Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Caruus Galaaftay Naftiisa Habeenkii Aqal Galkiisa

Bam gacmeed uu sitay nin caruus ah oo ay xafladdiisa arooska socotay oo qarxay ayaa galaaftay Carruuski iyo Nin Manxiis u ahaa.

Dhacdadani oo ka dhacday Koonfurta gobolka Wallo oo dhinaca waqooyi kaga beegan caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa waxaa ku dhintay laba qof.

Khabiirka sare ee isgaarsiinta xafiiska xiriirka arrimaha dadweynaha ee degmdaasi Sisaay Kiflu wuxuu BBC u sheegay “qaraxa bam gacmeedka inuu ka dhashay caruurska iyo manxiiskiisa oo bamka ku ciyaarayey oo iisu dhiidhiibayey”.

Xilliga uu qaraxa dhacayey caruusadda oo ka maqneyd goobta ay ka dhaceysay xafladda arooska oo ku sugneyd guriga waaliddiinteeda ayaa ka badbaadday qaraxaasi.

Guddoomiyaha tuulada uu shilkaasi ka dhacay Abebe Geto wuxuu isna sheegay iney shacabka oo dhan dhacdadaasi naxdinta badan ay aad uga xumaadeen.

Waxaanna ka maamul ahaan billaawnay “wacyigelin ku saabsan shacabku sidi ay isaga ilaalin lahaayeen hubka sharci darrada ah kuwa hubka sharciga ah haystana aan u bari lahayn sida ugu wanaagsan oo khatarta hubka loo yareyn karo” ayuu yiri

Booliska degmadaasina wuxuu sheegay “bamkaasi qarxay inuu ahaa mid uu caruuska si sharci darra ah uu ku haystay”.

Waxayna shacabka uga baaqeen hubkooda iney la imanin goobaha ay dadka isugu yimaaddaan si dhibaatooyinka noocan ah looga hortago.

Hay’adaha sharcigana waxay dowladda ugu baaqeen iney go’aan adag ka soo saarto hubka sharci darrada ah ee ku soo badanaya dalka Itoobiya.

Qayba ka mid ah dalka Itoobiya waxaa ka jira dhaqan ah in xilliga ay xaflad aroos dhaceyso ay dadka arooska ka soo qayb galaya ay hub soo qaataan kaddibna rasaas kor u ridaan iyaga oo sidaa farxaddooda ku muujinaya.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat
%d bloggers like this: