Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Category Archives: Xidhiidhka

Nin Xaaskiisa U Qoray Warqadii Furiinka, Kadib Jawaabteedii Ka Qoomameeyey Erey Kasta Oo Uu Qoray

Waxa sida caadiga ah iska dhacda in go’aan aad degdeg ku qaadataa keeno inaad in badan ka shalayso isla markaana ka qoomamooto.

Maayar 73 Sano Jiray Oo Guursaday Gabadh Aad Uga Da’ Yar Oo Ay Online Isku Barteen

Natiijooyinka ka dhasha jacaylka ayaa inta badan ah kuwo fajac iyo amakaag kugalinaya. Waxa aan maqaalkan kaga hadli doonaa sheeko jacayl oo dhexmartay maayar 73 jir ah iyo gabadh yar oo reer Filibiin ah oo iska dhex bartay baraha ay bulshadu ku kulanto.

Aragtida Iyo Dareenka Jacaylka

Miyaan Xanuuno badan laga garan ama laga dareemin Indhahaaga, maxay Dhakhtaradu inta badan Indhaha qofka u eegaan marka uu bukaanka yahay ama la baarayo? Astaamaha cudurada badan maxaa Indhaha looga gartaa? Sida Casaan, Huruud, Ilmo socota, Dhiig la,aan iwm. Indhuhu Xanuunka ka sakow waxa ay Dad badan u tusaan Jawiga iyo Waayaha Nololeed ee Qofku ku Jiro.Haddaba Xanuunka Jaceylka ma laga garan karaa Indhaha,Isaguba waa Xanuune.

Isha qofka wax Jecel ma ka dareemeysaa Dareenka ay kuu Qabto.

Ishu Waxa ay ugu horeysaa Astaamaha lagu garto in qof ku Xiiseeyo,Kaa helay ama ku Jecelyahay,Waa Aragtidii Fududeyd Mida keentay in lagaa Helo,Waa isha Meesha ku daawaneysaa,Waa Indhaha Halka Jaceylku Qalbiga u sii Marey,Rabitaanka ugu Horeeyaa Waa in aad Aragto ,Daawato ama la kulanto Qofka aad ka heshay ama Jeclaatey,Isha Ayaa ku Xadeysa Daymada iyo eegmada Kalgacalka iyo Caashaqa laga dareemi karo.Waa Inaad aragtaa,La kulantaa oo aad Nafta u sheegtaa in ishu daawaneyso Qofkii Qalbiga laga soo Dhaweeyey.Waa isha Meesha In badan u ooyda Jaceylka Haddii lagu guuldareysto,Waa Isha meesha Farxada la ilmeysa Markasta oo lagu Guuleysto Xidhiidhka Jaceylka,Waa isha Meesha aan Rabin in ay aragto Qofkii ay Beryo hore aadka u jeclaan Jirtey.Qofkii ay daawashadiisa u istaagi Jirtey kuna Seexan Jirtey Ayey rabtaa in aan la tusin mar danbe.Jaceyllku Waa Raaxada nolosha oo Xanuun badan,Ishuna Waa Halka laga Dareemo Farxada Jaceylka ee Qalbiga ku Jirta ama Murugada qofku Qabo.

Qof Kasta oo aad eegto ama Isha ku badisaa Waxa ay u qaadan kartaa in aad Jeceshahay ama ka Heshay,Waxaaney is weydiin doontaa waxa laga soo eego ama loo Daawado inta badan,Laakiin qof kasta oo aad eegtaa maaha mid aad Jeceshahay,Mid kasta oo ku daawada ama ku eega inta badana maaha Mid ku Jecel mararka qaar, laakin waxaa hubaal ah hadii inta badani ay eegmadaasi tahay mid dareen sidata inta badan iney ku dheehan tahay rabitaan, dad waxaa jira aanan afka kala furi Karin lakinse Indhaha fariimo ku gudbiya.

Hadaba qofka mar waliba eegmadiisu ay kugu badato si fiican indhihiisu u fiiri waxaad ka dhex arki doontaa inuu donayo inuu wax ku shego ama kula hadlo misna aanan waxba kuso gudbin Karin, adiguse laftaada hadii ay dhinacaadi wax jiraan haka raagine raadso maadama uu qofkaasi awood ulaheyn inu wax soo gudbiyo,

Wax gudbintu raganimo ama dumarnimo midkoodna ma goáamiyo ee waa dhiiri gashnaan iyo sida qofka uu uga furfuran tahay qofka kale.

Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada

Buuggan ay Daily Mail soo akhriday oo faahfaahsan uga sheekaynaya xidhiidhada jacayl ee ay Jacqueline la’ lahayd labadeeda dumaashi, iyada oo weliba ay mararka qaarkood ahaayeen xidhiidho ay xitaa si cad u dareemeen ilaalada gaarka ah ee marwadu.

Sida uu xaqiijinayo wargeyskan uu Hawraar Afrika soo xigtay, buuggan cusubi waxa uu si cad daaha uga rogayaa in waxba kama jiraan ay tahay daacadnimadii iyo dulqaadkii lagu sheegi jiray Jacqueline in ay ku qaabishay odaygeedii John F. Kennedy ee shabeel-naagoodka ahaa gaar ahaan dhinaca dumarka jilayaasha filimada iyo fannaaniinta ah aad ugu dheerayn jiray. Waxa aanu muujinayaa in lammaanahan mid kastaa dhinaciisa khiyaamada ugu xariif ahaa. In kasta oo uu si dadban u sheegayo in xidhiidhada ay Jacqueline samaysay qaarkood ay ahaayeen aargoosi ay Kennedy kaga aargoosanayso khiyaamadiisa bannaanka u soo baxday. Tusaale ahaan waxa ay xidhiidho illaa xad xidhiidh jinsi oo la ogaaday gaadhay la yeelatay qaar badan oo ka mid ah jilaaga filimada ee Maraykanka caanka ka ah, sida William Holden, Marlon Brando, Warren Beatty, Peter Lawford, Paul Newman, Gregory Peck, Frank Santra iyo kuwo kale oo badan.

Jacqueline sheekadeeda khiyaamada iyo gogol-dhaafka u badani intaas kuma ay koobnayn ee waxa uu buuggani ka sheekeeyey qisada awalba bannaanka u soo baxday ee sheegaysay in Marwo Jacqueline ay jacayl ay qarsan kari weyday u qabtay Hal-Abuurkii Faransiis ee Andre Malraux oo xitaa mar wax laga weydiiyey ay si cad u tidhi, “Waxa uu ahaa ninka keliya ee Faransiis ah ee aan bartay, ee aan jeclaystay in aan guursan lahaa”

Si kastaba ha ahaato ee buuggani waxa uu tilmaamayaa in ay jiraan dad badan oo aaminsan in Jacqueline ay madax wareer iyo isku buuq ka qaadday xidhiidhada tumasho ee odaygeeda oo xadhkaha goostay, illaa heer ay gaadhay in marar si nafsi ah ay u bukootay, saddex jeerna la geeyey cisbitaalo ah kuwa dadka qulubka iyo sakatigu ku dhaco lagu dabiibo.

