Billayska Dalka Britain ayaa waxa ay joojiyeen Diyaarad rakaab ah muddo Ilbidhiqsiyo ah ka hor xiligii ay kici lahayd .

Joojinta diyaaradaasi ayaa waxa ka dambeeyay kadib markii qaar ka mid ah shaqaalaha Diyaaradaasi ay la soo xidhiidheen Madaarkii ay ka kacday isla markaana ay ku war galiyeen in Kabtanka diyaaradu uu sirkhaansanyahay.

Kooxda ka mid ahayd shaqaalaha diyaarada ayaa waxa ay soo waceen qaybta Emergency-ga ee ciidamada Billayska ee tellka 999 kadiv markii ay qolka u gaarka ah Kabtanka ay ka uriyeen khamri kaasi oo ay sheegeen in uu kabtanku cabayay.

Intaa kadib ciidamada Billayska ee gegeda diyaaradaha ee Gatwick ayaa waxa ay diyaarada ka soo dajiyeen duuliyahaasi la sheegay in uu sikhraansanyahay waxaana iska markiiba lagu badalay duuliye kale .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA