aroosadii oo kala garashadu ka luntay ku waalato sawiro ay la galayso Beyonce.

Fanaanadan ayaa dalka Talyaaniga u joogta socdaal dalxiis ah, kaas oo uu ku weheliyo ninkeedu, waxaanay warbaahinta reer galbeedku socdaalkan ku tilmaameen, mid lamaanahaasi isku beer xaadhanayaan, sababtoo ah waxa muddooyinkii u danbeeyay ka dhex taagnaa khilaaf, waxaana jiray warar la isla dhex marayo oo sheegaya inay kala tageen, laakiin waxa ay imika ku wada sugan yihiin, Portofino degaanka lagu magacaabo ee dalka Talyaaniga.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply