Ayga ayas waxa lagu tilmaamaa in uu yahay Saaxiib wanaagsan isla markaana qofka korsada ee rabeeya amase daryeela Aygu waxa uu u haysa abaal badan waanu garab istaaga haddi uu arko isaga oo dhibaataysan.

 

Haddaba in uu Aygu yahay saaxib wafiya oo saaxiibtinimadiisu wanaagsantahay waxa cadeeyay Ay ku nool Dalka Brazil kaasi oo maalmo hor taagan dhakhtarka uu ku geeriyooday ninkii rabeeyay .

 

Aygan ayaa waxa uu dhakhtarkaasi hor taaganyahay muddo shan bilood ah waxa aanu diiday in uu la tago halkaasi si kasta waa loo eryay waana loo garaacay laakiin waa uu diiday in uu halkaasi ka tago.

 

 

Aygan ayaa waxa uu dhakhtarka u soo raacay ninkii lahaa kadib markii ay dhaawacyo halis ahi ka soo gaadheen mindi la galiyay ,markii ay dhakhtarka soo gaadheen ninkii waxa uu aygii kaga hor tagay dhakhtarka si uu isku soo daweeyo laakiin nasiib daro ninkii waxa uu ku dhex geeriyooday dhakhtarka Aygan ilaa iyo maanta oo ay dhimashada ninkaasi ka soo wareegtay shan bilood waxa uu hor taaganyahay dhakhtarkii waxa aanay arrintaasi ka turjumaysaa sida uu Aygu u jecelyahay ee uu u ilaaliyo qofka daryeela.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA