China :Wiil Ku Dhashay Saddex Lugood Dhakhaatiirta Dalkaasi Oo Ku guulaystay In Ay Qalniin Kaga Jaraan Lugtaasi Dheeraadka Ah!

Wiil yar oo u dhashay Dalka China ayaa waxa uu qalniin aad u adag kaasi oo lagaga jarayay lug saddexaad oo uu ku soo dhashay wiilkan ayaa waxa uu ku dhashay xaalad dhif iyo naadir ka ah dunida taasi oo magaceeda la yidhaahdo Parasitic twins.

Wiilkan yar ayaa waxa magiciisa la yidhaahdaa Ma Yongfei waxa aanau haatan jiraa muddo 11 bilood ah waxaana aad u adkaatay sidii lugtaasi saddexaad ee dheeraadka ah ee uu ku dhashay balse ugu dambayn nasiib wanaag dhakhaatiirta Dalkaasi China ayaa waxa ay ku guulaysteen in ay si wanaagsan u fuliyaan qalniinkaasi .

 

Sidoo kale xaalada dhaqaale ee labada waalid ee Wiilkaasi dhalay ayaan duruuftooda dhaqaale aanay u saamixin in ay helaan lacagtii lagu qali lahaa balse muddo 11 bilood dhalashadii wiilka kadib ay heleen lacagtii lagu qali lahaa waxa aanay sheegeen waalidka wiilkaasi yar dhalay in ay aad ugu faraxsanyihiin xaalada wiilkoodaasi yar kadib markii qalniinka lagu sameeyay .

 

Xaalada noocani oo kale ah ayaa waxa ku dhasha Halkii Millyan ee qofba qof qudha waana xaalad dhif iyo naadir ku ah guud ahaan Caalamka ,waxaana lagu sababeeyaa arrintaasi in ay tahay Mataano caloosha ku wada jira oo aan Uurka dhexdiisa ku soo kala go’in ayaa sabab u ah sida ay dhakhaatiirta dalkaasi sheegeen .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com