Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Category Archives: Bar ama Baro

Mataqaanaa Halista Ugu Weyn Ee Bini Aadamku Kala Kulmayo Dunida.

Howlaha burburinta ah ee uu bini’aadamku ku dhaqaaqayo ayaa laga yaabaa inay horseedaan waxyaabo aan la mahadin hasayeeshee waxaa jira qaabab kale oo ay dhibaatadu u dhici karto.

Maxaad Ka Taqaanaa Mucjisada Numberka 7

WAX KABARO LANBARKANI 7 WAXA KU QARSOON FADLAN
Ma ogtahay (suuratul faatixa) inay tahay (7) aayadood.
Ma ogtahay in qur’aanka lagu sheegay (7) sabuul.

Weli Ma Iswaydiisay Sababta Wiishka Fooqaqu Muraayada Gudaha Ugu Leeyahay

Sida in badan oo innaga mid ahiba aragtay wiishka korontada ku shaqeeya ee fooqyada dhaadheer loo fuulo waxaa gudaha ugu yaalla muraayad weyn oo inta badan qofka ama dadka saarani ay isku eegi karaan, waxaa se’ laga yaabaa in aniga, adiga iyo in badan oo dadka kale ahiba aanay weli is weydiin sababta muraayaddan loogu xidhay qolkan yar ee wiishka ah.

Baro Taariikhda Dawladii Laysay Dhamaan Dadkii Ku Noolaa Caasimada Ugu Dadka Badan Dunida

Waxaa marka hore mahadi ay u sugnaatay Allaah (subxaanahy wa tacaalaa) oo ii fududeeyay qoraalkaan oo aan ka soo xigsaday video aan Youtubka ka daawaday ayaan waxaan jecleystay in aan qoraal ahaan u rogo si ay dadka akhriska jecelina ay u bartaan taariikhda iyo marxaaladaha uu caalamka soo maray qaasatay Caalamal-Islaamiga, taasoo ku sugnaatay cibro aad u weyn.

Astaamaha Maalinta Qiyaamaha Lagu Garto

Nebi Muxammed (NNKH) markii uu dhamaystay Xajkiisii ugu dambeeyey oo ku beegnayd sannaddii 10aad ee Hijriyada ayuu hor istaagey Irridda laga galo Kacbada barakeysan isagoo gacanta ku haya Furihii Albaabkaas, Isla markaana wuxuu Asxaabtii ku ydhi:

Xabaasha Boqor Tutkii Masar Oo 3,000 Sano Kadib La Habeeyey

Kooxo khubaro ah ayaa soo bandhigay dib u habeyn ay wadeen tobankii sanadood ee u danbeeyey qolka xabaasha u ah boqorkii reer masar ee King Tutankhamun.

10 Cudur Oo Laga Qaado Hurdo Yarida

Cilmiga caafimaadka ee casriga ah ayaa lagu ogaaday in hurdo yaraantu ay qofka ku keento dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ragga uu ku yaraado hormoonka Testosterone iyo in uu cimrigiisu ka soo gaabto inta laga filayey.

10 Arrimood Iyo Xaqiiqooyin Layaab Leh Oo Aanay Dunidu Ka War Qabin Oo Ay Leedahay Qaaradda Afrika!!

Qof kasta oo innaga mid ahi marka uu maqlo ama dhegtiisa ay ku soo dhacdo magaca Afrika waxa uu xasuustaa qaarad dadkeedu yihiin kuwo la dhibaataysan Faqri iyo saboolnimo ba’an, gaajo iyo cunto la’aan, dagaalo iyo iska hor imaadyo qabali ah, khayraad aan laga faa’iidaysan, aqoon darro iyo jahli ba’an, cudurro iyo dhibaatooyin caafimaad, tahriib iyo qaxootinimo.

Cilmi Baadhis Lagu Ogaaday In Guurku Xoojiyo Awoodna Siiyo Caafimaadka Wadnaha

In ka badan 13,000 oo khabiir caafimaad ah oo ku takhasusay cudurada wadnaha ku dhaca, ayaa kulan ay toddobaadkan ku yeesheen magaalada Washington ee carriga Maraykan, waxa lagu soo bandhigay in ka badan 2,000 oo cilmi-baadhis oo la xidhiidha baadhista wadnaha.

Maxaad Ka Taqaan Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Caanaha Geela

Sida aan wada ognahay geelu waa noole cajiib ah oo waxyaabo badan oo jirkiisa ka mid ah daawo alle nooga dhigay, waa xayawaan mucjiso ah oo gaajada iyo haraadka u adkaysan karo bilooyin sidaasoo tahay hadane isbadal kuma dhacaan faa’idooyinka laga helo hilibkiisa, caanihiisa iyo kaadidiisa intaba.

Maxaad Ka Taqaan Qisada Heesta Maxamed Mooge Ee Jacayl Hadii Sir Laga Dhigo

QISADII KU DHACDAY AXMED S BIDDE IYO HEESTA MAXAMED MOOGE HADDII JACAYL SIR LAGA DHIGO ILA DAAWO

Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Qaaciga Iyo Cidii Aas-Aastay

Marka aynu maqalnno Erayga Qaaci, waxa aynu xusuusannaa fan iyo miyuusig aad u macaan oo naf kasta oo dhegaysata wax badan ugu filan, waxa kale oo aynu xusuusanaynnaa in uu hab faneedka noocaas ah ee Qaaciga loo yaqaanno uu allifay AHN hoobaalkii haladaygga iyo qiyamka sare lahaa ee Maxamed Mooge Liibaan.

Waa Sida Muuqaalka Xiliga Qoraxdu Soo Baxayso Ee 8 Meere Ee Hab-Qoraxeedku

Waxa ay u badan tahay inaad hore wax uga taqaanay hab qoraxeedka oo ka kooban meerayaal kala duwan laakiin aadan hore u arag muuqaalada xiliga cadceedu soo baxayso marka la joogo isla meerayaasha aad taqaanid.

Baro Heerarka Kala Duwan Ee Dayaxa Iyo Xiliyada La Arko

Dayaxa oo aynu wada naqaano ayaa ah walax cireed uu leeyahay meeraha Dhulka ee aynu ku nool nahay waana walaxda 5aad ee ugu wayn hab qoraxeedkan.

Wadanka China Oo Markii Ugu Horaysay Gaadhay Dacalka Fog Ee Dayaxa

BEIJING – China Oo helay meelo aan hore loo gaadhin oo dayaxa ah, isla markaana noqday wadanka gaadhay dacalka fog ee dayaxa markii ugu horeysay taariikhda, sida wakaalada cirka ee wadankaasi cadaysay.

5 Calaamadood Oo Kuu Cadaynaya Inaad Facebook La Qabatintay

La qabatinka facebook iyo baraha kale ee bulshadu ku kulanto (social Media), ayaa noqday kuwo ay aad u adag tahay in la iska joojiyo, isla markanaa dhibaatadeeda leh sida lagu iftiimiyey mashruuc cilmi-baadhiseed ay khubaro Dutch ah wadeen, kuwaasoo ay ku baadhaayeen in bal dadku awood u leeyihiin in ay 99 maalmood joojin karaan isticmaalka baraha internetka ee bulshadu ku wada xidhiidho (social Networks).

Dadka daraasada laga qaaday waxa ay sheegeen qaar badan oo ka mid ah waxa ay sheegeen in waxa ugu horreeya ee ay furaan  ay tahay (Facebook) amma fartoodu qorto marka ay kobuyuutar isticmalayaan ay xarafka “ F”, halka kuwo kalena ay tilmaameen in aanay muddo bil ah adkaysan karin isticmaal la’aanta Facebook.

Cilmi-baadhistan oo la yidhaa  (The 99 Days of Freedom) oo macnaheedu tahay 99 maalmood ee xorriyada, waxa ka qaybgalay oo lagu baadhay 40,000 qof oo lagu qanciyey in ay isku dayaan joojinta isticmaalka facebook, kuwaasoo dadka badankoodu awooddi waayeen in ay joojiyaan isticmaalka Facebook.

“Waxaan joojiyey isticmaalka Facebook markii aan masrhuucan bilawnay, walina kuma noqon. Sida qaar badan oo mashruucan qayb ka ahaa sameeyeen, waxa aan dareemay xorriyad. Xog-ururintayadu waxa ay muujisay in dadka badankoodu ay dareemeen farxad markii ay joojiyeen, halka 25% ka mid ah dadka daraasadu ku socotay sheegeen in ay Facebook joojiyeen, balse inta kael way ku adkaatay.” ayuu yidhi Merjin Straathof oo aasaasay hawlgalka Xorriyada 99 maalmood.

Haddaba, cilmi-baadhistan waxa ka soo baxay astaamo muujinaaya in qofka ay ka muuqdaan ay aad u adag tahay inuu joojiyo facebook;

  1. Haddii aad Facebook u haysato meel lagu kaantaroolo sawiradaada dhibaad ku jirtaa.

Ma darreenta in aad sawiradaada ugu quruxda badan si joogto ah ugu soo bandhigo facebook? Hadday taasi dhacdo waxa hubaal ah in ay adag tahay inaad iska dayso Facebook.

Dadka aadka ula qabatima facebook waxa caado u ah in ay sawiradooda qurxoon, farxadooda iyo arrimo u khaas ah ay ku soo baahiyaan baraha bulshada, gaar ahaan Facebook, taasina ay astaan u ahay in qofkan uu la-qabatimay isticmaalka oo ay adag tahay inuu iska daayo.

  1. Facebook miyaad isticmaasha uun, mise waxa aad isticmaasha baro kale (social Media)?

Dadka inta badan aadka u ayidsan facebook laigii bay isticmalaan, gaar ahaan waxa jira dad badan oo aan aaminsanayn in ay jiraa goobo kale oo la isticmaalo.

Haddaba, dadka isticmaala baro kale oo internetka ah oo dadku ku wada xidhiidhaan sida Twitter way joojin karaan facebook.

  1. Miyaad waligaa ka welweshay inaad la qabatinto Facebook?

Cilmi-badhayaashu waxa ay shegeen in dadka dareema in ay Facebook la qabatimeen ay ku adag tahay in ay iska dayaan.

Jaamacada Cornell University oo daraasadan qayb ka qaadatay ayaa sheegtay in dadka ay xogta ka ururiyeen ay sheegeen qaar badan in gacantoodu ay la qabsatay qorida Facebook amma xarafka ugu horreeya ee “F” sidaa darteedna ay adag tahay in ay joojiyaan.

  1. Ma dareentaa farxad la’aan?

Khubarada daraasada samaysay waxa ay sheegeen in ay ogaadeen in dadka dareema farxad la’aanta marka ay Facebook ka maqnadaan ay adag tahay in ay iska dayaan, iyagoo dadka xogta laga ururiyeyna sheegeen in dad badan oo iska daayey Facebook ay noloshoodu horumar badan samaysay.

  1. Miyaad ka waliga ka welweshay Facebook iyo waxyaabaha kuu khaaska (Privacy)?

Haddii jawaabtaadu tahay “Maya” oo kama welwelo ha ka baqin in aad facebook la qabatinto, sababtoo ah dadka ka welwela facebook waa kuwo wax badan ugu jiraan oo aad ula qabatimay xogo badana ku daabaca facebook.

Mucjisooyinka Calalinta Fooxa (Lubaanku) U Leedahay Caafimaadka Guud Ee Aadamiga

Sida umadihii hore iyo dunidan casrigu isla waafaqsan yihiin, geedka fooxu waxa uu ka mid yahay dhirta, kuwooda ugu wanaagsan, caafimaad ahaan iyo nadaafad ahaana ugu sareeya, waana geedka kaliya ee soo labeeya timirta marka dhinaca nafciga iyo faa’iidada uu aadamiga u leeyahay laga eegayo.

Fooxu dawooyinka iyo waxyaabaha badan ee laga sameeyo ka sakow waxa uu leeyahay, xanjo aad u macaan oo faa’iidooyin tiro badan oo aan la soo koobi Karin laga helo, kuwaas oo toban ka mid ah aynu qormadeenan ku soo qaadan doono.

In kastoo guud ahaan calashiga xanjadu faa’iidooyin badan aadamigu ka helo, haddana xanjada fooxa (Lubaanku), waa mid aan la qiyaasi Karin qiimaha iyo nacfiga tirada badan ee laga helo, kuwaas oo baadhitaano caafimaad iyo daraasado cilmi oo dunida laga sameeyay ka wada marag fureen.

Ka hor inta aynaan u gudo gelin tobanka faa’iido ee xanjada fooxa laga helo, aynu wax yar ka soo qaadano, umadihii hore ee dunidu siyaabihii kala duwanaa ee ay fooxa u isticmaali jireen, gaar ahaan Faraaciintii Masar, oo ka mid ah dadyowga dawooyinka dabiiciga iyo adeegsigooda dunida ku soo kordhiyay.

Sida taariikh yahanadu soo wariyeen, Faraaciinta ayaa fooxa ka sakow uduga iyo nadaafada, u isticmaali jiray oo kale dhiig joojinta, is qurxinta, calool xanuunka iyo dhaymaha, waxa kale oo uu fooxa ay u adeegsan jireen, cuntada oo ay Suyuca iyo inay is badasho ay kaga ilaalin jireen, taas oo ugu jirtay halka dawooyinka in cuntada iyo sharaabku dhacaan lagaga ilaaliyo.

Haddii aynu u soo noqono, mawduuca qormadeena ee Tobanka Faa’iido ee Calashiga Xanjada Fooxu u leedahay aadamiga.

Faa’iidada Koowaad:Fooxa oo la calashado Cuntada ka dib, waxa ay wanaajisaa, nidaamka qaadashada cuntada, waxaanay yaraysaa hamuunta cuntooyinka kale ee sadex wakhti ama xiliyada cunto ee saxda ah ka baxsan. Sida ay cadaysay daraasad Jaamacada Louisiana ee dalka Maraykanku diyaarisay, dadka isticmaala xanjada Fooxa wakhtiyada cuntada ka dib, waxa u saxma hab dhaqameedkooda cunto, oo hamuunta cuntooyinka fudud ee cayilaada iyo baruurta xad dhaafka ah keena ayaa ka yaraata, waxaanu hab dhaqankaasi jidhka ka foogeeysa halista Maadooyinka (Calories) afka qaalad loogu yeedho oo ah, duxda sababta naaxida khaldan ee jidhka.

Faa’iidada Labaad: Xanjada Fooxa oo qofku ugu yaraan saacad si joogta u calashado, waxay firfircooni gelisaa shaqada Maskaxda, waxaanay kordhisaa qaybta xusuusta ee maskaxda, sida daraasado tiro badani cadeeyeen, calashiga xanjadu, wuxuu boqolkiiba % 40 kordhisaa habka wareega dhiiga, taas oo sababta in Maskaxdu hesho Oxygen badan, ka dibna ay shaqadeedu aad u fiicnaato.

Faa’iidada Sadexaad: Calashiga Xanjada Fooxa iyo ta kale ee caadiga ah, labaduba waxay xoojiyaan hab dhiska dheefshiidka jidhka, waxaana inta qofku xanjada calashanayo, dheefshiidku wuu kordhaa, waxa kale oo si wanaagsan u shaqeeya, enzymes-ka caawiya Beerka iyo xamaytida.

Faa’iidada Afraad: isticmaalka Xanjada Fooxu waxay yaraysaa, calool ololka, laab dilaaca iyo xanuunada Midhicirada, sida daraasado tiro badan oo la xidhiidha cunista xanjadu cadeyeen, qof kasta oo cuntada ka dib xanjo ugu yaraan 45-daqiiqo calashada, waxay ka yaraysaa, calool ololka, waxaanay si kama danbaysa ah, u bogsiisaa laab dilaaca iyo xanuuno badan oo midhicirada iyo nidaamka dheefshiidka ku dhaca.

Faa’iidada Shanaad: isticmaalka badan ee xanjadu wuxuu yareeya, debno qalalka, ciriid dhiiga, Qanjaha (Xolqadaha) iyo urta afka, gaar ahaan xanjada fooxu oo leh, dareerayaal wakhti dheer joogto afku uga helo, ayaa aad u yaraysa, ilkaha iyo ciridh dhiiga dad badani ka cawdaan, dhinaca kale waxa si fiican u shaqeeya qanjidhada iyo dhinaca danbe ee carabka iyo hunguriga.

Faa’iidada Lixaad: Calashiga Xanjadu wuxuu yareeya werwarka iyo fikirka badan, waxaanu dejiyaa neerfayaasha intooda badan, sida daraasado tiro badan lagu sheegay calalinta Xanjadu waxay aad u yaraysaa, hormoonada “Cortisol”-ka afka qalaad loogu yeedho, kuwaas oo masuul ka ah ama dhaliya walaaca iyo qulubka.

Faa’iidada Todobaad:Calalinta xanjadu waxay yaraysaa Suuska ilkaha, sida dhakhaatiirta xanuunada ilkuhu cadeeyeena, xanjada fooxu waxay sifaysa ilkaha oo waxay xoojisa quwadooda, ilaa heer gaadhsiisan inay sida miishaarta ama midida afka badani wax u goysoo oo kale inay ka dhigto awoodooda.

Faa’iidada siddeedaad ee isticmaalka xanjada Fooxu leedahay, sida dhakhtaariita dhimirku cadeeyeen, waxay Calalinta Fooxu Maskaxda u fududaysa la dagaalanka dhibaatada “Arums”-ka, oo waxyaabaha xusuustoodu soo noqnoqto, sida erayada heesaha qofku necebyahay, cayda anshax xumada ah ee uu maqlay iyo weedho aanu xusuustooda jeclayn, laakiin xusuustoodu ka bixi waydo maskaxda, waxaana nidaamka khalkhalka ku keena in maskaxdu is ilowsiiso Erayada aanad doonayn, oo Loogu yeedho “Arums”, yareeya Calalinta xanjada ee maalinlaha loo isticmaalo.

Faa’iidada Sagaalaad: Xanjadu waxa ay yaraysaa, madax xanuunka gaar ahaan dhan jafka iyo xumada fudud, ee sida degdeg ah ugu soo booda qofka ama ku soo noqnoqda, kuwaas oo ay uga waxtar badan tahay jidhka dawooyinka kaar jabinta ee halista badan leh.

Faa’iidada Tobnaad: Isticmaalka Lubaanka ama Fooxu waxay aad u yaraysaa, xasaasiyada gaar ahaan nabada Cuncunka iyo Cadanyadu keento, waxa kale oo ay yaraysaa haraadka badan ee dadka Macaanku hayaa dareemaan, waxa kale oo ay kaa caawin kartaa joojinta maandooriyayaasha badankooda gaar ahaan qiijinta Sigaarka, oo xitaa haddii aanad ku talo jirin inaad joojiso, Calalinta Xanjada Fooxu kaa yarayn karto, oo waxay yaraysaa jacaylka Sigaarka.

Sideee Loo Sameeyaa (pancake)

Kafarxi caruurta iyo odayga usamee cunto macaan (pancake)

Jilciso dabiici ah guriga kusameyso timahana kuu qurxineyso

Jilciso dabiici ah guriga kusameyso timahana kuu qurxineyso

Baro Qaab Fudud Oo Aad Timahaaga Ku Dheerayn Karto Muddo Kooban

Labo isbuuc ku dheereey timahaaga kana jooji jajabka iyo qaleylka

Qumanka iyo qufaca iska dabiib si waxtar leh

Qumanka iyo qufaca iska dabiib si waxtar leh

Sida looga joojiyo cunuga naas nuujinta baro kuna dhaqaaq talooyinkaan

Sida looga joojiyo cunuga naas nuujinta baro kuna dhaqaaq talooyinkaan

Safanta ama jeex jeexa cirbaha gala isaga dabiib si dabiici ah

Safanta ama jeex jeexa cirbaha gala isaga dabiib si dabiici ah

Bariis biriyani macaan badan loona sameeyay habka kenyanka usameystaan (biriyani kenyan style)

Bariis biriyani macaan badan loona sameeyay habka kenyanka usameystaan (biriyani kenyan style)

Dildilaaca jirka wuu kaa ba’ayaa hadii aad sidaan sameyso maalin walba

Dildilaaca jirka wuu kaa ba'ayaa hadii aad sidaan sameyso maalin walba

Midba mida kale weeyka daran tahay!!!

Midba mida kale weeyka daran tahay!!!

Carruurta ay dhaleen dadka sigaarka caba oo halis ugu jira cudurro

Dadka waaweyn ee aan sigaarka cabin ayaa ku jira khatar dhimasho oo ka sarreysa sida caadiga ah haddii ay yaraantoodi ku soo ag koreen waalidkood oo sigaarka caba, sida lagu qeexay daraasad laga sameeyay Mareykanka.

Aqoonyahannada sameeyay cilmi baaristan ayaa sheegay in carruurta ay waalidiintood sigaarka ku cabaan agtooda ay inta badan marka ay weynaadaan la kulmaan cudurro uu jirkooda kula soo qabsado yaraanta, kuwaasoo uu sabab u yahay qiiqa sigaarka ee ay neef ahaanta u qaataan.

Cudurradaas ayaa ah kuwo waxyeello baahsan gaarsiiya sambabada carruurta maadaama ay aad daciif u yihiin waqtiga ay ilmaha da’dooda yar tahay.

Saameynta uu qiiqa ku yeesho sambabada ayaa ugu dambeyn isku baddasha xanuunka Cancer-ka oo aan la daaweyn karin.

Waxaa sidoo kale ka abuurma xanuunno dhanka wadnaha ah oo mararka qaar horseeda dhimasho deg deg ah.

Cudurradaas ayaan sida caadiga ah ku dhicin carruurta haddii aysan khatarta noocaas ah la kulmin xilliga ay korayaan, sida lagu xusay daraasadda.

Khubarada ayaa sheegay in habka ugu wanaagsan ee carruurta looga ilaalin karo khatartaas ay tahay in waalidiinta ay iska joojiyaan sigaar cabista.

‘In la fogeeyo sigaarka’

Hazel Cheeseman, oo u ololeysa arrimaha caafimaadka dhallaanka ayaa sheegtay in daraasaddaan ugu dambeysay ay sii kordhineyso walaaca ku aadan halista ka dhalata sigaar cabista.

“Cilmi baaristani waxa ay nagu sii dhiirri galineysaa inaan sii xoojinno ololaha ku aaddan in sigaarka lagu cabo bannaanka si carruurta loo ilaaliyo” ayey tiri.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey intaas ku dartay “Habka ugu wanaagsan ee carruurta lagu difaaci karo waa in waalidiinta ay iska joojiyaan sigaar cabista”.

Halis cimri daa’in ah

Carruurta ay waalidiintood sigaarka cabaan ayaa lagu yaqaannaa in uu ku dhaco cudurka neefta, iyo in ay sambabadooda ay si fiican u shaqeyn waayaan.

Daraasaddaan ayaa muujineysa in saameynta carruurta ka soo gaarta qiiqa sigaarka ay noqoto mid waligood la socota xitaa marka ay dad waaweyn noqdaan.

Cilmi baareyaasha ayaa daraasaddooda ku ogaaday in carruurta oo sigaarka lagu ag cabo ay kordhineyso labo arrimood oo kala ah tirada dhimashada iyo cudurrada ku dhaca sambabada.

Dr Ryan Diver oo ka mid ah dadka qoray warbixintaas ayaa sheegay in daraasaddaan ay tahay tii ugu horreysay ee lagu ogaado halista ballaaran ee ay carruurta kala kulmaan qiiqa sigaarka agtooda lagu cabo.

NASA oo hawada sare u dirtay dayax gacmeed “qorraxda soo taaban doona”

Dayaxgacmeedka oo la yiraahdo parker Solar Probe oo laga tuuray Cape Canaveral, Florida, waxaa tuuray 3 gantaal oo xoog leh oo ah nooca Delta-IV, . Wuxuu noqon doonaa sheygii ugu xawaaraha dheeraa ee ay abid bani’aadanku sameeyaan.

Hay’adda Maraykanka u qaabilsan hawada sare ee NASA ayaa sheegtay inuu qorraxda u jirsan doono masaafo aan waligeed horay loo gaarin.

Tallaabadaan ayaa loo qaaday in baaritaan lagu soo sameeyo sababaha keena qaraxyo inay sameyso qorraxda, sida ay sheegeen saynisyahanno.

Dayax gacmeedkan qorraxda u dhawaanaya ayaa noqon doona sheygii ugu xawaaraha dheeraa ee ay abid bani’aadanku sameeyaan.

Macluumaadka uu soo uruuriyo ayaa la filayaa in lagu ogaado dabeecadaha qorraxda ee muddada dheer la garan la’aa.

Image captionWuxuu baari doonaa qaraxyada ay qorraxdu samayso

Muxuu sameyn doonaa dayax gacmeedka?

Waxa uu dayax gacmeedkaan xawaaraha dheer si toos ah u abbaari doonaa jihada qorraxda, isagoo si qeyrul caadi ahna ugu dhawaan doona.

Dayax gacmeedka ayaa ku sii dul wareegi doona meeraha Venus muddo lix isbuuc ah, waxaana uu safar markii ugu horreysay ah qorraxda ugu sii socon doonaa lix isbuuc oo kale.

Ka dib waxa uu gudaha u sii geli doonaa xeyn daabka qorraxda masaafo dhan ilaa 6.16 malyan km (3.83 million mayl).

Dr Nicky Fox oo ka mid ah saynisyahannada howlgakan fulinaya ayaa BBC-da u sheegtay in masaafada qorraxda loogu dhawaanayo aysan ahayn mid aad ugu sii dhow, balse waxa ay hoosta ka xarriiqday in ay tahay mid aad cajiib u ah.

Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayay intaas ku dartay in arrinta kale ee cajiibka ahna ay tahay sida uu u dhaqso badan yahay xawaaraha dayax gacmeedkan.

Dr Fox ayaa sheegtay in dayax gacmeedka howlgalkaan fulinaya uu saacaddiiba ku soconayo masaafo dhan 690,000km.

Seynisyahanadda ayaa taasna ku cabbirtay haddii safarkani uu ahaan lahaa jawiga dunida in uu la mid noqon lahaa sidii iyadoo muddo hal daqiiqo ka yar loo kala socday magaalooyinka New York iyo Tokyo oo ku kala yaalla dalalka Mareykanka iyo Japan.

Dawooyinkii ay masaaridii hore u adeegsan jireen kaydinta meydadka

Tijaabo lagu sameeyay meyd muddo dheer keydsanaa ayaa lagu ogaaday dawooyinkii rasmiga ahaa ee ay Masaaridii hore u isticmaali jireen in ay meydadka ku keydiyaan, taas oo ahayd markii ugu horreysay ee la isticmaalay

Cilmi baaristan oo loo adeegsaday kiimikooyin xoog badan ayaa lagu fuliyay haraadiga qalfoofta meyd keydsanaa intii u dhaxeysay 3500-3700 ka hor dhalashadii nabi Ciise, waxaana lagu ogaaday nooca ay ahaayeen dawooyinkaas, iyadoo sidoo kalena la xaqiiqsaday in waqtigaas ka hor la sameeyay lana sii isticmaali jiray.

Xubno ka socda Matxafka Masaarida ee uu fadhigiisa yahay magaalada Torino ee dalka Talyaaniga ayaa hadda ku sugan Masar si ay arrintan wax uga ogaadaan.

Macluumaadka la helay ayaa lagu soo daabacay wargeys ka faallooda arrimaha sayniska iyo taariikhda bani’aadamka.

Waxyaabaha meydka lagu dahaaro ayaa asal u ahaa daraasaddanLahaanshaha sawirkaDR STEPHEN BUCKLEY/ UNIVERSITY OF YORK
Image captionWaxyaabaha meydka lagu dahaaro ayaa asal u ahaa daraasaddan

Dr Stephen Buckley, oo ah aqoonyahan ku xeel dheer cilmiga taariikhda bani’aadamka, kana tirsan jaamacadda York ayaa BBC-da u sheegay in haraadiga meydkan tijaabada lagu sameeyay uu sahlay in la fahmo sirta ku saabsan keydinta meydadka ee ay Masaarida isticmaalayeen 4,000 oo sano.

Dr Buckley iyo saaxiibadiisa shaqada ayaa ka shaqeeyay tijaabadan oo lagu abbaarayay “faro laga qaaday” haraadiga meydadka keydsanaa, in kastoo natiijada ay ka soo baxday ilo dhowr ah.

Sidaas awgeed daawooyinka dabiiciga ah ee aasaasiga ah waxay ahaayeen:

  • Saliid – oo loo badinayo in ay tahay saliid macsaro;
  • ubaxyo dhir iyo xididdo;
  • Xabag iyo sokor dabiici ah oo loo maleynayo in laga soo saaray mid ka mid ah geedaha miraha macaan;
  • Dhacaan laga saaray qeybta dhexe ee jirrida geed lagu magacaabo Pine

Markii waxyaabahaas lagu qaso saliidda ayaa la marin jiray meydadka si ay waqti dheer u raagaan iyagoo aan qurmin.

Keydinta meydadka ayaa qeyb ka ah dhaqanka soo jireenka ah ee dadka masaarida, waxaana uu soo jiitay seynisyahannada oo isku howla in ay cilmi baaris ku sameeyaan.

16 gabdhood oo wada shaqeeya oo isku mar wada uuraystay

In uur la yeesho mararka qaar waxay noqon kartaa wax iska sahlan marka la eego isbitaal ku yaalla magaalada Mesa ee Gobolka Arizona, dalka Mareykanka, halkaasoo ay mar qura ka wada shalaynayaan 16 kalkaaliso oo uur leh.

Tiradaas ayaa ah 10% ka mid ah guud ahaan kalkaaliyeyaal ka howlgala qeybta lagula tacaalo bukaanada u baahan adeegyada gurmadka degdega ah ee caafimaadka.

Bukaannada ayaa billaabay in ay gartaan arrintaas, sida ay sheegeen qaar ka mid ah kalkaalisooyinka.

Mar ay shir jaraa’id oo arrintaan ku saabsan qabanayeen ayay haweenka kalkaaliyeyaasha ah ku kaftameen in malaha biyaha ay wax ku jiraan, ama uu jiray qorshe la isla ogyahay oo loogu sii diyaar garoobayay fasax wada jir ah oo loo aado ciidda masiixiyiinta.

Haweeneyda ugu horreysa ee dumarkaas xaamilada ah ayaa la filayaa in ay umusho bisha September halka tan ugu dambeysana la filayo in ay cunugeeda dhasho bisha January.

Rochelle Sherman oo ay hal bil oo kaliya uga harsan tahay in ay umusho ayaa tiri: “Uma maleynayo inaan is ogeyn inaan dhammaanteen uur wada leenahay ilaa inta aan ka sameysannay qol facebook ah.

Jolene Garrow ayaa iyadana uga mahad celisay shaqaalaha kale sida ay ugu caawiyaan howlaha aysan haweeney xaamilo ah sameyn karin – sida la tacaalidda cudurrada la is qaadsiiyo oo ay ka mid yihiin qaaxada iyo cudurrada ku dhaca maqaarka, ama in daawooyinka qaar la siiyo bukaannada qaba cudurka Kansarka.

Shaqaalaha ayaa toddobaadka soo socda si wada jir ah xaflad farxadeed ugu qaban doona dhammaan haweenka kalkaalisooyinka ah ee uurka leh, ka hor inta aysan u bixin fasaxooda dhalmada ee 12-ka toddobaad ah.

‘Afartii qof ee aan jimicsi samayn mid ayaa khatar ku jira’ WHO

Khubarada dhinaca caafimaadka ayaa walaac ka muujisay in wax aad u yar laga qabtay sidii loo yarayn lahaa saameynta ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta ama jimicsiga ku yar dadka ku nool caalamka.

War bixin ay soo saartay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa lagu qiyaasay in afar meelood hal meel oo ka mid ah dadka dunida – oo ah tiro dhan 1.4 bilyan oo ruux aysan samaynin jimicsi ku filan, tiradan ayaana sare u sii kacaysay tan iyo sannadkii 2001-dii.

Qiyaastan ayaa ka dhigan in guud ahaan dadka caalamka afartii qofba mid ka mid ah uu ku jiro halis dhimasho.

Dhaqdhaqaaq la’aanta ayaa sababta in dadka ay soo wajahaan xaalado caafimaad darro sida iney qofka ku dhacaan cudurrada wadnaha, nooca labaad ee cudurka macaanka ama sokorowga iyo noocyo ka mid ah cudurka cancer-ka.

Dalalka uu soo galo dhaqaalaha badan oo uu ka mid yahay Ingiriiska ayey dadkooda yihiin kuwa ugu badan ee aan dhaqdhaqaaqa samaynin.

Sidoo kale haweenka caalamka oo idil ayaa loo aqoonsaday iney yihiin kuwo ka jimicsi yar raga.

Noocyada jimicsiga ee caafimaad-qabka lehLahaanshaha sawirkaPUBLIC HEALTH ENGLAND
Image captionNoocyada jimicsiga ee caafimaad-qabka leh

Walaac aad u weyn

Cilmi baareyaasha hay’adda caafimaadka adduunka ee (WHO) ayaa macluumaadkan ku saleeyay xog laga uruuriyay ilaa 168 waddan oo dadkooda ay si shakhsi ahaan ah uga warramayeen xaaladahooda.

Khubarada ayaa ogaaday in waddamada dhaqaalahoodu sarreeyo, sida ingiriiska iyo Mareykanka, ay shacabkoodu khatarta ugu badan ugu jiraan saameynta ba’an ee ka dhalata dhaqdhaqaaq la’aanta.

Waddamada kale ee safka hore uga jira liiska jimicsi la’aanta waxaa ka mid ah Jarmalka iyo New Zealand.

WHO ayaa sheegtay in jimicsi la’aanta ay hadda noqotay dilaaga cusub ee bani’aadanka, maadaama ay dad fara badan ka dhaxleen cudurro aan la daaweyn Karin.

Waxa ay sidoo kale saameyn ballaaran ku yeelatay wakhtiga uu qofku noolaan karo, waxaana la sheegayaa in ay keeneyso cimri deg deg aad u u heer sarreeya.

Haweenka ayaa si guud uga dhaqdhaqaaq yar ragga marka la eego dhammaan dalalka laga sameeyay daraasaddan.

Hase ahaatee dalalka ku yaalla Bariga iyo Koonfurta-bari ee qaaradda Aasiya ayaa si weyn uga duwan, dhanka dhaqdhaqaaqana uga fiican waddamada kale ee ku yaalla Koonfurta Aasiya, Bartamaha Aasiya, Bariga dhexe iyo Waqooyiga Africa.

.Lahaanshaha sawirka.
Image caption.

Dr Regina Guthold, oo hogaamineysay daraasadda WHO ayaa tiri “Marka laga soo tago khataraha caafimaad ee kale ee adduunka ka jira, wali wax hoos u dhac ah lagama arko dhibaatooyinka ka dhasha dhaqdhaqaaq la’aanta”

“Gobollada uu ku sii kordhayo xaddiga jimicsi la’aanta jirka ayaa nagu abuuraya walaac weyn oo ku aaddan iney soo food saaraan cudurro aan daawo lahayn.”

Dr Fiona Bull, oo iyadana ka mid ah khubarada daraasaddan qortay ayaa sheegtay in caqabado badan lagala kulmayo sidii meesha looga saari lahaa farqiga jimicsi ee u dhaxeeya raga iyo dumarka.

Dr Cali Macow Aweys oo BBC-da ay arrintaan ka wareysatay ayaa sheegay in cudurro fara badan oo halis ah ay ka abuurmaan jimicsi la’aanta.

“looma baahna in ay dadka iska fadhiyaan mar kasta waana in ay cunaan raashin nafaqo leh” ayuu yiri Dr Aweys.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Dhaqdhaqaaq la’aanta waxay sababtaa in aysan murqaha qofka shaqeynin ka dibna waxaa meesha soo gala cudurro halis ah oo ku dhaca kalyaha, beerka, wadna waxaana xitaa ka dhalan kara cudurka Kansarka”.

Dr Macow ayaa intaas ku daray in cudurka Sokorowga uu ka dhasho dhaqdhaqaaq la’aanta, balse dadku aysan intooda badan fahansaneyn.

Talooyin jimicsi oo loogu tala galay dadka ay da’dooda u dhaxeyso 19-64 sano.

  • Isbuucii samee ugu yaraan 150 daqiiqo oo jimicsi fudud ah ama 75 daqiiqo oo jimicsi culus ah.
  • samee jimicsiyo xoog leh oo qaata labo maalmood ama ka badan isbuucii, kuwaasoo kala furfuraya murqaha.
  • Iska jooji fadhiga badan, baddalkiisana gali dhaqdhaqaaqyo sahlan.

Waa maxay Jimicsi fudud?

  • Socodka oo la boobsiiyo.
  • Dabaasha.
  • In baaskiil lagu kaxeeyo dhul siman iyo dhul xoogaa kor u kacsan.
  • Ciyaarta tennis-ka.
  • Buur fuulitaanka.
  • Kubadda kolayga.
  • Iyo noocyada kale ee ciyaaraha fudud.

Maxaa ka mid ah jimicsiyada culus?

  • Rucleynta ama orodka.
  • Dabaasha deg degga ah.
  • In baaskiil loo kexeeyo si xawaare dheer ama in dalcad la saaro.
  • Tennis-ka halka ruux.
  • Kubadda cagta.
  • Kubadda Rugby-ga.
  • Iyo noocyada kale ee ciyaaraha adag.

Dalalka ay dhaqdhaqaaq la’aanta heerka ugu sarreeya ka joogto ayaa kala ah:

  • Kuwait 67%
  • Sacuudiga 53%
  • Ciraaq 52%

Dalalka ugu hooseeya ee dhaqdhaqaaqooda uusan heer xun joogin waxaa ka mid ah:

  • Uganda and Mozambique 6%

Khubarada ayaa dowladaha dalalkaas ku boorriyay iney dadaallo u sameeyaan sidii halistaas wax looga qaban lahaa.

Dr Melody Ding oo ka tirsan jaamacadda Sydney, oo isagu aan daraasaddan ka qeyb qaadannin ayaa sheegay in diiradda la saaray sare u qaadista dhaqaalaha, ayna taasi baddashay hannaanka nolosha.

Dr Mike Brannan oo hogaamiya hay’adaha u dhaqdhaqaaqa jimicsiga dadweynaha ee dalka Ingiriiska ayaa isagana ka dhawaajiyay in natiijada laga soo saaray daraasaddan ay muujineyso sida loogu jiro khatarta.

Meere astaamo dhulka la mid ah leh oo la ogaaday

Daraasadooda ayey ku ogaadeen in meerahaas uu ku gadaaman yahay dahaar ka samaysan gaasas noqon kara inay yihiin uumi ama maaddada Methane, ama labadaba, waxaana lagu soo bandhigay majalladda the Astronomical Journal.

Waxay daraasad ku sameeyeen duni kale oo loo yaqaanno GJ 1132b, taasoo 1.4 goor ka weyn dhulka, noona jirta fogaan ah 39 sannad-iftiin.

Sannad-iftiin (light year) ayaa ah halbeeg lagu qiyaaso masaafada uu sannadkii iftiinku jari karo marka uu dhex socdo meel maran, wuxuuna halkii sannad-iftiin la mid yahay 9.5 trilyan oo KM.

Daraasadooda ayey ku ogaadeen in meerahaas uu ku gadaaman yahay dahaar ka samaysan gaasas noqon kara inay yihiin uumi ama maaddada Methane, ama labadaba, waxaana lagu soo bandhigay majalladda the Astronomical Journal.

Talaabadan ayaa loo arkaa horumar laga sameeyey baadigoobka loogu jiro in la helo noole ku nool meelo ka baxsan koonkan, iyo in wax laga ogaan karo jawiga meerayaasha, waxaase la sheegayaa in meerahaas uusan noqon karin meel nololi ka jiri karto, maadaama heerkulkiisa uu yahay 370 C.

Dumarka ilmaha lagu qalo oo laga deyriyey

Saynisyahanno ayaa sheegaya in joogteynta qallinka dumarka lagu sameeyo marka ay dhalayaan ay cawaaqib ku yeelanayso horumarka uu jirka bani aadmigu sameeyo.

Waxay qiyaas ku bixiyeen in kiisaska ku saabsan carruurta aan makaanka si habboon uga soo bixi karin, maaddaama miskaha hooyada ay ciriiri yihiin, ay sare u kaceen min 30 kunkiiba sannadihii lixdameeyadii, ilaa 36 kunkiiba wakhti xaadirkan.

Su’aasha ay saynisyahannadu is weydiinayeen muddo dheer ayaa ah sababta aysan miskaha dumarku wakhtiga intaa le’eg u korin. Arrintaas ayaa lala xiriirinayaa ayadoo hooyooyinku ay hidde-sidayaashooda u gudbiyaan gabdhaha ay dhalaan, jiilba jiil, ayadoo dhinaca kalena carruurta dhalata marba marka ka dambaysa ay noqonayaan kuwo kobocsan oo caafimaad qaba.

Is le’ekaansho la’aantaas ayaa la leeyahay waxay sababtaa in dumarka qaar ay door bidaan in ilmaha lagu qalo ayagoo ka cabsi qaba inay umul raacdaan, oo ilmuhuna ku dilmaan.

Laakin cilmi baareyaal ku sugan jaamacadda Vienna waxay ka dardaar werinayaan in xaaladdu haddii ay sidas ku sii socoto ay yaraan doonto tirada dumarka sida caadiga ah u foosha.

Caajiskaa Wax-Akhriska

Ku soo dhowaada barrnaamijkii “dhibtaada ila wadaag” ee ay soo diyaariso Dr. Hibaaq Bubaal, qeybtaan ay Dr Hibaq nagula wadaaagaayaa taalooyin ku saabsan caajiska wax-akhriska.

Wixi fikrad ah noogu soo dir Email:hibaaqbubal4777@gmail.com

Daawasho wacaan:

The post Caajiskaa Wax-Akhriska appeared first on Daryeel Magazin.

Lacagta Dunida Taala Dhamaanteed Hadii La Qaybiyo Imisa Ayaa Kugu Soo Hagaagi Lahayd

Qof kasta oo innaga mid ahi waa uu ogyahay in xaaladaha dhaqaale ee dalalka iyo xitaa qofafka adduunkan ku nooli aad u kala duwan yihiin. Kuwo figta ugu sarraysa ee maalqabeennimada taagan, tiro aan yarayn oo lagu xisaabiyo in ay lacag fiican haystaan, iyo tiro aad u badan oo ay dad dhulyaal ah.

Sida oo kale waxaa la ogyahay xaddiga lacageed ee qof kasta oo maalqabeen ahi leeyahay, ama raasamaalka ku jira shirkadaha waaweyn ee ganacsiga. Laakiin waxaa laga yaabaa in aynaan weligeen isba weydiin, wadarta lacagta guud ee adduunka oo dhan taalla.

Su’aashaas jawaabteeda waxaa inoo haysa Shabaadda wararka ee Alcarabiya, oo warbixin ay dhowaan baahisay ku sheegtay qodobbo aad u muhiim ah oo arrintaas la xidhiidha.

Warbixintu waxa ay sheegtay in lacagta adduunka dushiisa lagu isticmaalo nooc kasta iyo magac kasta oo ay sidato, marka la isku daro ay noqonayo lacag u dhiganta 60 Tirilyan oo doolarka Maraykanka ah. Wadarta guud ee dadka adduunyada ku nool marka la isku darana waxaa lagu qiyaasaa 8 Bilyan oo ruux. a guud marka la isku darana waxaa lagu qiyaasaa.

Waxaa laga yaabaa in maskaxdaada ay ku soo dhacdo, ‘Taloow, haddii lacagta adduunka taal oo dhan la isku daro, oo dadka dunida oo dhan si siman loogu qaybiyo side ay xaaladdu noqon lahayd?’ isla su’aashaas waxaa ka jawaabaya warbixinta Alcarabiya, oo qalinka u qaadatay in a yisu qaybiso dadka dunida ku nool iyo hantida dulsaaran waxa aana soo baxay, in qof kastaa uu heli lahaa 7’500 (Toddba kun iyo shan boqo) oo doolarka Maraykanka ah. Taas macnaheedu waa in aanay jiri lahaynba cid Bilyan dheer ah oo dunidan joogaa. Haddii uu qof dadka dunida ka mid ahi doono in uu Hal Milyan helana, waxaa qasab noqonaysa in uu lacagta ka urursado dadka kale, waxa aanu faqiir dhulyaal ah ka dhigi doonaa qiyaas 133 ruux ah.

Qof Caawi Hadii Aad Rabto Farxad Abadan Ah Hadii Kalana Ururso Lacag

Waxaa jira halkudheg afka Shiinaha ku jira oo yidhaahda, “Haddii aad doonayso farxad saacad ah ah, qadada kaddib seex. Haddi iaad doonayso mid maalin dhan ahna kalluumaysi u bax. Haddii aad raadinayso farxad sannad ah, waxa aad u baahan tahay lacag, laakiin haddii aad doonayso mid noloshaada oo dhan ah, qof caawi”

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa daahfurtay in qofka oo caawiya dadka kale ay u noqoto dawo ka yaraysa walbahaarka iyo warwarka, sababna u noqonayso farxad.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Pittsburgh ee Maraykan ayaa ogaaday in taageeridda iyo u gargaaridda dadka kale ay keento acsaabta oo degta iyo qofka oo firfircooni dheeraad ah dareema, taas oo xoojinaysa caafimaadka guud ee qofka. Khubarada oo ka hadlayey sababta ay arrintani ku imanayso ayaa sheegay in mar kasta oo uu qofku caawiyo qof kale in ay firfircooni geliso maskaxda qaybteeda la xidhiidha dareenka waalidnimada. Sida oo kalana ay yarayso hormoonnada kor u kiciya warwarka iyo diiqadda.

Tijaabo arrintan la xidhiidha oo ay cilmibaadhayaashu sameeyeen ayaa muujisay, qofku marka uu sadaqad bixiyo ama qof baahan uu si uun u caawiyo in uu nafsad ahaan dareemo sida ruux culays saaran iska riday iyo in uu bulshadiisa aad ugu xidhanyahay.

Cilmibaadhis kale ayaa iyaduna taageertay isla natiijadaas hore, waxa aanay tilmaamtay in caawimada tooska ah ee aad dadka kale tartaa ay kaa yaraynayso heerka cabsida iyo sakatiga nafsiga ah, isla markaana ay qofka ku beerto dareen togan oo xoog badan.

Baadhis ay isla arrintan ku samaysay jaamacadda Oxford ayaa daahfurtay in qofka oo samafal iyo hawlo wanaagsan ku kaca, sida in uu caawiyo hay’adaha samafalka, ay qofka ku abuurto dareen farxadeed.

“Raadka ay hawlahani kugu yeelanayaan, waa uu yar yahay, noloshaada caadiga ahna kaa duwi maayaan, laakiin waxaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in noloshaadu ay jihada saxda ah u socoto” sidaa waxaa yidhi cilmibaadhe D. Scott Koori, oo daraasaddan samaynteeda ka qayb qaatay.

Cuntooyinka Qasacadaysan Iyo Ta Shiilan Oo Keena Dhiigkar, Wadne Xanuun iyo Caafimaad Darooyin Kale

Cilmibaadhis caafimaad oo dalka Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in cuntooyinka shiilan sida quraaca iyo saambuusaha ama cuntooyinka warshadaysani ay keenaan dhiigga oo kaca. Cilmibaadhayaasha oo ka tirsanaa maxadka caafimaad qaranka ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in nidaamka cunto uu ka mid yahay arrimaha saamaynta ku leh khatarta ah dhiigkarka.

Cilmibaadhistan waxaa lagu faafiyey Warsidaha caafimaadka ee ‘Journal of American Medical Association’ ayaa sheegaysa in cuntooyinka shiilan, cuntada warshadaysan iyo cabbitaannada sonkortu ku badan tahay ay dhammaantood dhiigga kiciyaan, gaar ahaan marka uu qofku dhiigkarka leeyahay.

Hilibka warshadaysan waxaa inta badan lagu daraa dawooyin iyo maaddooyin suurtageliya in cimrigiisu uu dheeraado, waxa kale oo ay ku daraan milix iyo maaddooyin ka ilaaliya in uu isbeddel ku dhaco dhadhanka iyo midabka. Halka marmarka qaarkoodna ay warshaduhu cuntooyinkan u isticmaalaan maaddooyin dhadhanka wanaajinaya. Haddaba waxa ay khubaradu sheegayaan in maaddooyinkani ay sababaan dhibaatooyin caafimaad darro oo tiro badan. Dhibaatada ay keenaanna ay ka mid tahay, dhiigkarka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca.

Waxa ay daraasaddu ku Talisay in sida ugu habboon ee dhiigkarka lagaga hortegi karaa ay tahay in qofku uu miisaanka badan iska ilaaliyo iyo in uu si aad ah uga fikiro nidaamkiisa cunto, oo tusaale ahaan aanu isticmaalin cuntooyinka shiilan, cuntada qasacadaysan sida, kalluunnada, hilbaha xayawaannada kale iyo xitaa cuntooyinka noocyadooda kii ay yihiinba. Sida oo kalana aanay isticmaalin cabbitaannada ay biyuhu ku badan yihiin.

Ma Taqaanaa Xiliga Gabadha Yari Ka Hinaasto Xidhiidhka Hooyadeed Iyo Aabaheed

ida ay aalaaba waalidiinta hablaha dhashay ka warqabaan, xilliga koritaanka waxa ay habluhu maraan marxalad ay aabahood aad u jeclaadaan, kana hinaasaan xidhiidhka ay hooyadood la leedahay aabaha, haddii ay ka dareemaan in hooyadu ay aabaha aad ugu dhowdahay ama aabuhu ka agdhowaado mar kasta. Xaaladdan oo afka cilminafsiga lagu yidhaahdo, Cuqdadda Electra (Electra Complex) waxaa markii ugu horreysay ereybixinteeda sameeyey caalimkii cilminafsiga ee Sigmund Freud oo sheegay in inanta yari ay hooyadeed kula jirto tartan adag oo xidhiidhka iy oku dhowaanshiyaha aabaha ah.

Cuqdaddani waxa ay macne ahaan la mid tahay, ficil ahaanan ku liddi tahay cuqdadda kale ee ‘Oedipus Complex’ oo uu isla caalimkan Sigmund Freud falkiyey. Kana hadlaysa jacaylka uu wiilka yari u qaado hooyadii, iskuna dayo in uu aabaha ka difaaco.

Inantu bilowga hore ee koritaankeeda waxa ay jeceshay hooyada, laakiin marka ay inyar jirto waxa ay gaadhaa marxalad ay jacayl xad dhaaf ah u qaaddo aabaha, aadna uga cadhooto hooyadeed, iyada oo u arkaysa in hooyadu ay kula jirto loollan dhinaca xidhiidhka aabaha ah, ama dareemaysa in wax badan oo ay iyadu aabaha ka heli lahayd ay ku waayeyso xidhiidhka aabaha iyo hooyada awgii.

Cuqdadda Electra waa xaalad nafsiyadeed oo maskaxda inanta yari si aan ku talagal ahayn ugu dhegeyso jacayl ay u qabto aabaheed, kana hinaasayso hooyada, oo ay xitaa mararka qaarkood nacdo maadaama oo ay ka shakisan tahay in jacaylka aabaha ay ku cidhiidhido. Waxa ay ku dadaashaa in ay mar kasta ku dhowaato aabaheed, haddii ay si uun u aragto hooyada oo aabaha ku dhow ama si dabacsan ay u wadahadlayaan ama uu waxtarayana waxa ay markaba qaaddaa hinaase kulul, waxa aanay aamintaa in hooyaduba ay tahay caqabad ka hortaagan aabaheed. Sidaa awgeed waxa ay ku dadaashaa in ay hooyada ka fogeysa aabaha.

Sida la fahmi karo inanta yari kuma guulaysan karto in ay kala fogeyso hooyada iyo aabaha, laakiin arrinta xiisaha gaarka ah leh ayaa ah, in marka ay aragto in aanay kala fogeyn karayn aabaha iyo hooyada, ay bilowdo in ay isu ekeysiiso hooyadeed, kuna dadaasho in ay raacdo caadooyinka hooyadeed iyo guud ahaanba habdhaqankeeda, iyada oo aaminsan in sababta aabuhu uu hooyadeed ugu dhowyahay ay tahay habdhaqankaas iyo caaddooyinkaas, haddii ay iyadu yeelatana uu ka soo jeesan doono.

Inkasta oo Sigmond Freud loo aqoonsaday in uu bixiyey ereybixinta ‘Cuqdadda Electra’ haddana waxaa jiray caalim lagu magacaabi jiray Carl Jung oo uga horreeyey fahamka iyo helitaanka cilmigan. Carl Jung oo ku xeeldheeraa caafimaadka dhimirka ayaa sannadkii 1913 kii, waxa uu soo bandhigay xaaladdan ah cuqdadda ay inanta yari ka qaadayso xidhiidhka ay hooyadeed la leedahay aabaheed, iyada oo moodaysa in ay taasi wax u dhimayso jacaylkii uu aabuhu u hayey iyo ku dhowaanshiyihii uu qalbigiisu xaggeeda ku dhowaan lahaa.

Ereyga ‘Electra’ waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa sheekobaraleydii Giriiggii hore.

Marxaladaha korniinka ee uu ilmuhu waxaa ka mid ah marxaladda saddexaad oo afka ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Phallic Stage’ waana da’da saddex sano jirka illaa lix jirka oo ah marka uu ilmaha korniinkiisa dhinaca jinsiga ahi bilowdo. Sida oo kalana ay kala bartaan kala duwanaanshiyaha labka iyo dhedigga, ama wiilka iyo gabadha.

Carl Jung markii uu bixinayey ereybixintan waxa uu ka tusaale qaadanayey mid ka mid ah sheekabaraleyda Giriiggii hore, oo sheegaysay in gabadh lagu magacaabo Electra ay walaalkeed ka doontay in uu dilo hooyadood, kaddib markii ay hooyadood dishay aabahood.

Gabadh Giriiggii hore ka mid ah oo lagu magacaabo Electra ayaa qorshaysay mu’aamarad aargoosi ahayd oo uu walaalkeeda Orestes ku kharaajiyey Agamemnon oo hooyadood ah iyo oday ay islaantu u dhaxday geeridii aabahood kaddib oo lagu magacaabi jiray Aegisthus. Hooyadood iyo ninkan ay u dhaxday ayaa dilay aabahood, sidaa awgeed ayaa ay u go’aansata in ay hooyadood iyo ninkaba disho. Sigmund Freud iyo saynisyahanka ka horreeyey ee Carl Jung iyaga oo ka duulaya qisadaas ay Electra ku dishay hooyadeed ayaa ay xaaladdan nafsiga ah ugu magacdareen.

Dawlad U Ogolaatay Dumarkeeda Inay Xilalka Wasiirnimo Isku Soo Sharaxi Karaan

Xafiiska raysalwasaaraha la magacaabay ee dalka Ciraaq Caadil Cabdi Almahdi ayaa ku dhawaaqay in xilalka wasiirnimo ee xukuumaddiisu ay noqon doonaan kuwo la isu soo sharraxo. Xafiiska raysalwasaaraha ayaa daahfuray bog internet ka ah oo muwaadiniinta fursad u siinaya in ay muddo laba maalmood gudaheeda ah ku soo gudbiyaan codsiyadooda murashaxnimada xilalka wasiirnimada.

Warmurtiyeed uu xafiiska raysalwasaaruhu kaga hadlay tallaabadan uu nooceedu dhifta yahay, ayaa uu ku yidhi, “Cabdilmahdi waxa uu amray in dhammaan xilalka u sarreeya xukuumaddiisu ay noqdaan kuwo ay muwaadiniintu rag iyo dumarba si furan isugu soo sharraxaan, si waafaqsan shuruudaha iyo habraacyada ku cad dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka” warmurtiyeedku waxa uu intaas ku daray in waraaqaha codsiga murashaxnimada la soo marin doono bogga internet ka laga sameeyey, maalmaha salaadada arbacada iyo khamiista maanta.

Madaxweynaha dhowaan la doortay ee dalka Ciraaq Barham Saalix, ayaa horraantii toddobaadkan xilka raysalwasaaraha u magacaabay  Caadil Cabdilmahdi, waxa aanu faray in uu dhismaah xukuumaddiisa ku soo dhammaystiro waqtiga uu dastuurku u xaddiday oo ku eeg bisha noofambar ee foodda innagu soo haysa.

Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Xaydar Alcabaadi ayaa isaguna sidan oo kale mar sameeyey daaqad Internet ka ah oo ay iska diiwaangelin karaan murashaxiinta xisbigii uu markaa sameeyey uga qaybgelaysay doorashada baarlamaanka.

Ma Taqaanaa Wadankii Madaxwaynahooga Jarjaray Dabadeed Hilibkiisii Cunay

Sannadkii 1653 kii, Johan De Witt oo u dhashay dalka Holland ayaa loo igmaday in uu noqdo hawglgabka ugu weyn dalka Holland. Kaas oo ahaa xil u dhigma xilka imika loo yaqaanno raysalwasaaraha.

Ereyga aynu afsoomaaligiisa ka dhignay, ‘Hawlgabka ugu weyn’ oo afka dalka Holland ku noqonaya ‘Raadspensionaris’ waxa uu ahaa magac xilka ugu sarreeya xukuumadda, oo hadda u dhigma raysalwasaaraha. Sababta hawlgabka loogu bixiyey ma cadda, waxa se ay u dhowdahay in looga jeeday uun in uu yahay ninka ugu sarreeya shaqaalaha dawladda oo dabcan xuquuq hawlgab ama mushahar ku yeelanaya dawladda.

Johan De Witt isaga oo 28 sano jir ah ayaa uu qabtay xilkan oo ahaa kan ugu sarreeya dalka, sidaa awgeed dadka reer Holland waxa ay u arkayeen wiil dhalinyaro ah oo himilo fog leh, waxa aanay ka filayeen in uu ku hoggaamin doono mustaqbal siyaasadeed oo hiraya, iyo dawladnimo dalka geyeysiisa guulo waaweyn. Rajadaa ay ka qabeen hoggaamintiisa ayaana ahayd sababta ay saddex jeer oo is xiga ugu doorteen in uu noqdo, ‘Hawlgabka ugu weyn dalka’.

Johan De Witt (Magaca koowaad waxaa loo akhriyaa Yoohaan), waxa uu ka dhashay qoys caan ku ah siyaasadda, waxa aana ka mid ahaa aabihii oo mar ahaa duqa magaalada Dordrecht. Qoyska uu ka soo jeedo awgii iyo xilka muhiimka ah ee uu aabihii hayey ayaa u fududeeyey in uu waxbarashada meel fiican ka gaadho, gaar ahaan dhinaca xisaabaadka oo uu illaa carruurnimadiisii si gaar ah u baranayey, waana sababta uu markii dambe u fududaysay in uu maamulo arrimaha dhaqaalaha ee dalkiisa.

Guulihii uu gaadhay

Johan De Witt waxa uu ku guulaystay in hal sano markii uu xilka hayey 1653 kii uu soo afjaro dagaalkii adkaa ee waqtigaas u dhexeeyey Holland iyo Ingiriiska, colaaddaas uu dhammeeyey oo uu kula baxay naanaysta ah, ‘Diblumaasigii ruugcaddaaga ahaa, ama diblumaasigii fariidka ahaa’.

Johan De Witt waxa uu xilka ‘Hawlgabka ugu weyn’ qabtay xilli ay taariikhda dalka Holland u taqaanno, ‘Casrigii dahabiga ahaa’ oo lagu tiriyo in uu dalkani ka mid yahay dalalka ‘Quwadda caalamka’ ahaa markaas. Waxa uu dalku gumaysanayey dhul aad u ballaadhan oo qaaradaha Ameerika iyo Aasiya ka mid ah. Waxaa jira dhaqdhaqaaq ganacsi oo aan hore loo arag, kaas oo nooleeyey dekedaha Holland oo ay maalin kasta ka soo degi jireen badeecado ay ka mid yihiin Dahabka, Xawaashyada iyo Xariirta oo ay shirkad lagu magacaabi jiray, ‘Shirkadda Hindiyada Bari’ oo dalka Holland laga lahaa ka keeni jirtay daafaha dunida.

Colaado iyo loollanno siyaasi ah oo u dhexeeyey Ingiriiska

Horumarkaas ballaadhan ee dalka Holland ka jiray, waxaa garab socday xaalad loollan siyaasadeed iyo colaado ah oo dalku ku jiray, gaar ahaan dagaalladii u dhexeeyey dalka Ingiriiska. Dhinaca kalana waxaa iska haystay ganacsatada oo awood badan dalka ku lahayd iyo siyaasiyiintii Jamhuuriyiinta loogu yeedhi jiray ee doonayey in dalka nidaam jamhuuri ah lagu dhaqo oo isku dhinac ahaa iyo dhinaca kale oo ay ka soo jeedeen siyaasiyiintii iyo awooddii la jirtay fikirka ahaa in dalka lagu dhaqo nidaam boqortooyo. Waxa aanay si gaar ah u taageersanaayeen in talada loo dhiibo tafiirta Nassau, oo ahaa qoys talada Holland iyo guud ahaan qaaradda Yurub saamayn ku lahaa.

Dhammaadkii Johan

Inkasta oo uu Johan ahaa ninkaas hawlaha badan ee fiican dalkiisa ka qabtay, haddana waxaa jiray qawad badan oo ay dadku ka qabaan inta uu qabtay, maadaama oo ay marka hore ka filayeen waxqabad iyo horumar intaas aad uga weyn, waxa kale oo iyaduna xoogaysatay colaaddii ka soo horjeedday Johan, illaa ugu dambayntii uu dalka ka dhacay gadood la doonayo in uu xilka kaga dego.

Maalin ka mid ah maalmaha uu gadoodka aadka u weyni socday, ayaa dad aad u tiro badan oo dibadbaxayey ay ku guulaysteen in ay weeraraan Johan De Witt oo kormeerayey xabsi ku yaallay magaalada Lahai, cabbaar iska caabbin ay samaysay ilaaladii hoggaamiyuhu kaddibna, dadkan oo hirar ahaa waxa ay ku guulaysteen in ay gacanta ku dhigaan Johan De Witt iyo walaalkii, inta ay soo jiideen ayaa ay la yimaaddeen mid ka mid ah fagaarayaasha waaweyn ee magaalada. Kaddib garaac arxandarro ah ayaa ay ku bilaabeen, ugu dambayntiina hoggaamiyaha iyo walaalkii oo aan waxba ku noolayn ayaa ay toogteen, maydkoodiina soo sudheen tiir dheer oo goobta ku yaallay. Dadkan aadka u cadhaysnaa intaas kagama ay tegin hoggaamiyaha, balse badhkood waxa ay googoosteen hilbihii Johan De Witt, oo ay cuneen.

WhatsApp chat