Ugu dambayntii buuggu waxa uu sheegayaa in Jacqueline dhimashadii odaygeeda kadib iyada oo xidhiidho jacayl oo isku mar ah la wadda labada nin ee ay walaalaha ahaayeen odaygeeda xijaabtay, waa Boby iyo Ted ee in ay haddana xidhiidh la’ lahayd maalqabeen u dhashay dalka Giriigga Aristotle Onassis oo ay aakhirkiina isaga guursatay Shan sano kadib geeridii John F. Kennedy, isaga ayaana ay wada joogeen illaa sannadkii 1975kii oo uu geeriyooday. Dhammaad

 

The post Dhinaca Qorsoon Ee Nolosha Madax Dunida Caan Ka Ah: John Kennedy- Jacaylkii Siyaasadda Iyo Khiyaamadii Dumaashiyada appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Kaabayaasha Xidhiidhka Jacaylka

Kolka aad rabto in aad abqaasho geed waa in aad hesho dhulkii. Mar labaadka waa in aad diyaarsato ooddii ama jaajuurkii aad kaga weegaari lahayd noolaha waxyeeli kara. Waa in aad u banneyso meel ay ka soo geli karaan falaadhaha qorraxdu. Sida oo kale ciddii ka warhayn lahayd iyana waa qodob meesha ku jira. Tabtaa waxa ka dhigan jaceylka. Jaceylku waa dareen laba qalbi si wadajir ah u beertaan. Waxa uu leeyahay wax korriya oo kobciya iyo wax wiiqa awooddiisa korriimeed.

1.Kalsoonida

Kalsoonidu waxa ay ka mid tahay qodobada ugu tunka weyn ee jaceylka labada qof ku taagan yahay. Kalsoonidu waxa ay xidhiidhka labada qof ugu jirtaa halka udubka iyo dhigtu ugu jiraan aqalka. Bal day hal-abuurakani sida uu inoogu sawiray:

“Aasaaska guurkiyo
Aqal waxa adkeeyoo
Udubada u taagaa
Ogow waa kalsoonida
Iyo unugga caashaqa”

Mar kale hal-abuurkani isna waxa uu inoo tilmaamayaa kalsoonida oo la waayaa in ay wiiqi karto xidhiidhka kalgacal ee labada ruux dhexyaal. Bal day:

‘’Hadduu gabo kaalintiisa
Kalsooni haddii la waayo
Ma koro caashaqu runtiiye
Ka baaji inuu nusqaamo’’

Kalsoonida ka sokow ballanta, is-aaminaada, dareen qaybsiga, kalgacal iyo naxariis isu muujintu waa waxyaabaha ugu mudan ee uu ku taagan yahay xidhiidhka labada qofi. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis oo si farshaxanaysan ugu maansooday waa tuu lahaa:

“Laba weelka caashaqa
Ku wadaaga meel qudha
Laba aan wad mooyee
Wacadkooda burin karin
Oo kalsooni waafiya
Waageertay kalidood
Ayaa wehel is diirsada
Waligood ahaadee
Wacdaraha jacayl dhaba
Waxa dhiga kuwii hela
Wadne laba dareen sida
Mid hadduu werwarayoo
Wiiqeen ayaamuhu
Ka kalena wareer bada.”

2.Naxariista, kalgacalka iyo ixtiraamida

Ma jirto wax uu bani’aadanku ka jecel yahay hadalka debecsan ee naxariista iyo kalgacalku ku ladhan yahay. Kolka ay nolosha lammaane joogtana iyadu way ka sii xag-jirtaa. Bal qiyaas qofkaaga oo aad dareen ahaan u tidhaahdo: “Adiga hortaa cid kale ma jeclaan. Hadda lafteedana qorshaha iguma jirto cid aan adiga ahayn jaceylkeedu”. Bal day hal-abuur Xaashi Ibraahim-saar oo dareenkaasi inoo suugaameyay:

“Hortaa ruux kale ma jaman
Ma jiro oo mana jeclaan
Jiidhkaygiyeey ma odhan
Haddana kuma talo jiroo
Jacayl aan adi ahayn
Ifkaba lama joogi karo.”

Waxa la sheegaa nin carbeed oo u muujinayay xaaskiisa jacaylka uu u hayo in laga hayay oo uu yidhi: “Haddii aan [xabiibti] lahaan lahaa kun qalbi kun jeer ayaa adiga ku jeclaan lahaa”. Waa dareen muujinaya wehelkaaga in aanad waxba ka hagran.

Hadduu kun ahaan lahaa
Qalbiga kaahaw shiddaa
Adaan keligaa runtii
Kalgacal aan kala go’ayn
Xubbii kuu huri lahaa. [braahin-Masxaf]

Naxariista iyo kalgacalka ka sokow u samafalka iyo caawinta wehelka noloshaadu waa mid waajib diiniya ah. Garab istaagga iyo dhiirrigelinta haweenaydu waa astaan ka mid ah sifooyinka lagu garto nin raggeedka geesiga ah. Hal-abuur Maxamed-Haykal Muxumed oo si aftahamo ku dheehan tahay inoogu tilmaamay waa tuu lahaa:

Wehelkayga noloshaay
Kolka wacadka diintiyo
Xaqa waalidiintiyo
Waxyi Eebbe laga tago
Wax kastoo la jecelyoo
Aadmiga la qara weyn
Adigaa ka sii wacan
Anigana wed mooyee
Weligay intaan jiro
Waxa igu wallaahiya
In aan ku wanaag falo!

Waa dareen aad u xeeldheer oo tilmaamaya jaceyl lala god galay. Waa dib u dhalasho labaad oo jaceyl. Ifkii waa layskala tegay. Bal day hal-abuur Maxamed Dhaaley:

“Dhawr jeer haddaan
Marka aan dhintaba
Dib u dhalan lahaa
Dhulka waxa ku nool
Adun baan dhabtii
Dhaayaha cishqiga
Kugu dheehan laa.”

3.Dabeecada

Dabeecadu waa qodobka labaad ee soo raaca kalsoonida. Waa tiirka labaad ee isku haya labada ruux ee nolosha lammaanaha ku ah. In qof ba dhiggiisa kale u soo bandhigo waa mid u raandhiis badan nolosha mustaqbal ee labada qof. Runtiina waa mid u sahli karta in ay nolosha inteeda kale isla fahmaan isla na jaan-qaadaan.

4.Axdiga, is-aaminaada iyo ballan isku dhawrka

Axdi iyo wacad kolka la soo hadal qaado calaf baa la xasuustaa. “Guurku waa calaf” waa ka mid ah khuraafaadka soomaalida qaarkood aaminsan yihiin. Qadarka Rabbi iyo qalinkiisa kolka laga yimaado labada qof iyaga ayaa dhisan kara dabar kasta oo isku haynaya. Geeridu waxa aan qabaa in ay tahay waxa kaliya ee kala kaxayn kara labada qof.

Laba wacad dhexyaaloo
Lillaahina u dhaartahay
Waxa dhantaala oo jira
Ballan ay dhigteenoo
Dhidbihiisu adagyiin
Dhimashay ku sheegeen. [Ibraahin-Masxaf]

Axdiga kolka laga yimaado is-aaminaadu iyana waa qodob kale oo aanu ka maarmin xidhiidhka labada qof. Aaminaadu waa aragtida togan ee qofku ka fisho dhiggiisa kale. Kolka aad niyadaada iyo qalbigaaga ka dhaadhiciso qofkani in uu yahay qofkaagii waa kuu noqon.

Xubbii laba waxaynu nahay
Is-aaminay oo Lillaahiya
Haddana laammaha cishqiga
Kalgacal aan kala lumeyn
Ku qoray laabtooda xalan
Lammaane in ay noqdaan
La’aantooduna u tahay
Hubaashii nolol la’aan
Midhka luxudkana la gala. [Ibraahin-Masxaf]

Duruufta nolosha oo adag iyo arkida qofkii aad rabtay in ay iskugu kaa kulmaan kolalka qaarkood waa wax dhaca. Waa abwaan Cabdi-Qays waxa uu inoo sawirayaa wiil la kulmay inantii uu jeclaan lahaa in ay nolosha lammaane ku noqdaan. Wiilka waayihiisa nololeed ayaa iska adag. Waxa uu ku duceysanayaa in uu Ilaahay cimriga u dheereeyo oo uu wadka ka raajiyo. Isla markaana Alle uga indhasaabo oo aanu ka barin ragga kale ee la gedaha ah inta uu nolosha meel fiican ugu sahan tegayo:

“Allow daa hayga dilin
Dadka [ragga] kale na hayga barin
Intaan deggeyo meel roon”

Dun isku xidhashadu dhaqan waayadii hore jirey ayuu ahaa. Se intii danbe ee la reer magaalobay laga tegay. Dun isku xidhashadu waa kolka inanta loo ogyahay hebel oo ina hebel ah. Waxa jira maro qoryo la geliyo lagana dhextaago beeraha iyo meelaha kale ee dalagga la beertaa ku yaalo. Waraabe-utaag in la yidhaa waa u maqlay. Haddaba, duntu waa iska waraabe-utaag oo kale, waana ka calaamadaysi ragga kale laga calaamadaystay.

Dadka Eebbe uumee
Dunida ba ku guud nool
Dugsi weheshigay ba
Midi aan u dooray
Dookhayga noqotee
“Duntu igaga kaa xidhan”
Waxa doob geyiga jira [Ibraahin-Masxaf]

5.Wada xidhiidhka hadaleed

Kala fogaanta labada qof u kala durugsan yihiin deegaan ahaan waa ka mid sababaha xoojiya xidhiidhkooda. Dareen isu soo xiis oo boholyow ku ladhan yahay ayaa badanka jira. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis waxa uu suugaan ahaan inoogu sawirayaa laba qof oo isjecel se qalfoof ahaan u kala durugsan. Waa wax dareenka jaceyl ku lammaane waxa ay ku duceysanayaan dhulka in uu Alle iskugu soo dhaweeyo una mideeyo:

“Isu dheerinaayoo
Kala dheerinaayeey
Dhulka yaa mideeyoo
Isku keen dhaweeyoo
Agtaadun i soo dhiga.”

Kolka ay labada qof kala fog yihiin waxa kaliya ee ay isku weheshadaan waa hadalkooda codadka naxariiseed ku ladhan yihiin. Bal day Hal-abuur Cabdirixiin Sidiiq – Heello:

“Waxay codsadaan dheguhu
Codkaaga in ay maqlaan.”

Qofka oo cuntada naca oo cuni waayaa waa xaaladaha nafsiga ah ee uu sababo jaceylku. Waa dareen durugsan oo farshaxan suugaaneysan. Bal day hal-abuur Amran-sharaf Xuseen:

“Eraygiisa kaliyaa
Oontaan liqaayiyo
Amateedka ii fura”

Aabbaha iyo hooyadu waa wehelka ugu fiican ee qofku helo. Bal sawiro qof ay halkaasi ugu jirto hadalka iyo codka wehelka noloshiisu:

Ereygaaga wacanee
Codku uu ku ladhan yahay
Qiimuu agtaydiyo
Uu ku leeyay maankoo
Sida aabbo-hooyuu
Wehel iigu yahay oo
Aadna waan u jecelee
Hayga goyn ilbidhiqsiyo
Gelin iyo ayaan qudha. [Ibraahin-Masxaf]


W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Shakhsiyadda Gabadha Iyo Dabeecadaheeda Daahsoon Ee Ragga Badankoodu Aanay Aqoonin

Hargeysa (Hawraar)- Ninku marka uu doonayo in uu qalbiga gabadha ku dhowaado si uu u hanto waxa uu inta badan ku daalaa raadinta sirta iyo hal-xidhaalaha ku duugan shakhsiyadda gabadhan, waxa aanu in badan waqti ku lumiyaa in uu ogaado waxyaabo gaar ah oo nolosheeda ku saabsan, taariikhdeeda iyo nolosheeda hadda, marar badanna ma helo waxa uu raadinayo, haddaba qormadan oo uu Hawraar Afrika ka soo xigtay majaladda Sayidati oo ka falloota arrimaha iyo haweenka iyo guud ahaan qoyska waxa aynu ku eegaynaa dhowr ka mid ah dabeecadaha u gaarka ah shakhsiyadda haweenka laakiin ragga badankoodu aanay fahmin:

  1. Gabadhu waxa ay u baahan tahay jacayl:

Si kasta oo ay gabadhu u tahay gabadh awood badan, bulshada saamayn ku dhex leh, mansab iyo mala haysata, haddana weli waxa ay u baahan tahay jacayl iyo in uu hareer taagnaado ruux dareensiiya xasilooni iyo ammaan, sidaa awgeed ninka fahamka fiicani waa kan ogaada in si kasta oo ay xaaskiisu u tahay shakhsiyad awood badan aan hareerteeda ka fogaan, ee og in ay si dhab ah ugu baahan tahay.

  1. Gabadhu waxa ay jeceshay in taariikhdeeda hore aanay ka warramin:

Wax badan baa ka jira hal-ku-dhegga Soomaalida ee yidhaahda, “Rag waa ba’ood, dumarna waa badhaadhahood” waxaa cilmi ahaan loo ogaaday in dumarku aanay jeclayn in ay ka warramaan taariikhaha madow ee ay soo mareen, cid kasta oo xusuustooda ku soo celisana ay u qalbigoodu ka sii jeedsado. Xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu waxa ay ragga kula taliyaan in aanay isku mashquulin in ay gabadhu uga warranto wax taariikhdeeda ka mid ah.

Haddii uu rabo in qalbigeeda uu dego oo aanay mushkiladi dhex marin waa in uu ka fogaado su’aal kasta oo taariikhdeeda hore la xidhiidha, xitaa marka ay isku cusub yihiin ee uu doonayo in uu barto waa in uu su’aalahaas iska dhowraa. Keliya gabadha ka warayso badhaadhaheeda iyo waxa hadda taagan iyo xitaa waxa ay mustaqbalka raadinayso ama qorshaynayso in ay noqoto.

 

  1. Gabadhu waxa ay jeceshay in la dhegeysto: Ma jecla in ninku uu iska dhego mariyo marka ay hadlayso; sidaa awgeed waa in uu ku dadaalo in uu dhegeysto warkeeda, ama ugu yaraan u muujiyo in uu dhegeysanayo, haddii ay ka fursan weydana waxaa fiican in uu si xikmadaysan mawduuca uga duwo si aanay u fahmin in warkeeda uu nacayo.

Gabadhu waxa ay jeceshay doodda iyo falanqaynta, taas oo aad fahamtaana waa fure muhiim ah oo aad qalbigeeda ku furi karto.

  1. Gabadhu ma jecla in awood lagu muquuniyo: Siraha muhiimka ah ee shakhsiyadda gabadha ku duugan waxaa ka mid ah in aanay jeclayn amar ku taaglaynta iyo in wax loo yeedhiyo; gabadhu haddii ay dareento in aragtideeda ama doonisteeda uu ninku kaga duwayo ragannimadiisa iyo in uu isagu masuulkii yahay, waxa ay u fahamtaa xaqiraad iyo in uu yasayo, sidaa awgeed ninku waa in uu ka digtoonaado in uu ku dhaco qalad noocaas ah.
  2. Gabadhu ma jecla in la dhaawaco: Xilliga doodda iyo falanqaynta ama muranka uu ninku kula jiro gabadha waxaa muhiim ah in uu iska ilaaliyo in uu shucuurteeda dhaawaco, in uu ku yidhaahdo ereyo afxumo ula muuqda iyo hadallo liita. Nin kastaa waa in uu ogaado in gabadhu ay tahay shakhsiyad xasaasi ah, sidaa awgeed uu ku dadaalo in uu ka fogaado wax kasta oo hadalka duulin kara ama cadho iyo khilaaf abuuri kara.
  3. Beenta iska jir: Gabadhu ma jecla in arrimaha jacaylka iyo qoysnimada la xidhiidha ay beeni soo dhex gasho, weliba fiiirogaar ah ayaa ay ku eegtaa kuna dhegeysataa ninka, mar kasta oo uu ka hadlayo arrimaha qoyskooda ama xidhiidhkooda jacayl khuseeya, sidaa awgeed waa in uu ka fogaado beenta iyo wax kasta oo khiyaamo u muuqda. Macnuhu ma’aha in aanay iyaduna been sheegin, balse waa in ay ninka uga nugushahay u dulqaadashada beenta.

Waxaa iyaduna muhiim ah in ninku ogaado in gabadhu ay beenta ninka si sahal ah u ogaato, ama ay leedahay awood abuur oo nafsi ah oo ay ku garato marka been iyo khiyaamo uu wado iyo marka uu daacad yahay. Dhammaad.

 

The post Shakhsiyadda Gabadha Iyo Dabeecadaheeda Daahsoon Ee Ragga Badankoodu Aanay Aqoonin appeared first on Hawraar Afrika Newspaper.

Habka Ugu Fudud Ee Uu Ninku Maalmo Gudahood Kaga Badbaadi Karo Is-Fahmi Waaga U Dhexeeya Xaaskiisa

Hargeysa (Hawraar)- Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida ay kala qabaan, sidoo kale waxa uu ka dhashaa xidhiidhkooda oo liita iyo iyada oo mid kastaa rayigiisa ku adkaysto oo isu-tanaasulku meesha ka baxo. Wargeyska Hawraar Afrika waxa uu akhristayaashiisa qormadan kula wadaagayaa tallaabooyin ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu sheegeen in haddii ay maraan lammaanaha is qabaa u sahlaya in ay ka gudbaan is-fahmi waaga iyo muranka,  una dhowdahay in ay dib u soo nooleeyaan xidhiidh wanaagoodii. Waxaa muhiim ah in ninka doonaya in uu habkan xal ku raadiyo laga rabo in tallaabooyinku sida ay u kala horreeyaan uu u galo oo weliba tallaabo kasta oo ugu yarana maalin ku qaato, oo marka ay meel isla dhigaan xaaskiisa uu ka soo gudbo.

  1. Xaaskaaga is barta:

Waxaa laga yaabaa in rag badan oo aaminsan in ay xaaskooda ay si fiican isu garanayaan ay la yaabaan sida aan ugu dhiirraday in aan ereygan ku bilaabo qormada. Laakiin ninka fikirkan qabaa waxa uu ma’ogan yahay in gabadhu mar kasta wax badan qarsato, sababo badan awgood. Waxaa ka mid ah iyada oo ka baqanaysa in ninka oo ay aragto in culays ama xanuun ama dhib kale saaran tahay ay culaysa ku sii kordhiso. Macnaheedu waa in ay wax badan isaga uga tudhayso, ama lammaanaha oo aanu marka hore ka dhex abuurmin mawduucyo ay wadaagi karaan oo fure u noqda in ay ka wada xaajoon karaan kuwa aanay wadaagin. Ama waxaaba dhacda gabadha oo ninka ka qaadata faham ah in aanu dan badan ka lahayn sheekada ama aanay xiise gelinayn, sidaa awgeed wax badan ay uurkeeda ku haysato.

Nin kasta waxaa la gudboon in uu barto waxa ay xaaskiisu jeceshay, sida ay carruurnimadeedii ahaan jirtay iyo duruufaha ay ku soo barbaartay sida ay ahaayeen. Cidda ay yihiin saaxiibbadaheeda aanay illaawi karin. Sida ay nolosheedu ahayd guurka ka hor wanaag iyo xumaanba. Shoogga iyo niyad jabka ugu weyn ee ay abidkeeda la soo kulantay ka uu ahaa iyo sida ay uga soo gudubtay. Iwm.

  1. Xaaskaaga waa in aad uga sheekayso naftaada:

Dibadda u soo saar xogta uurka kugu jirta ee shakhsiyaddaada fahamsiin karta xaaskaaga, u sheeg waxa niyaddaada ku jiro, waxa aad jeceshay iyo waxa aad neceb tahay, waxa aad jeceshay in aad ku maarrarowdo xilliga firaaqada. Uga sheekee hammigaaga iyo ba’aaga, murugadaada iyo dhibta ugu daran ee dadka kaa soo gaadhay waxa ay ahayd. Sidoo kale u sheeg afkaartaada la xidhiidha mustaqbalka.

  1. Raadi meelo aad wadaagi kartaan:

Inta badan dumarku waxa ay ka cawdaan ninka oo aan waqti fiican la qaadan, sababta ugu badanina waa mawduucyada ay xiisaynayaan oo kala duwanaada. Haddaba ninku waa in uu baadho meelaha ay isaga iyo xaaskiisu ay wadaagi karaan, mabaadii’da, fikirka, riyada iyo himilada uu leeyahay, filimada uu xiiseeyo, cuntooyinka, dookha iwm.

Ku dadaal in xaaskaaga aad kala sheekaysato waxa aad mustaqbalka ku fikiraysaan labadiinuba, iyo wax yaabaha ismiidaaminta u baahan ee labadiinuba aad jeceshihiin in aad ku dhiirrataan, iyo weliba sida suurtogalka ah ee aad waxyaabo cusub wada jir u wada jirrabi kartaan. Isfahamka lammaanaha waxaa muhiim u ah in mid kastaa uu fahmo mawduucyada iyo wax kasta oo kan kale xiiseeyo si sheekadoodu ay  u noqoto mid aanay kala xiise goyn.

  1. Dood adag la gal: Waxaa muhiim ah in ninku uu xaaskiisa u dood iyo muran kala galo arrin uun si uu midkoodba u fahmo aragtida kan kale. Waa ay fiican tahay in lammaanaha mid kastaa uu fahmo aragtida iyo hab-fikirka kan kale sidaa awgeed in arrin laga doodo siyaasi ama mid bulsho ka uu doono ha ahaado ee ayaa keenaysa in la fahmo sida uu qofku arrimaha u go’aaminayo iyo sida ay suurtogal u tahay in la doodo oo la murmo iyada oo aan midkoodna cadhoon. Si kale haddii aynu u dhigno waxaa fiican in ninku uu xaaskiisa si dadban ugu tababaro in ay la doodi karto oo muran la geli karto iyada oo aan cadhoon, isna sidaa si le’eg.

Dooddan muranka ah ee uu ninku bilaabayaa waa in ay noqoto mid uu awoodi karo in uu isagu xakameeyo si ay gabadha ugu noqoto tababar ay fahamto in la doodi karo oo arrimo badan si adag looga murmi karo iyada oo aan la gaadhin heer cadho iyo xidhiidhka oo xumaada. Dad badan ayaa aaminsan in qofka oo aad la muranto oo aad gaadhsiiso cadho halka ugu dambaysa kadibna si deggen xaaladda u soo dejisaa ay dareensiinayso in iyada oo aan la kala tegin la murmi karo kadibna aakhirka la isu garaabi karo, ama ugu yaraan aan cadhadu xidhiidhka wax yeeli karin. Arrinta ugu muhiimsan ee ay tahay in lammaanuhu fahmaanna waa in noloshu aanay ahayn, “Guulayste iyo laga guulayste”

  1. Khad cagaaran oo aan laga gudbin samaysta: Mid kasta oo idinka mid ahi ha caddaysto meelaha uu jecel yahay in ay shakhsi u ahaadaan oo aan dood iyo sheeko laga gelin. Si qofka kalana uu u fahmo in dood kasta iyo muran kastaa uu noqdo mid aan gaadhin khadkaas cas ee mid kasta u jeexan. In qofka aad murmaysaan aad ka ilaaliso in aad taabato boogihiisa xasaasiga ah iyo arrimaha uu jecel yahay in aanu dood ka gelin, waxa ay keenaysaa in doodda iyo muranku noqdo mid raaxo iyo madadaallo ku dhammaada. Waxaa muhiim ah in ninku uu ku dadaalo in xaaskiisa uu la doodo oo la murmo isaga oo aan ka cadhaysiinayn.
  2. Maamulka Xisaabaadka iyo isla meel-dhigista kharashka: Waxaa fiican in lammaanuhu ay samaystaan miisaaniyad qoran oo ay ku caddahahay kharashaadka ay muhiim tahay in dhaqso loo galo, kuwa dib loo dhigan karo iyo kharashka laga maarmi karo. Wada jir u qorta jadwal aad isla ogoshihiin oo aad ku caddaynaysaan kharashaadka billaha ama sannad laha ah iyo sida ay u kala mudan yihiin.

Haddiiba ay dhacdo in uu khalkhal ku yimaaddo ama midkiin doono in wax-ka-beddel lagu sameeyo waxaa fiican in aad si wada jir ah u wada fadhiisataan oo si maangal ah uga dooddaan isuna qancisaan. Ninku haddii uu shaqeeyo ama shaqayn karo waxaa sax ah inuu isagu qaato masuuliyadda ugu badan ee kharashka qoyska, xitaa haddii ay xaaska qudheeduna shaqayso. Gaar ahaan Ragga Soomaalida ee ku dhaqan gudaha dhulka Soomaalidu waa in ay fahamsanadaan in uu dhaqanka soo jireenka ah iyo shareecaduba isaga waajib kaga dhigayaan qaadista masuuliyadda dhaqaale ee qoyska. Dhammaad.

Kaabayaasha xidhiidhka jaceylka

Kolka aad rabto in aad abqaasho geed waa in aad hesho dhulkii. Mar labaadka waa in aad diyaarsato ooddii ama jaajuurkii aad kaga weegaari lahayd noolaha waxyeeli kara. Waa in aad u banneyso meel ay ka soo geli karaan falaadhaha qorraxdu. Sida oo kale ciddii ka warhayn lahayd iyana waa qodob meesha ku jira. Tabtaa waxa ka dhigan jaceylka. Jaceylku waa dareen laba qalbi si wadajir ah u beertaan. Waxa uu leeyahay wax korriya oo kobciya iyo wax wiiqa awooddiisa korriimeed.

1.Kalsoonida

Kalsoonidu waxa ay ka mid tahay qodobada ugu tunka weyn ee jaceylka labada qof ku taagan yahay. Kalsoonidu waxa ay xidhiidhka labada qof ugu jirtaa halka udubka iyo dhigtu ugu jiraan aqalka. Bal day hal-abuurakani sida uu inoogu sawiray:

“Aasaaska guurkiyo
Aqal waxa adkeeyoo
Udubada u taagaa
Ogow waa kalsoonida
Iyo unugga caashaqa”

Mar kale hal-abuurkani isna waxa uu inoo tilmaamayaa kalsoonida oo la waayaa in ay wiiqi karto xidhiidhka kalgacal ee labada ruux dhexyaal. Bal day:

‘’Hadduu gabo kaalintiisa
Kalsooni haddii la waayo
Ma koro caashaqu runtiiye
Ka baaji inuu nusqaamo’’

Kalsoonida ka sokow ballanta, is-aaminaada, dareen qaybsiga, kalgacal iyo naxariis isu muujintu waa waxyaabaha ugu mudan ee uu ku taagan yahay xidhiidhka labada qofi. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis oo si farshaxanaysan ugu maansooday waa tuu lahaa:

“Laba weelka caashaqa
Ku wadaaga meel qudha
Laba aan wad mooyee
Wacadkooda burin karin
Oo kalsooni waafiya
Waageertay kalidood
Ayaa wehel is diirsada
Waligood ahaadee
Wacdaraha jacayl dhaba
Waxa dhiga kuwii hela
Wadne laba dareen sida
Mid hadduu werwarayoo
Wiiqeen ayaamuhu
Ka kalena wareer bada.”

2.Naxariista, kalgacalka iyo ixtiraamida

Ma jirto wax uu bani’aadanku ka jecel yahay hadalka debecsan ee naxariista iyo kalgacalku ku ladhan yahay. Kolka ay nolosha lammaane joogtana iyadu way ka sii xag-jirtaa. Bal qiyaas qofkaaga oo aad dareen ahaan u tidhaahdo: “Adiga hortaa cid kale ma jeclaan. Hadda lafteedana qorshaha iguma jirto cid aan adiga ahayn jaceylkeedu”. Bal day hal-abuur Xaashi Ibraahim-saar oo dareenkaasi inoo suugaameyay:

“Hortaa ruux kale ma jaman
Ma jiro oo mana jeclaan
Jiidhkaygiyeey ma odhan
Haddana kuma talo jiroo
Jacayl aan adi ahayn
Ifkaba lama joogi karo.”

Waxa la sheegaa nin carbeed oo u muujinayay xaaskiisa jacaylka uu u hayo in laga hayay oo uu yidhi: “Haddii aan [xabiibti] lahaan lahaa kun qalbi kun jeer ayaa adiga ku jeclaan lahaa”. Waa dareen muujinaya wehelkaaga in aanad waxba ka hagran.

Hadduu kun ahaan lahaa
Qalbiga kaahaw shiddaa
Adaan keligaa runtii
Kalgacal aan kala go’ayn
Xubbii kuu huri lahaa. [braahin-Masxaf]

Naxariista iyo kalgacalka ka sokow u samafalka iyo caawinta wehelka noloshaadu waa mid waajib diiniya ah. Garab istaagga iyo dhiirrigelinta haweenaydu waa astaan ka mid ah sifooyinka lagu garto nin raggeedka geesiga ah. Hal-abuur Maxamed-Haykal Muxumed oo si aftahamo ku dheehan tahay inoogu tilmaamay waa tuu lahaa:

Wehelkayga noloshaay
Kolka wacadka diintiyo
Xaqa waalidiintiyo
Waxyi Eebbe laga tago
Wax kastoo la jecelyoo
Aadmiga la qara weyn
Adigaa ka sii wacan
Anigana wed mooyee
Weligay intaan jiro
Waxa igu wallaahiya
In aan ku wanaag falo!

Waa dareen aad u xeeldheer oo tilmaamaya jaceyl lala god galay. Waa dib u dhalasho labaad oo jaceyl. Ifkii waa layskala tegay. Bal day hal-abuur Maxamed Dhaaley:

“Dhawr jeer haddaan
Marka aan dhintaba
Dib u dhalan lahaa
Dhulka waxa ku nool
Adun baan dhabtii
Dhaayaha cishqiga
Kugu dheehan laa.”

