Khubarada ka faalooda arrimaha la xidhiidha cabista Badeecada “Shiishada” ayaa waxa ay ku cadeeyeen warbixin ay dhawaan soo saareen oo lagay baahiyay Barta Internet-ka ee CDC in Cabista Badeecadu ay kor u qaado Miisaanka qofka.

Warbixin lagu baahiyay Barta Internet-ka ee CDC ayaa waxa lagu cadeeyay in dadka ugu badan ee ku geeriyooda gudaha dalka Maraykanka ay yihiin kuwa caba Badeecada iyo Sigaarka,cabista sigaarka iyo badeecada ayaa waxa sanad walba ugu geeriyooda gudaha Dalka Maraykanka 480,000 oo qof.

Buuriga badeecada ayaa waxa la sheegay in ay ku jiraan 4800 oo maadooyinka Kimikalka ah ,69 maado oo ka mid ah maadooyinkaasi waxa ay sababaan Kansarka .

Marka laga yimaado dhibaatooyinka caafimaad ee ay Badeecadu “Shiishadu” leedahay ayaa waxa kale oo la xaqiijiyay in ay cabisteedu ay kor u qaado Miisanka qofka arrintaasi oo ah halis cusub oo haatan la ogaaday.

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA