Waxa hubaal ah in farqiga Waqtiga ah ee u dhexeeya dhalashada  labada mataanaha ah aanu dhaafin daqiiqado kooban .

Waxa kale oo hubaal ah in aanu qofna sawiran karin amase malaysan karin laba mataano ah oo kala dhashay laba sano oo kala duwan .

Haddaba arrintaasi ayaa waxa ay ku dhacday Hooyo u dhalatay Dalka Maraykanka oo ku dhashay dhakhtar ku yaala California ,hooyadan ayaa waxa ay dhakhaatiirtu hore ugu sheegeen in xiliga ay dhalaysa uu yahay 27 bisha Janriary ee 2018ka balse habeenkii ay bishii December ay ahayd 31 ee Sanadkii 2017ka ayaa waxa ay dareentay in ay Foolanayso intaasi kadib waxa ay si degdeg ah u soo gaadhay dhakhtarkii.

Hooyadan ayaa mataankii koowaad oo wiil ah umushay markii ay Saacadu ahays 11:58 Habeennimo taariikhduna ay ahayd 31 December ee 2017kii,intaasi kadib waxa ay dhashay Mataankii Labaad muddo 20 Daqiiqa ah kadib taasi oo macnaheedu yahay in Mataanka labaad uu dhashay saacadihii u horeeyay Sanadkani Cusub ee 2018ka sidaasina ay labadaasi Mataano oo magacyadooda la kala yidhaahdo Juoa King iyo Eatean ay ku kala dhasheen laba sano oo kala duwan.

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA