Dadka Ku nool Dalka China ah dad aad u tira badan waxaana dalkaasi ka dhaca arrimo aad u la yaab badan ,maadaama oo Duruufta Noololeed ee dadka Dalkaasi ku nooli ay tahay mid kala duwan.

 

Hooyo dhalin yar ah oo u dhalatay Dalkaasi ayaa waxa ay go’aan ku gaadhay in listo oo ay iibiso caanaha Naaskeeda si ay u bixiso lacag uu dhakhtar ay ku jirto gabadh yar oo ay dhashay ay ugu bixiso waxa ka soo gala caanaha naaskeed ay ka soo listay ee ay iibinayso.

Hooyadaasi ayaa waxa arrintaasi la qaatay Sayigeeda waxaanay labadooduba sheegeen in duruufta adag ee ay ku noolyihiin ay arrintaasi ku kaliftay .

Hooyadan iyo aabahan ayaa waxa ay sheegeen in gabadh yar oo ay dhaleen ay ku jirto mid ka mid ah dhakhtarada Dalkaasi waxa aanay sheegeen in uu dhakhtar ku amray in ay bixiyaan lacag dhan 15.891$,arrintani ayaa waxa sababtay in dad badan oo dalkaasi u dhashay ay baraha bulshada ku eedeeyeen kun dhaleeceeyaan Hay’adaha Caafimaadka ee dalkaasi .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA