Dalka Newzland ayaa waxa dhibaato aad ah ku haya jiirka waxaanu jiirkaasi ku badanyahay gaar ahaan Antiboard ee koonfurta dalkaasi .

Xukuumada Dalkaasi ayaa waxa ay hawl ku qaadi doontaa goobtaasi uu ku noolyahay jiirkaasi faraha badan waxaanay hawl galkaasi u diyaarisay 10 nin oo billays ah iyo sidoo kale saddez Ay oo ah kuwa tababaran ee la shaqeeya Billayska .

Sidoo kale hawlgalkaasi ayaa waxa ka qayb qaadan doona Wasiirka deegaanka ee dalkaasi iyo qaar ka mid ah ciidamada Difaaca ee dalkaasi .

Goobtaasi ayaa waxa ku nool 200 oo kun oo jiir waxaanau dawladaasi qaaday hawlgalkii ugu balaadhnaa abid guud ahaan caalamka ee lagu gumaado jiir intaasi tiradiisu dhantahay waxaanu hawlgalkaasi kharash gareeyay 735 Kun oo Dollar.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA