“Ku dedaal cabista biyo badan maalin walba”,waa waano inagu soo noqnoqtay oo dhakhaatiirtu hadd iyo jeer inagu dardaaraan waa hubaal in ay biyuhu faa’iidooyin caafimaad oo fara badan inoo leeyihiin balse wax jirta hal xaalo oo kaliya taasi oo cabista biyuhu ay noolosha qofka halis galiso.

Halkaasi xaalo ayaa waxa la yidhaahdaa ” xaalatul Tasamum Al Ma’i” Taasi oo macnaheedu yahay In dadka biyaha badan ee xad dhaafka ah amase badan caba hal mar oo kaliya .

 

 

Biyahaasi badan ee uu qofkh hal mar is dhaafiyo amase Qudhqudhiyo sida aynu u nidhaahno qofka biyaha badan hal mar caba waxa ay khalkhal ku keentaa arrintaasi khalkhal soo gaadha Electronic-yda maskaxda arrintaasi oo sababi karta in uu qofku geeriyoodo sida lagu baahiyay Blood Sky ee ka faalooda arrimaha caafimaadka.

 

 

Biyaha badan ee qofku cabo hal mar oo kaliya waxa ay yareeyaan dheeli tirka milixda dhiiga ku jirta arrintaasina waxa ay sababaysaa in biyahaasi ay jiidhaan unugyada maskaxda waxaanay arrintaasi sababaysaa madax xanuun xad dhaaf ah .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA