Dabaylaha wata siigada amase Boodhka ayaa waxa ay dhibaateeyaan hab-dhiska Neefsiga ee qofka waxa aanad arkaysaa dad badan oo ka cabanaya marka ay boodhka uriyaan waxyaaba badan oo ay ka mid yihiin xasaasiyada ,sanboorka,iyo sidoo kale xiiqda .


Sidoo kale dabaylaha wata siigada amase boodhka laxaadka leh ayaa waxa ay sababaan dhibaatooyinka dhinaca wadooyinka ah marka ay socdaan kuwaasi oo sababi kara dhibaatooyin hor leh sida shilalka gaadiidka .
Haddaba haddi ay yihiin dhibaatooyinkaasi kuwa jira waxa kale oo barbar socda oo dhawaan soo baxay siigo amase boodh la iibsanayo isla markaana leh dhandhano gaar ah oo uu qofku iibsanayo dhandhanka uu u baahanyahay gaar ahaan dumarka Walaca ah amase xaamilooyinka ah .

Haweenay Dhakhtarad ah oo ku takhasustay Qaybta Dhalmada iyo Dhalaanka ayaa waxa ay ku sheegtay waraysi ay siisay shabakada Wararka ee Al-arabia waxa ay ku sheegtay in nin magiciisa la odhan jiray Abu-quraad oo ahaa noolaan jiray laba kun oo sano ka hor u xiligaasi xaqiijiyay in ay dadku cuni karaan ciida ,sidoo kale cunista ciida ayaa waxa ay sababtaa buurnida sida ay cadeeyeen deraasaddo lagu soo bandhigay dalkaasi Maraykanka .

Si kastaba ha ahaatee waxa hubaal ah in ciid laga dayaxa lagu kala iibsaday lacag dhan 1.8 Millyan oo dollar ciidaasi oo ku jirtay shandad uu ku soo qaaday duuliye dayax gacmeed waxaana ciidaasi lagu kala iibsaday suuqyada waawayd ee Dalka Maraykanka .

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA