Canada: Dab Ka Kacay Laba Diyaaradood Oo Isku Dhacay!

Isku Dhaca Diyaaradaha kala duwan gaar ahaan marka ay soo caga dhiganagaan Gegooyinka Diyaaradaha ayaa ah kuwa aad u yar isla markaana Shaqaalaha ka hawl gala Gegooyinka Diyaaradaha ayaa ah kuwa mar walba heegan ugu jira sidii ay u kala hagi lahaayeen diyaaradahaasi .

Sababtuna waxa ay tahay in dhamaan shaqaalaha ka hawl gala Gegooyinka Diyaaradaha ay hadd iyo jeer ku dedaalaan sidii ay u kala hagi lahaayeen Diyaaradaha kala duwan ee qaarkood Kacayaan qaarkoodna soo caga dhiganayaa.

Dalka Canada gaar ahaan Gegeda Diyaaradaha ee Toronto ayaa waxa ay ka badbaadiyeen boqolaal Rakaab ah kadib markii ay laba Diyaaradoos isku dhaceen.

Labadan Diyaaradoos ee isku dhacay ayaa mid ahaan waxa ay ku dhex cadilantay Madaarkaasi halka Diyaarada kale ay isla xiligaasi soo caga dhiganaysay.

Isku dhaca Labadaasi Diyaaradood ayaa waxa uu sababay dab ka kacay halkaasi ,balse ciidamada Dabdamiska ee Toronto ayaa ku guulaystay Daminta dabkaasi mana jiraan wax khasaaare ah oo ka dhashay dabkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com