3.Dabeecada

Dabeecadu waa qodobka labaad ee soo raaca kalsoonida. Waa tiirka labaad ee isku haya labada ruux ee nolosha lammaanaha ku ah. In qof ba dhiggiisa kale u soo bandhigo waa mid u raandhiis badan nolosha mustaqbal ee labada qof. Runtiina waa mid u sahli karta in ay nolosha inteeda kale isla fahmaan isla na jaan-qaadaan.

4.Axdiga, is-aaminaada iyo ballan isku dhawrka

Axdi iyo wacad kolka la soo hadal qaado calaf baa la xasuustaa. “Guurku waa calaf” waa ka mid ah khuraafaadka soomaalida qaarkood aaminsan yihiin. Qadarka Rabbi iyo qalinkiisa kolka laga yimaado labada qof iyaga ayaa dhisan kara dabar kasta oo isku haynaya. Geeridu waxa aan qabaa in ay tahay waxa kaliya ee kala kaxayn kara labada qof.

Laba wacad dhexyaaloo
Lillaahina u dhaartahay
Waxa dhantaala oo jira
Ballan ay dhigteenoo
Dhidbihiisu adagyiin
Dhimashay ku sheegeen. [Ibraahin-Masxaf]

Axdiga kolka laga yimaado is-aaminaadu iyana waa qodob kale oo aanu ka maarmin xidhiidhka labada qof. Aaminaadu waa aragtida togan ee qofku ka fisho dhiggiisa kale. Kolka aad niyadaada iyo qalbigaaga ka dhaadhiciso qofkani in uu yahay qofkaagii waa kuu noqon.

Xubbii laba waxaynu nahay
Is-aaminay oo Lillaahiya
Haddana laammaha cishqiga
Kalgacal aan kala lumeyn
Ku qoray laabtooda xalan
Lammaane in ay noqdaan
La’aantooduna u tahay
Hubaashii nolol la’aan
Midhka luxudkana la gala. [Ibraahin-Masxaf]

Duruufta nolosha oo adag iyo arkida qofkii aad rabtay in ay iskugu kaa kulmaan kolalka qaarkood waa wax dhaca. Waa abwaan Cabdi-Qays waxa uu inoo sawirayaa wiil la kulmay inantii uu jeclaan lahaa in ay nolosha lammaane ku noqdaan. Wiilka waayihiisa nololeed ayaa iska adag. Waxa uu ku duceysanayaa in uu Ilaahay cimriga u dheereeyo oo uu wadka ka raajiyo. Isla markaana Alle uga indhasaabo oo aanu ka barin ragga kale ee la gedaha ah inta uu nolosha meel fiican ugu sahan tegayo:

“Allow daa hayga dilin
Dadka [ragga] kale na hayga barin
Intaan deggeyo meel roon”

Dun isku xidhashadu dhaqan waayadii hore jirey ayuu ahaa. Se intii danbe ee la reer magaalobay laga tegay. Dun isku xidhashadu waa kolka inanta loo ogyahay hebel oo ina hebel ah. Waxa jira maro qoryo la geliyo lagana dhextaago beeraha iyo meelaha kale ee dalagga la beertaa ku yaalo. Waraabe-utaag in la yidhaa waa u maqlay. Haddaba, duntu waa iska waraabe-utaag oo kale, waana ka calaamadaysi ragga kale laga calaamadaystay.

Dadka Eebbe uumee
Dunida ba ku guud nool
Dugsi weheshigay ba
Midi aan u dooray
Dookhayga noqotee
“Duntu igaga kaa xidhan”
Waxa doob geyiga jira [Ibraahin-Masxaf]

5.Wada xidhiidhka hadaleed

Kala fogaanta labada qof u kala durugsan yihiin deegaan ahaan waa ka mid sababaha xoojiya xidhiidhkooda. Dareen isu soo xiis oo boholyow ku ladhan yahay ayaa badanka jira. Hal-abuur Cabdiraxmaan Haldhis waxa uu suugaan ahaan inoogu sawirayaa laba qof oo isjecel se qalfoof ahaan u kala durugsan. Waa wax dareenka jaceyl ku lammaane waxa ay ku duceysanayaan dhulka in uu Alle iskugu soo dhaweeyo una mideeyo:

“Isu dheerinaayoo
Kala dheerinaayeey
Dhulka yaa mideeyoo
Isku keen dhaweeyoo
Agtaadun i soo dhiga.”

Kolka ay labada qof kala fog yihiin waxa kaliya ee ay isku weheshadaan waa hadalkooda codadka naxariiseed ku ladhan yihiin. Bal day Hal-abuur Cabdirixiin Sidiiq – Heello:

“Waxay codsadaan dheguhu
Codkaaga in ay maqlaan.”

Qofka oo cuntada naca oo cuni waayaa waa xaaladaha nafsiga ah ee uu sababo jaceylku. Waa dareen durugsan oo farshaxan suugaaneysan. Bal day hal-abuur Amran-sharaf Xuseen:

“Eraygiisa kaliyaa
Oontaan liqaayiyo
Amateedka ii fura”

Aabbaha iyo hooyadu waa wehelka ugu fiican ee qofku helo. Bal sawiro qof ay halkaasi ugu jirto hadalka iyo codka wehelka noloshiisu:

Ereygaaga wacanee
Codku uu ku ladhan yahay
Qiimuu agtaydiyo
Uu ku leeyay maankoo
Sida aabbo-hooyuu
Wehel iigu yahay oo
Aadna waan u jecelee
Hayga goyn ilbidhiqsiyo
Gelin iyo ayaan qudha. [Ibraahin-Masxaf]


W/Q: Ibraahin Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’

Muqdisho, Soomaaliya.

The post Kaabayaasha xidhiidhka jaceylka W/Q: Ibraahim Xuseen Daa’uud ‘Masxaf’ appeared first on Daryeel Magazine.

Ma Ogtahay Sababta Jacaylku U Kordhiyo Miisaanka Jidhka

Jacaylku waxa uu kordhiyaa miisaanka” Waxaa sidaa daahfurtay cilmibaadhis dhowaan natiijadeedu soo baxday oo muddo baadhis ku samaynaysay isbedellada dhinaca miisaanka ah ee ku yimaadda dadka dareenka caashaq haleelo rag iyo dumarba. Cilmibaadhistan oo ay samaysay xarunta One Poll natiijadeedana lagu baahiyey shabakadda arrimaah caafimaadka iyo nafaqada ka faalloota ee ‘fit’ ayaa sheegtay in celcelis ahaan miisaanka la filan karo in qofka uu ku kordho jacaylka kaddib uu gaadhayo illaa 15 kiiloogiraam.

Boqolkiiba 75 dadkii daraasaddani ay tusaalaha u soo qaadatay oo tiradoodu 2 kun ahayd ayaa la ogaaday in uu miisaankoodu kordho intii ka dambaysay markii ay xidhiidh jacayl yeesheen. Marka rag iyo dumar loo kala qaadana, waxaa soo baxday in ninku marka uu xidhiidh jacayl oo dhab ah bilaabo, uu sannadka u horreeyaba u kordho miisaan qiyas ahaan 8 kiiloogaraam. Korodhkaas ayaa kor u sii socda illaa uu gaadho 15 kiiloogaraam.

Arrinta xiisaha leh ee xeeldheereyaasha daraasaddan sameeyey ay ogaadeen intii ay tijaabada wadeen; waa in dumarku aanay dhayal ku sheegin miisaankooda runta ah, marka la barbar dhigo ragga oo isagu aad ugu furfuran ka hadalka arrintan oo kale.

Barta Internet ka uu ku leeyahay talefishanka Fox News oo isaguna natiijada daraasaddan faafiyey ayaa warbixinteeda ku sheegtay in isbedellada ku yimaadda hawlmaalmeedka joogtada ah ee qofka, cuntada uu qofku cunayo oo ka badan ta uu cuno qofka aanu jacaylku haynin ayaa ka mid ah sababaha keena in miisaanku uu ku kordho qofku marka uu helo ama xidhiidh la bilaabo ruux uu jecel yahay.

Sababta arrintan keenaysa ayaa ay cilmibaadhistu ku sheegtay qofka oo gaadhaya waxa ay ugu yeedhay, ‘Waqtiga raaxada’. Waxa uu qofku dareemayaa in la dhaafay waqtigii is ka dhaadhicinta iyo in qofkan kale uu tuso wanaaggiisa oo keliya, taasina ay sababi jirtay in uu si aad u feejignaan badan u dhaqmo. Waxaa loo jeedaa in labada qof mid kastaa jacaylka kaddib helayo kalsooni ah in uu hantay kii kale, sidaa awgeed aanu ku qasbanayn in uu qofkan u muujiyo wanaaggiisa oo keliya, si uu kasbado. Ma jiro culayskii ka saarnaa in uu ka shaqeeyo sidii uu mataankiisa ugu muuqan lahaa sida ugu fiican. Boqolkiiba 64 dadka ka qaybqaatay sahamintii cilmibaadhistan ayaa qirtay in markii ay hanteen jacaylkooda kaddib uu miisaankoodu aad u kordhay.

Guurku Waxa Uu Ka Hor Tag U Yahay Asaasaqa Iyo Isku Buuqa Maskaxda

Cilmibaadhis cusub ayaa shaaca ka qaadday in doobabka/gaashaantimaha iyo dadka lammaanahoodu ka dhinto ama kala tageen iyaga oo weli yar, ay marka ay weynaadaan halis u yihiin cudurka maskaxda isku dhexdaadiya ee asaasaqa. Cilmibaadhayaashan oo lafagur iyo gorfayn ku sameeyey natiijada 15 cilmibaadhisood oo hore loogu sameeyey sababaha keeni kara cudurka asaasaqa. Waxa kale oo ay baadheen xaaladda qoysnimo ee in ka badan 8 boqol oo kun oo qof oo u dhashay Yurub, Woqooyiga Ameerika iyo Koonfurta Aasiya.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey majalad ka faalloota caafimaadka dareen-wadayaasha, caafimaadka nafsiga ah iyo qalniinka maskaxda iyo neerfaha, ayaa gaadhay natiijo ah in asaasaqa yimaadda gabowgu uu boqolkiiba 42 ku badan yahay dadka aan hore u soo guursan ama iyaga oo weli dhalinyaro ah guurku ka burburay ama midkood dhintay ee aan dibna u guursan.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey oo ay wehelinayeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda London ayaa sheegay in cilmibaadhiso hore ay muujinayaan in dadka xaasleyda ah hab nololeedkoodu uu inta badan yahay mid caafimaad ahaan saxan, sida oo kalana ay dadka aan xaasleyda ahayn kaga fiican yihiin nolosha bulshada. arrimahaas oo la ogyahay in ay kaalin mug leh ka qaataan wanaajinta caafimaadka qofka.

Waxa ay gaar u sheegeen cilmibaadhayaashu in dadka xaasleyda ahaa ee iyaga oo weli da’ yar uu lammaanaha midkood dhinto ama kala tagaan ay ka nool ama marka ay kala tagaan labadoodaba ku keento warwar iyo sakati si kedis ah ugu dhaca noloshoosa, taasina ay tahay mid ka mid ah sababaha u gogol xaadhaya caafimaad darrada.

5 Dabeecadood Oo Dumarku Ku Nacaan Ragga

Dabeecad ahaan ninka iyo gabadha mid kastaa waxa uu jecel yahay in ruuxa uu nolosha uu yeesho dhammaan tilmaamaha qof bani’aadam ah lagu ammaani karo, i

Baro Astaamaha Dumarku Ku Jeclaadaan Raga

waxa aan idinla wadaagi doonaa daraasad lagu soo bandhigay majalaa The Journal Of Social Psychology, daraasadan oo qeexi doonta qodobo door ah oo gabdhuhu ku raacaan ninka ay ka helaan

Gabadha Leh 14kan Sifo Hasii Dayn Ee Ilaasho Iyadaa U Fiicane

Dadka ku jira xiriirrada waqtiga dheer qaata waxa ay ku tagi doonaan maalin ay is weyddiiyaan: tolow tani ma tahay qoftii aan rabay nolosheyda inta ka harsan in aan iyada la qaato? War gabadhani ma tahay mataanteyda?

Xikmad Kooban Oo Ku Saabsan Dookha Ragga Iyo Dumarkaba.

Raggu waxa ay jecel yihiin in ay dumarka ka helaan seddexdaan dabeecadood.

9 Calaamadood Oo Kuu Cadaynaya In Shaqadaadu Burburinayso Guurkaaga!

Waa laga yaabaa inaad tahay qof shaqo jecel, dadkuna ugu yeedhaan hawl kar aan caadi ahayn, kaasoo shaqeeya asbuucii 80 saacadood. Waa laga yaabaa inaad habayn walba xaaskaaga ama ninkaaga aad u sheegtay in shaqadu kugu daahday, maamulahaaga ku kadeeday iyo wixii lamid ah

Waa Maxay Sirta Ka Danbeyso In Ay Is Shabahi Waayeen Codka Iyo Faraha Aadmigu?

Waxaa  yaab noqotoy markii la ogaaday in faraha dadku aanay ahayn kuwo isku e’eg.  Arrintan ayaa noqotay ta keliya ee lagu kala saaro dadka maanta markii cilmi ahaan loo ogaaday arrinkaasi.

Ma Tahay Qof Wanaagsan? Hadaad Leedahay 4tan Sifo HAA Waxaad Tahay Qof Wanaagsan.

Shaki kuma jiro garashada aad garanaysid sifaadka aad ku fiicantahay inay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan guusha. Waxa la idhi ma jiro bani aadan daciif ah laakin waxa jira bani aadan aan garanayn meelaha u ku fiicanyahay ama sifaadka u ku wanaagsanahay.

Sheeko Kamid Ah Sheekooyinka Jacaylka Ee Ugu Xiisaha Badan

Waxay ahaayeen qoys sabool ah aan haysan wax dhaafsiisan nolol maalmeedka, habeenimadii ayay gabadhiisu ka codsatay inuu u soo iibiyo Gadhfeedha timaha. Markiiba wuxuu ugu jawaabay isagoo aad u murugaysan “Ma karayo, waayo saacadaydaba waxa ka go’ay suunkii waan iibsan kari waayay”? Laakiin niyadiisa oo ay ogayd lama ay murmin waxayna u muujisay dareen wanaagsan.

Maxaad ka Taqaanaa Dhunkashadii Ugu Qaalisanayd Dunida Iyo Qiimaha Ay Ku Kacday.

Dhunkashadii ugu qaalisanayd dunida ayaa dhacday sanadkii 2003dii waxana iibsaday Joni Rimm isaga oo ka iibsaday Sharon Stone,

Nolosha Iyo Qisadii Jacayl Ee Osama Bin Laden Oo 3 Dumara Oo Hal Guri Kuwada Qabay. Qaybtii 2aad.

Khairiah waxa ay ahayd gabadh cilmi nafsiga baratay una adeegta caruurta halka Siham ay iyaduna ahayd macalimad naxwaha carabiga dhigta.

Nolosha Iyo Qisadii Jacayl Ee Osama Bin Laden Oo 3 Dumara Oo Hal Guri Kuwada Qabay

Xili hogaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama Bin Laden uu warbixin bixinayey ayaa waxa uu yidhi “I Aamin aniga, marka caruurtaada iyo xaasaskaagu ka qayb qaataan halganka, noloshu waxa ay noqotaa mid raaxo badan.

Qisada Jacayl Ee Sadaam Xuseen

Inta badan waxaa caado noo ahayd in aanu galabtii saacaddu marka ay shanta gaadho aanu isugu soo baxno barxadda deyrka guriga si halkaas aanu ugu wada cabno shaah casariye ah,

Baro 9 Qodob Oo Aadan Ka Aqoon Qisada Jacaylka Ee Barack Obama Iyo Michelle Obama.

qormadeenan maanta ayaan ku soo qaadan doonaa 9 qodob oo aynu ka baranayno nolosha iyo xidhiidhka qoyska xukuma wadanka maraykanka ee Obama Iyo Michelle Obama

Qisada Jacaylka Ee Sadaam Xuseen Qaybtii 4aad

Muddo sannado ah ayaa aan marar badan subaxdii indhaha ku kala furi jiray Saddaam oo hareertayda hurda. Wejigiisa ayaa laga dheehanayey daal iyo tacab.

Qisada Jacaylkii Sadaam Xuseen Qaybtii 3aad

Lampsos oo ka warramaysa kulankaas koowaad ee iyada iyo Saddaam waxa ay sheegtay in uu aad uga helay hadal caddaanteeda iyo isku kalsoonaanta uu ka dareemay, maadaama oo uu ahaa nin aad looga baqo oo aanay cidi erey ku celin. “Inta uu gacanta I qabtay ayaa uu qolka ila dhex wareegay si uu ila hadlo” ayaa ay tidhi.

Qisada Jacaylkii Madaxwayne Sadaam Hussein Qaybtii 2aad

Xagaagii sannadkii 1968kii goor habeennimo ah, ayaa gabadh ay Lampsos deris ahaayeen, oo Jiina lagu magacaabaa, waxa ay ka codsatay in ay kala soo qaybgasho casuumad casho ah oo saygeedu dad kala duwan isugu yeedhay.

Baro Qisadii Jacayl Ee Sadaam Xuseen Oo Dili Jirey Gabadha Uu Jeclaado Ee Uu Calfan Waayo.

Saddaam Xuseen Taariikhaha aan quruxda badnayn ee laga sheego waxaa ka mid ah in uu marar badan ku wacad furay jacaylka xaaskiisa uu xilligii rafaadka iyo halganka guursaday ee Saajida, marka laga tago guurka uu sifada sharciga ah uu marar kala duwan dangalooyinka ka daba keenay Saajida.

Baro Qisadii Xabiib Bu Raqiba Oo 18 Sano Xidhiidh Jacayl Oo Qarsoodi Ah Waday Oo Sababay Inuu Furo Xaaskiisa

Qoraaga reer Masar ee Sayid Cabdalqaadir ayaa buuggiisa “Zucamaa’ wa Cushaaq” oo uu kaga waramayo qisaska jacayl iyo guurka nolosha

Baro Qiso Xiiso Badan Oo Yaasir Carafaat Gaadhsiisay Inuu Jeclaado Turjumaankiisii

Yaasir Carafaat waxa uu jacayl aragtidii koowaad ku bilowday u qaaday Suhaa Daa’uud oo uu la kulmay sannadkii 1989kii mar uu booqasho ku tegey dalka Faransiiska.

Baro Madaxwayne Jeclaaday Ardaygiisa Walaashii.

Xusni Mubaarak oo macallin ka ah kuliyadda ciidamada cirka ee dalka Masar ayaa waxaa gurigooda ku casuumay mid ka mid ah ardaydiisa oo qoyskiisu u sameeyee xaflad loogu dabbaaldegayo kaalinta fiican ee uu imtixaanka ka galay.

Qisada Jamaal Cabdi Naasir Oo Jeclaaday Inan Uu Dhalay Saaxiibkii Oo Maalin Shaah U Keentay

Jamaal Cabdinaasir, madaxweynihii wadaniyadda Carbeed astaanta u noqday ee dalka Masar ayaa intii aanu xilka qaban oo uu ka

Cali Cabdala Saalax Afadii Uu Jeclaa Markii Ay Ka Dhimatay Ayuu go’aansaday In Aanu Guursan Gabadh Dambe Oo Uu Wejigeeda Sii Arkay

Buugga lagu magacaabo “Nisaa’u Zucamaa” haweenka hoggaamiyeyaasha, oo uu leeyahay qoraaga caanka ah ee Muumin Al-Muxamadi ayaa si xiise badan uga waramaya qisaska jacayl ee madaxweyneyaasha iyo boqorrada Carbeed u hayaan xaasaskooda.

Ma Taqaanaa Qisada Inantii Yarayd Ee Madaxwaynaha Maraykanka Bill Clinton Magiciisa

Subax Arbacaad oo ku beegnayd 21kii Jeenaweri sannadkii 1998kii, ayaa uu Bill xaaskiisa oo hurdada kaga dambaysay toosiyey, kadib inta uu sariirta darafkeeda soo

Ma Rabtaa Inaad Ogaato Qisada Jacayl Ee Madaxwaynaha Turkiga Baro Waatane.

Sannado ka hor ayaa uu madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu daaha ka rogay dhinaca jacaylka iyo kalgacalka ee noloshiisa siyaasaddu cuslaysay.

Baro Qisada Angela Merkel: Ardayaddii Macallinkeeda Jeclaatay:

Angela Merkel oo ahayd ardayad si aan caadi ahayn kaalmaha ugu sarreeya ka gasha waxbarashada, gaar ahaan maaddooyinka Fiisigiska,

Ma Garanaysaa Sababta Ragu Uga Baqaan Guurka Gabadha Fariida Ah Ee Caqliga Badan?

Waxaa jira hal-ku-dheg carbeed oo macnihiisu yahay, “Gabadha doqonta ahi waa sida neefta Khardal la yidhaado, oo neerfayaasha ayey dishaa” Waxa kale ooh al-ku-dhegyadooda ka mid ah,

Qaabka Qofku U Qoslo Waxaa Ka Garan Kartaa Dabeecadiisa

Dhaqanka Qofka iyo qaabka ay Shakhsiyadiisu tahay waxa laga dheehan karaa oo lagala soo dhex bixi karaa, cadooyin iyo ficilo badan oo uu qofku sameeyo, tusaale ahaan qaabka uu u hadlo, u qoslo ama dareenka uu ka bixiyo dhacdo soo waajahday.

Ma Rabtaa Inaad Kala Barato Saaxiibkaaga Doqonka Ah Iyo Ka Kale Ee Fariidka Ah.

Quruxda duuleed oo aynu uga jeedno xarragada labbiska iyo jidhka iyo sidoo kale quruxda maskaxda oo fariidnimo ama garaad badni aynu ku tilmaamnaa waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha jacaylkooda uu aadamuhu ka siman yahay.

WhatsApp chat