Category Archives: Caafimaadka

Cunooyin Dabiiciya oo aad kula dagaalamayso Subaga Jidhka kuwaas oo aad ka helayso deeganka kugu xeeran

Waxaa jira cuntooyin badan oo aad isticmaasho ku waas oo aan ka qaybqaadan dhaqdhaqaaqa jismiyeed ama dheelitirka Maadooyinka Jidhku u baahanyahay, Hadaba Dadka qaar ayaa hela Cunooyinka Saxda ah ee ka qaybqaata Dheelitirka saxda ah ee lagu ilaalin karo miisaanka Jidhka.
Masahlana inaad fahanto waxyaabaha mihiimka ah ee ay u baahanyihiin unugyada jidhkaagu kuwaas oo ay kala duwanyihiin xadiyada jidhku ubaahanyahay

Cabidda Shaaha badan ma laga qaadaa dhiigyari?

Soomaali badan ayaa aaminsan in shaaha laga qaado dhiig yari, qaar kalane waxay aaminsan tahay in shaaha uu dhiigga kordhiyo, sidaas darteed, waxaan qoraalkaan ugu kala gar qaadaynaa labadaas koox.

Agab Maalinle Loo Isticmaalo Oo Ka Qayb Qaata Faafitaanka Jooniska Cadka Noocyadiisa B Iyo C –

Qormadan oo lagu baahiyey shabakadda Al-Carabiya waxa ay soo bandhigaysaa agab maalin si shakhsi ah qofku ugu isticmaalo oo haddii la wada isticmaalo keeni kara in la kala qaado xanuunnada, gaar ahaan noocyada jooniska ee beerka ku dhaca oo aad ugu soo badanaya guud ahaan dunida iyo gaar ahaan dalkeenna.

Maydhashada Badan Oo Laga Digay In Ay Caafimaadka Maqaarka Waxyeellayn Karto

Dad badan ayaa ay dhaqan u tahay in ay maalin kasta hal mar maydhaan jidhka oo dhan subaxdii ama gelinka dambe, iyaga oo aaminsan in maydhashada badani u fiican tahay caafimaadka, laakiin xeeldheerayaasha caafimaadku maydhashada waxa ay ka qabaan fikir kaas ka duwan, oo ku bilaabanaya in maydhashadu ay wax ka tari karto urta iyo dhididka jidhka oo ay tirtirto, nadaafadda jidhka oo wanaajisa muuqaalka guud ee qofka iyo sidoo kale in ay jidhka ku abuurto firfircooni dheeraad ah, laakiin caafimaadka haddii laga hadlayo, dhibaatada ay u geysataa ay ka badan tahay samaanta laga filan karo.

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Ay Sababto Hurdo Yaraantu

Waxa jira dhibaatooyin badan oo ay sababto hurdo la’aanta ama hurdo yaraantu. Sida in qofku uu dareemo deganaan la’aan iyo in uu qofku dareemo daal badan oo aanay xubnihiisa jidhku si fiican u shaqaynin.

Faa’iidada Basasha Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagga Iyo Daawada U Tahay

Guud ahaan isticmaalka khudaarta kala duwan, waxa la rumaysan yahay inay hoos u dhigaan khataraha caafimaad ee tirada badan ee la xidhiidha is-bedelada nolosha ee sababa xaaladaha saameeya caafimaadka aadamaha.

Wax Ka Ogow Saliid Saytuunta Iyo Faa’iidooyinka Ay U Leedahay Caafimaadka

Saliid Saytuunta ayaa dhaqan ahaan muddooyin badan loo isticmaali jiray in lagu yareeyo subagga dhiiga raaca ee loo yaqaan Cholesterol-ka, Xumadda, Wadne xanuunka iyo cudurro badan oo halis ah.

Wax Ka Baro 7 Faa’iido Oo Uu Caafimaadka U Leeyahay Soonku

Waxa jira cilmi-baadhisyo badan oo laga sameeyay Soonka iyo faa’iidooyinkiisa uu u leeyahay jidhka bani’aadamka.
Caadiyan Soonka maalmaha kala fog uu qofku soomo, xilliga aan lagu jirin Ramadaanta ayaa caafimaad ahaan la cadeeyay inay ka hortag iyo dawaba u yihiin xanuunno badan oo aan dawo lahayn, isla markaana kusoo badanaya adduunka waqtigan casriga ah.

Wax Ka Ogow Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Ay Sababaan Cuntooyinka Fudud (Junk Foods)

Sida la wada ogyahay cuntooyinka fudud ee warshadaysan (Junk foods) guud ahaan uma wanaagsana caafimaadka qofka, laakiin haddana way adag tahay inuu qofku iska kaantaroolo isticmaalkooda, maxaa yeelay shirkadaha soo sameeya ayaa ku dedaala inay dhadhan wanaagsan u yeelaan, waxaanay ku badiyaan dhanaanka iyo macaanka oo ah dhadhamada ay naftu jeceshahay.

13 Faa’iido Oo Ay Caafimaadka Bani’aadamka U Leedahay Liin Macaantu

Waxaa lagu Cadeeyey Daraasado Caafimaad oo badan in liin macaantu ka midka tahay khudaarta ugu Faaidada badan marka la eegayo Xaga caafimaadka iyadoo ka difaacda cudurada Waxyeeli kara Wadnaha, Beerka. waxaan qormadan ku soo ururiney Waxyaabaha ugu mihiimsan ee Liin Macaantu Difaacdo ama ka hortagto oo qodobaysan

Dawada Hurdo Xumadu waa inaad Hareer seexato Lamaanahaaga, Hurdada duhurkiina haday kabadato 40mnt waxay keentaa cuduro

Culimo isugu jira Maraykan iyo Turki ayaa cilmibaadhis ay sameeyeen ku ogaaday mid ka mid ah hababka ay suurtogal tahay in uu qofku kaga dheeraado hurdo la’aanta iyo ama hurdo xumada iyo hurdo yaraanta. Natiijada daraasaddan uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay oo lagu baahiyey Majaladda arrimaha cilmiga ka faalloota ee Social Persoality and Psychological Science ayaa ay xeeldheerayaashu ku sheegeen in; Qofka oo habeenkii hareer seexda lammaanihiisa (Xaaskiisa/Saygeeda) oo ah qof naxariis iyo kalgacayl badan uu seexdo hurdo dheer oo weliba laga yaabo in aanu baraarug kala googoyn.

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Uu Sababo Sharaabka Soodhaha Lihi

Dabcan ma ogid sharaabka nooca Coke iyo Pepsi inay yihiin astaanta ugu weyn cabitaanka Soodhaha leh. Waxaanu idin la wadaagi doonaa qodob muhiim ah oo muujiyay dhibaatada caafimaad ee ay leeyihiin labadaas nooc sharaabka ah ee aynu kor kusoo xusnay.

Maxaad ka Taqaan waxyaabaha ugu Badan ee Kalyahaaga waxyeeli kara ?

Kalyuhu waa Xubnaha Ugu mihiimsan Jidkhka Binu Aadamka, Shaqadooduna waa ka saaraan wasakhda iyo waxyaabaha aan loobaahneyn jidhka iyagoo ka dhigaya Kaadi sidoo kale Waxay ilaaliyaan Xadiga Macdanaha, sida kaalshiyamta (Calcium) iyo Milixda (Phosphate).

Maxaad ka taqaan Faa’idooyinka Caafimaad ee Lawska ?

Aqoonyahanada Caafimaadka ayaa sheegay in qofku u baahanyahay 60 gm oo laws ah, sababtuna waxay noqotay in lawsku ka difaaco jidhka cuduro badan oo halis ah. Culimada Caafimaadka ayaa sheegaya in Lawsku difaac ka noqon karo Wadna Xanuunka,Cudurka Sonkorta iyo cudurada waxyeela Halbawlayaasha wateega dhiiga

Adigoon Kiimika Marin Ma ogtahay inaad Timahaaga jiclin karto, dhalaalin karto ?

waxaan ognahay in timuhu ay ka qayb qaataan quruxda, sidaa daraadeed waxaa jira habab badan oo loo qurxiyo Timaha, intii ka horeysay Cilmi baadhisyo lagu daaf furay faaidada waxyaabaha dabiiciga ah, waxaa la isticmaali jirey waxyaabo kiimikooyin ah oo mararka qaar halis ku ah caafimaadka timaha.

10 Jimicsi oo Qofka Caadeysta ka Ilaalinaya Wajigiisa Coodhcoodhka iyo Calamadaha Gabowga

Wejiga bani’aadamku waxa uu ka kooban yahay 44 muruq oo ka shaqeeya cabbirista shucuurta qofka ee kala duwan iyo guud ahaanba qaabka wejiga. Haddii muruqyadaasi ay ahaadaan kuwo mar kasta giijisan waxa ay keenaan in maqaarka qofku giijisnaado, muuqaal dhalinyaronimana yeesho. Haddaba waxa ay xeeldheerayaasha isqurxintu sheegayaan in uu jiro jimicsi fudud oo haddii qofku uu caadaysto in mar uun maalintii ka mid ah toban daqiiqo sameeyo uu ka heli doono faa’ido weyn oo ah in coodh-coodhka iyo calaamadaha gabowga ee maqaarka ka muuqdaa aanay ku soo degdegin, qormadan oo ay Baahisay shabakadda wararka ee caanka ah ee Alcarabiya ayaa jimicsiyadaas ku soo koobtay tobanka nooc 

Daawo: Muuqaal Shaki Galiyey Caafimaadka Hellary Clinton oo Warbaahintu Inbadan Qaadaa Dhigaysay

Waxaa maalmihii u dambeeyey lagu arkayey warbaahinta reer galbeedka gaar ahaan kuwa la dhacsan siyaasadaha xisbiga jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka cajalad fiidyow ah oo muujinaya murashaxadda madaxweynenimada Maraykanka ee xisbiga Dimuqraaddiga Hillary Clinton oo ku kacaysa xarakaad yaab leh oo qof kasta oo arka shaki ka gelinaysa caafimaadkeeda.

Maxaad ka Taqaanaa Cunooyinka Hore Loogu Gaboobo?

Hadii aad is waydiinayso ma waxaa jiro cuntooyin hadaad caadeysato ku gaboojinaya? Jawaabtu waa haa waxaana jira cunooyin ka mida cuntooyinka aan sida joogtada ah u isticmaalo qaarkood waxay muuqaalkaaga ka dhigayaan mid ka wayn inta uu yahay da’ahaan

Ciridku Maku Xanuunaa? waxaan kuu haynaa 7 dawo oo aad ka helikarto deegaankaaga adon dhakhtar tagin

Warbixin dhawaan la soo saarey ayaa daaha ka qaadey in 75% bulshada aduunku ka cabanayso cudurada ku dhaca ciridka, xanuunkan inta badan waxaa keena sababo dhawr ah oo ay ka mid tahay Nadaafada, Conooyin aan Caafimaadkoodu wanaagsanayn.

Banku Caafimaadkeena ma u fiicanyahay mise uma fiicna ?

inagoon odhaneyn bunku waa khudaarta xukunta nolosheena, waxay u eegtahay inaynu tamar ka helo, in uu inoo sameeyo dareen wanaagsan sababaha qaar laakiin ma u fiicanyahay bunku caafimaadkeena?
waxaa jiro warbixino is khilaafaya oo ku saabsan arintan, Cilmi baadhida qaar ayaa sheegaya wanaaga caafimaad ee bunka qaarkalana waxay sheegayaan dhibatada caafimaad ee bunka.

Ma u maleynaysaa in jimicsigu qayb kayahay Xusuusta waxad baratey ?

Cilmi Baadhis cusub oo dhawaan la daah furey ayaa shaaca ka qaadeysa xiliga wax barashada afar saac ka dib hadii aad sameyso jimicsi in waxad soo baratey ama akhridey aanad ilaawayn mudo badan

Waxyeelada Caafimaad Ee Isticmaalka Badan Ee Computer-ku Leeyahay

Sida aynu wada ognahay computer-ku waa aalad waqtiyadan dambe ee casriga ah ka mid noqotay daruuriyaatka nolosha, isla markaana shaqooyin badan u fududaysay aadamaha, sidaa si la mid ah waxay leedahay saamayn taban oo la xidhiidha caafimaadka qofka. dhiga ama isticmaalka waqtiga dheer ee muraayada computer-ka ayaa sababta khataro badan oo caafimaad.

Maxaad ka Taqaan Xanuunka Dhiig Karka ?

Warbixintan waxaa diyaariyey oo aan ka soo xiganey website ka caafimaadka ee Somali doctors  Dhiig karku wuxuu yimaadaa markii cadaadiska Dhiigga uu sarreeyo, taasoo macnaheeda xowliga uu qulqulka dhiigga ku dhex socdo xididada.

Xeel Dheerayaal Caafimaad oo ku taliyey in Faytamiinada Qaar ay qasabtahay Qofku inuu Cuno

Cilmibaadhayaal ku xeeldheer caafimaadka ayaa ay u suurtogashay in ay xaddidaan Faytamiinnada ay qasabka tahay in qofku uu cuno, si ay xoojiyaan jidhkiisa, caafimaadkiisana wanaagga ugu ilaaliyaan, iyo si uu u dareemo niyadsamaan iyo xasiloni nafsaani ah.

Sirta aad ka qaadan karto talooyinka khuburada ciyaaraha iyo cunooyinka u fiican qureecda dadka orda subixii

Markaad ka daawanayso muraayadaha ciyaaraha Rio Olympics siday u socdaan waxaad layaabaysaa qaab dhismeedka jidh ahaaneed iyo farsamooyinka ay soo bandhigayaan, hadaba waxaa jiro tabo ama khiyaamooyin tababarayaasha Olympic ay sameeyaan taas oo aan ka faaidaysan karto adoo ku dabaqaya Naftaada

Sideed u garan kartaa caruurta maskaxda badan ?

Waalid kasta wuxuu dareemaa in ilmohoodu uu yahay mid ka duwan caruurta kale, laakiin waalidiin yar ayaa dareema in ilmohoodu leeyahay hibo aanay lahayn caruurta kale ama uu wax dheer yahay.
Sidaas awgeed waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa, waxyaabaha uu waalidka ku fahmi karo, caafimaad ahaane la isku waafaqsan yahay in lagu ogaan karo  ilmaha caruurta kale ka maskaxda badan ama hibo gaara leh

miyaad Cadayan maalintii 3 jeer ? markaad ogaato waxtarka caafimaad ee cadayga

Ilkuhu waa xubnaha ugu adag ee jidhka binu aadamka waana inay jiraan  in sanado badan ilkaha qofka qaangaadhka ahi waa 32 ilig  dada ka hooseysa 13 jirna waa 28 ilig

Xaqiiqada Faaidooyinka Hurdada ku jira oo Saynisyahannada dunidu weli ka daboolan iyo dhowr ka mid ah siraha laga ogaadey ilaa hada

Hurdadu waxa ay ka mid tahay wax yaabaha aanu aadamuhu cilmigeeda wax badan ka ogaan, muddadaa qarniyada ah ee sida joogtada ah loo helayey cilmiyada cusubna daraasadaha la sameeyey inta lagu ogaaday aad ayaa ay u kooban tahay. Qormadan ayaa shabakadda Elaph waxa ay ku eegaysaa qaar ka mid ah siraha ku jira hurdada ee illaa hadda cilmibaadhisuhu ogaadeen.

Sababma ayuu Nabi Maxamed (SCW) udoorbidi jiray inuu Timirta ku afuro

Sida ku cad sunnaha Rasuulka, Nebigu (SCW) waxa uu aad u tixgelin jiray in timirtu ay noqoto cuntada ay tahay in muslimiintu ay ku bilaabaan afurkooda xilliga ramadaanka. Dr. Khaalid Jaabir ayaa diiwaanka Internet ka ee Cabdallah Bin Cabdalcasiis oo ka faallooda arrimaha caafimaadka waxa uu ku yidhi

Nidaamka Cunto ee ugu Caafimaadka Badan Xilliga Soonka

Si nidaam cunto qaadasho oo caafimaadka u wanaagsan loo sameeyo bisha Ramadaan waxaa waajib ah in cuntada la cunayo loo qaybiyo afar waqti oo u dhexeeya afurka iyo suxuurta, sidoo kale waxaa fiican in lagu afuro dhowr xabbo oo timir ah iyo in la isu dheelli tiro cuntada lagu suxuuranayo.

Soonka oo la Ogaadey inuu Sunta ka saaro korna u qaado Quruxda Maqaarka

Soonka oo ah cibaado ay in badan diintu ka warrantay faa’idooyinka uu u leeyahay, acmaasha qofka, nadiifinta ruuxda iwm, ayaa sidoo kalana leh faa’idooyin waaweyn oo ah dhinaca dhinaca jidhka iyo guud ahaan caafimaadka, waxa aana ka mid ah, qurxinta maqaarka, timaha iyo xitaa cidiyaha.

14 Talo oo ku wajahan Bukaanka Sooman

Waxaan qoraalkan kaga hadlaynaa talooyin guud oo ku socota bukaannada damacsan inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadaan waxaanan ka soo xiganey oo soo diyaariyey somalidoc.Iska ilaali cunnooyinka cusbada iyo sokorta ku badan tahay xilliga suxuurta maxaayeelay waxay jirka ka nuugaan dheecaan unugeedka, taasi oo keeni karto haraad badan maalintii Iska ilaali in aad qoraxda ku shaqaysid si aadan u fuuq bixin ama dareeraha jirkaaga u yaraan. Ku dadaal in aad cabtid ugu yaraan 8 kobo oo biyo ah inta u dhaxayso afurka iyo suxuurta illaa inuu dhakhtarkaaga kuu diido mooyee.

Wax Ka Ogow TodobaFaa´iido Oo Dhinaca caafimaadka ah Kuwaas Oo Soonka laga helo

Iyada oo ay Fooda Inagu hayso bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ayaanu qoraalkeenan isku baraarujin doonaa woxogaa Faa’idooyinka uu soomka bisha Ramadaan u leeyahay dhinaca Caaafimaadka iyo foyo qabka qofka Sooman. hadaba 7 arrimood ayaa kala ah sidan.

Yaab!!!!! Nin Toogtay Dhakhtar ka Umuliyey Xaaskiisa

Nin u dhashay waddanka Boqortooda Sucuudi Carabiya, ayaa toogasho ku dhaawacay dhakhtar ka umuliyey xaaskiisa oo foolanaysay cusbitaal la yidhaa King Fahad Medical City oo ku yaal caasimadda dalkaas ee Riyadh.

Ha Gaboojin Naftaada– Talo Iyo Waano Aad U Baahan tahay

Gabowgu waa marxalad sugaysa qof kasta oo adduunka ku nool haddii ay geeridu fursad siiso. Waa xilli qofna qoomameeyo waqtiga dhaafay oo macne la’aan ku waydaartay, qofna la dangiigsado farxad iyo raynrayn. Carabtu waxay ku maahmaahdaa “Atacab bacda raaxa” oo ka dhigan daal ka dib in raaxo jirto. Haddii ay timahaagu madow yihiin waa marka ay caddaan doonaan. Haddii jidhkaagu is haysto waa kolka uu debci doono. Haddii ay maskaxdaadu si hufan u shaqaynayso waa xilliga ay tabcaan noqon doonto. Haddii aad socodka laba lugoodinayso waa marka aad tukube qaadan doonto amma aad u baahan doonto caawiye.

Maxaad Kala Socotaa Faa’idooyinka  Iyo Dhibaatooyinka Uu  Beerka Adhigu U Leedahay Caafimaadka

Waa shaki la’aan in cunista noocyada kala duwan ee hilibku ay faa’idooyin aan la soo koobi Karin u leedahay quudinta iyo nafaqaynta muruqyada, lafaha iyo neerfayaasha qofka, isla markaana ay xoojiso dhismaha jidhka. Hilibku waxa uu jidhka siiyaa tamar iyo firfircooni uu hawlihiisa ku qabsan karo.

Ramadaanta iyo Caafimaadka Qofka Sooman

Soonka bisha Ramadaan waa waajib, waa caafimaad uu jidhku u baahanyahay. Waxaan halkan kusoo bandhigeeynaa darasaad ama cilmibaadhis ay wasaarada caafimaadka dalka UK (NHS) ay ku sameesay sida ugu caafimaadka badan ee qofku u soomi karo.

QOSOLKU WUXUU QAYB KA QAATAA CAAFIMAADKA QOFKA

Khubaro dhinaca caafimaadka ah oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Loma Linda University ,kuna taala wadanka Maraykanka ayaa daraasad ay dhowaan sameeyeen ku sheegay in qolku qayb weyn ka qaato caafimaadka qofka ama dadka .

Cilmi-Baadhis Iftiiminaysa Waxtarka Caafimaad Ee Cabista Shaahu Leedahay.

Cilmibaadhis lagu sameeyay shaaha ayaa natiijadii ka soo baxday la sheegay in haddii qofku uu dhawr koob oo shaah uu cabo maalintii uu ka ilaaliyo qaadista cudur.

Daraasad Iftiiminaysa Caadooyin Khatar Badan Ku Ah Caafimaadka Xiliga Cuntada

Wacyi la’aanta iyo aqoonta ay dadku u leeyihiin xidhiidhka ka dhexeeya cuntada iyo caafimaadka oo hooseeya awgeed inta badan waxaa dhaca qaladaad dhinaca cuntada ah iyo hab-dhaqanno dhaawac gaadhsiiya caafimaadka qofka, lana arko in ay gaadhaan heer ay keeni karaan xaalado caafimaad darro oo nafta galaafan kara.