Waxa hubaal ah in dadka shaqaalaha ah ay hadd iyo jeee aad u jeclyihiin in loo kordhiyo mushaharka ay qaataan balse waxa noqonaya shaqaalihii ugu horeeyay ee diida mushahar loo kordhiyay dhakhaatiir u dhashay Dalka Canada.

Dhakhaatiirtani ayaa waxa ay ka hawl galaan gobolka Quebec tirada shaqaalaha diiday mushaharka loo kordhiyay ayaa waxa ay tiradoodu dhantahay 700 oo dhakhtar.

Dhakhaatiirtan ayaa waxa ay sheegeen in mushaharka ay haatan qaataan uu yahay mid ku filan oo kafayn kara isla markaana aanu dameerkoodu siinayn in ay qaataan lacag intaasi ka badan .

Go’aanka dhakhaatiirtani ay ku diideen mushahar kordhinta ayaa soo baxay xili ay xukuumada dalkaasi go’aamisay in 10 kun oo dhakhtar loo kordhiyi mushaharada ay qaataan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA