Boqorada Quruxda Sucuudiga ee Malaak Yusuf oo sheegtay in cid kasta oo ku eedaysay in aanay Sucuudiga u dhalan ay Sharciga la tiigsan doonto!

 

Hawraar (Qiro) Malaak Yusuf waa gabadh Asal ahaab ka soo jeeda Dalka Sucuudiga,waxa aanay ku nooshahay Dalkaasi Debaddiisa Maadama oo aan xiliyadii hore loo ogolayn in ay ka muuqdaan masraxyada amase heesaan .

Malaak Yusuf ayaa waxa loo doortay in ay tahay Boqorada Quruxda Dalka Sucuudiga Sanadkani ,markii arrintaasi la shaaciyay ayaa waxa dad badan oo u dhashay Dalkaasi ay si xun u weeraran Malaak waxa aanay ku tilmaameen in aanay u dhalan Dalkaasi .

Sababta keentay in Malaak weerarka noocani ah lagu qaado ayaa waxa ay tahay in Malaag hooyadeed ay tahay Masariyad .

Malaak ayaa waraysi Wakaalada wararka ee Bbc Arabic ay la yeelatay ayaa waxa ay ku cadaysay in cid kastoo ku sheegtay in ay aanay Dalkaa u dhalan ay talaabo sharci ah ka qaadi doonto waxaana ka mid ahaa hadaladeedii “qof kasta oo igu eedeeyay in aanan u dhalan Dalka Sucuudiga waxa aan ka qaadi doona talaabo sharci ah waxa aan la tiigsan doonaa Maxkamad Sharci ah ,Aniga aabahay waa Sucuudi Hooyadayna waa Masriyada Passport-ka aan sitaana waa Sucuudi “.

Haweenka ku dhaqan Dalka Sucuudiga ayaa haatan waxa loo ogolaaday arrimo tiro badan aab loo ogolayn,waxaana ka mid ah arrimahaasi in haweenka Dalkaasi loo furay Masraxyo ay ku soo bandhigi karaan kuna xayaysiin karaan Modeelada kala duwan ee dharka Haweenka .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com