Qoyska Boqortooyada Dalka Britain ayaa waxa ka mid ah caadooyinkooda iyo dhaqankooda aanay marnaba badalmin in Sanadka Cusub horaantiisa ay is gudoondsiiyaan hadiyado kala duwan.

Megan Mercel oo ah gabadha u doonan Amiir Harry isla markaana arooskoodu qabsoomi doono bisha April ee sanadkan ayaa waxa ay Boqorada Dalkaasi gudoonsiisay Hadiyad .

Hadiyadan ayaa waxa ay ahayd Ciyaar yar oo magaceeda la yidhaahdo Hamester ,hadiyadan ah mid qiimaheedu aad u jabanyahay ,balse sida ay sheegeen qaar ka mid ah wakaaladaha wararka ee Dalkaasi sida Wargeyska Daily Mail oo kale in hadiyadan ay faxad galisay Boqorada Dalka Britain waxa aanay tidhi Boqoradu “Hadiyada Megan aad ayay ii farxad galisay waxaan filayaa in ay saaxiib wanaagsan la noqon doonto Aydayda “.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA