Bukan ay cabaan Rakaabka diyaaraduhu ayaa waxa la xaqiijiyay in ay ku jirto Bigteeriya halis ku ah caafimaadka qofka.

Bagteeriyada bukaansi ku jirta ayaa waxa la yidhaahdo E.coli oo ah bagteetiya halis ku ah caafimaadka qofka ,wakaalada wararka ee Fuchia ayaa waxa ay shaacisay in kalkaaliso diyaaradeed aya sheegtay in biyaha lagu sameeyo bukaasi ay soo marto tuunbooyinka musqulaha diyaarada.

Kalkaalisadan ayaa waxa kale oo ay sheegtay in guud ahaan biyaha diradaha ee ay rakaabka cabaan isla markaana u haystaan in ay yihiin nadiif ay soo maraan dhuumo ku xidhan musqulaha diyaarada.

Sanadkii 2012kii ayaa wakaalada ilaalada deeganka ee IBA ay sheegtay in baadhitaano lagu sameeyay biyaha diyaaradaha ganacsiga ah ee rakaabka lagu xaqiijiyay in 12% ka mis ahi ay xambaarsanyihiin bigteeriyadaasi halista ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA