Haweenayda magaceeda la yidhaahdo Carrie Hillon ayaa waxa la sheegay in ay tahay Ayayda ugu yar Dalka Britain, Carrie Hillon ayaa waxa ay da’deedu tahay 35 jir waxaana la lagu tilmaamay in ay aad u qurux badantahay isla markaana ay firfircoontahay .

Carrie Hillon

 

Carrie Hillon ayaa waxa ay dhashay gabadheedii koowaad markii ay da’deedu ahayd 18 jir Carrie Hillon ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay aad u jeceshay jimicisiga oo ay ku dedaasho ,waxa kale oo ay sheegtay in ay is qurxisay oo ay bixisay lacag dhan 13kun oo giniga istarliiniga ah .

Carrie Hillon

Carrie Hillon ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay aad iskud ar yeesho oo ka shaqayso sidii ay u ilaalin lahayd quruxdeeda ,waxa kale oo ay Carrie Hillon sheegtay in marka ay tagto goobaha jimicsiga ay dad badani moodaan in ay tahay haweenay da yar isla markaana ay isku dayaan in ay bartaan,waxa aanay tidhi marka dadka noocaasii oo kale ahi ay ii soo dhawaadaan ee aan u sheego in aan ayay ahay oo caruurta aan dhalay caruurtoodi ay dhulka yacayaan waa ay iga fogaadaan .

 

Warbixin uu Wargeyska The Sun ka diyaariyay Carrie Hillon ayaa waxa lagu shaaciyay in ay tahay haweenayda ayaydka ah ee ugu da’da yar uguna quruxda badan ayeeyooyinka Dalka Britain .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA