Guurku waa arrin aad u muhiim ah waxa aanu qof kastaaba uu ku hamiyaa in uu mustaqbal yeesho oo uu noolol wanaagsan ku noolaado waana arrin aanu marnaba muran ka taagnayn.

Guurka

 

Haddaba waxa ay su’aali ka taagantahay farxad iyo raaxada Guurku ma waxa ay uu ninka ragga ahi heli karaa marka uu Gabadh qudha Guursado mise marka uu dhawr dumara guursado?

Haddaba su’aashaasi jawaabteeda waxa cadaysay  Deraasadd ay soo bandhigeen khubaro ka tirsan Jaamacada Sheffield ee Dalka Britain ,waxa aanay deraasaddaasi cadaysay in guurka uu ninka ragga ahi guursado dhawr dumar ah uu sababo cimri dherer 12%.

Sidoo kale ninka guuraada dhawe dumar ah uu dareemayo farxad aad u badan isla markaana uu xaqiijin karo riyooyinkiisa uu ku hamiyo ee uu jeclyahay in uu ka dhabeeyo.

Sidoo kale ninka guursada gabadh labaad ayaa waxa ay deraasaddaasi sheegtay in uu ku noolaanayo farxad aad u badan isla markaana uu noqonayo qof aad u firfircoon,khubarada diyaariyay deraasaddan ayaa waxa ay sheegeen in ay baadhitaan la xidhiidha arrintaasi ay ku sameeyeen 700 00 qof oo ku  kala nool dalal dhawr waxa aanay natiijadii ka soo baxday ay noqotay in ragga qaba laba xaas iyo wixii ka badan ay ka cimri dheeryihiin kana farxad iyo wax qabad badanyihiin kuwa guursada gabadha qudha.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA