Dalka Pakistan ayaa waxa uu ka mid yahay Dalalka ku caanka ah Xadista iyo kala iibsashada sharci darada ah ee Xubnaha jidhka aadamaha,waana dal ku caan baxay suuqyada madaw ee lagu iibiyo xubnahaasi .

Ciidamada Billayska Dalka Pakistan ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan koox budhcad ah kuwaasi oo been u sheegay jiray haweenka Danta yarta ah isla markaana irbado kaga nuugi jiray dareeraha maskaxda .

 

Kooxdaasi budhcada ah ayaa haweenkaasi dan yarta ah waxa ay u sheegi jireen in ay siinayaan lacag aad u badan kadib marka ay ka nuugaan Dareerahaasi .

 

Kooxdaasi budhcada ah ayaa waxa ay ka koobanyihiin shan nin kuwaasi oo ka hawl gali jiray Magaalada Haafid Abad ee Gobolka Benjab ee galbeedka dalkaasi ,raggaasi ayaa waxa lagu soo eedeeyay in ay arrintaasi kula kaceen ilaa iyo 90 dumara oo u dhashay Dalkaasi kuwaasi oo qaar ka mid ahi ay ka mid noqdeen dadka naafada ah amase baahiya gaarka ah qaba .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA