Xaramku waa goob barakaysan waana qiblada muslimiinta ee meel kasta oo ay aduunka kaga noolyihiin ba ay u jeedsadaan marka ay Ilaahay SWT hor istaagayaan amase tukanayaan.

Dalka Sucuudiga ayaa waxa muddooyinkan dambe ka socdo is badalo aad u la yaab badan haddi ay tahay dhinaca dhaqanka iyo sidoo kalaba dhinaca cibaadada.

Dadka dalkaasi u dhashay ayaa waxa ay aad u qaada dhigeem sawiro laga qaaday gabadho u dhashay Dalkaasi oo inta ay dhex fadhiisteen xaramka ku dhex Ciyaaraya nooc ka mid ah Turubka oo magiciisa la yidhaahdo Sicons waxa aanay dadkaasi arrintaasi ku tilmaameen in aanay ka mid ahayn dhaqanka suuban ee diinta islaamka sidoo kalana aanay haboonayn in goobaha cibaadada la la tago wax aan faa’iido lahayn oo Ilaahay SWT cadha galinaya .

Gabdhahan ayaa waxa arkay Qaar ka mid ah ilaalada xaramka abaaro 11kii habeen nimo ee sabtidii waxa aanay u sheegeen kuna waaniyeen in aanay mar dambe waxaasi oo kale aanay la imananin guud ahaan ba masaajidada loogu tala galay cibaadada,arrintani ayaa ah arrin ku ugub ah Dalkaasi waxa aanay dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo badan la jaan qaadayaan is badalka aadka u la yaabka badan ee dalkaasi ka bilaabmay ee laga dhur sugayo halka uu ku dambayn doono .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.net

KA DHIIBO FIKIRKAAGA