Dabaylo aad u darran ayaa waxa ay ku dhufteen Dalka Britian kuwaasi oo la sheegay in ay khakhal galiyeen guud ahaan Gegooyinka Diyaaraddaha ee Dalkaasi .

Dabaylahan ayaa waxa ay jarayaan Xawaare gaadhaya 160km saacadiiba,Dawlada Britain ayaa waxa ay ugu magac dartay Dabaylahaasi daran ee ku dhugtay Ealner waxa aanay xukumadda Dalkaasi gashay heegan ay kula tacaalayso dhibaatooyinka ay Dabaylahaasi sababaan.

Sidoo kale Diyaarad ay leedahay shirkada British Airways ayaa waxa ay gashay halis kadib markii ay dabaylahaasi sababeen in ay gariirto xili ay caga dhiganaysay Gegada Diyaaradaha Ee Magaaldaasi Lonodon,balse Duuliyaha Diyaaradaasi ayaa qaatay go’an sax ahaa kaasi oo uu ku badbaadiyay Rakaabkii saarnaa diyaaraddaasi waxa aani dib ugu noqday Hawada isla markaaba waxa uu dib u soo caga dhigtay kadib markii at dabaylahaasi yara dageen .

Dabaylaha ayaa la filayaa in ay khasaare sababi karaan maadaama oo ay jarayaan xawaare aad u sareeya .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA