Boqortooyada Morocco Oo Ciidal Odxada Maalina Ka Danbaysay Dunida Islaamka

Boqortooyada Morocco ayaa noqday waddanka kaliya ee maalintii axadii isagu ciiday Ciida Carafo, waxaana wakaalada wararka ee dalkaasi baahisay muuqaalada boqorka dalkaas Boqor Maxamedka lixaad oo isagu maalintii axadii ee dunida Muslimka ah badankeeda ugu beegnayd maalintii labaad isagu ku sugan masaajidka caasimadda dalkaas, halkaas oo uu shacabka kagala qayb galay salaadii ciidal Odxa.

10710582_772404659485778_4025545330090107935_nXaaladan ayaa noqonaysa markii labaad ee muddo labaatan sanadood gudahood ah ay, boqortooyada Morocco kaligeed gaar uga ciido dunida Islaamka, gaar ahaan ciida Carafo oo la isku wada raacsan yahay sida Sucuudigu u qorsheeyo, ama si rasmi ah loo ciido maalinta ku xigta marka Xujaajtu Istaagto Buurta Carafo.

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply