Ciyaartoyga Messi Oo Maxkamad Saaran

Maxkamadayn ayaa Spain kaga bilaabatay ciyaaryahanka reer Argentine ee kooxda Barcelona-na u ciyaara  Lionel Messi.

Messi iyo aabihii Jorge oo maamula xisaabaadkiisa ayaa lagu eedeeyay in ay Spain ka khiyaameeyeen  4.5 milyan oo cashuur  ah intii u dhaxaysay 2007 iyo 2009-kii.

Mas’uuliyiintu waxay ku dacwoonayaan in labada meelood ee loo isticmaalay in cashuurta  lagula dhuunto ay yihiin dalalka Belize iyo Uruguay si loo qariyo lacagta laga helo xayeysiiska.

Hay’adda canshuuraha ee dalka Spain waxay dalbanaysaa in ganaax culus iyo xabsi lagu xukumo ciyaartoygan. Way beeniyeen inay wax khalad ah sameeyeen.

Waxaa la filayaa in maxkamaddu socoto muddo saddex maalmood ah, iyadoo Messi uu maxkamadda hortegi doono maalinta Khamiista ah.

Dhakhliga Messi ka soo gala waxyaabaha xayeysiiska la xidhiidha, waxaa ku jira heshiisyo uu la galay sharikado sida Bangiga Sabadell, Danone,Adidas, Pepsi-Cola, Procter iyo Gamble iyo sharkada cuntada Kuwait.

Qareennada Messi waxay ku doodayaan in ciyaartoygani aanu weligii hal daqiiqadna akhrin, ama dersin ama lafa gurin, heshiisyadaas.

Laakiin maxkamadda sare ee magaalada Barcelona waxay bishii Juun ee sanadkii 2015 xukuntay in xiddigaas kubbadda cagta aan la siinayn xasaanad looga dhaafayo inuusan waxba ka ogeyn waxyaabaha ka dhacayay lacagihiisa, oo qayb ahaan uu maamulayay aabbihii.

Messi iyo aabbihii waxay iskood u bixiyeen lacag dhan shan milyan oo Euro oo sixitaan ah, una dhiganta canshuurta la sheegay inaan la bixin iyo weliba dulsaar, bishii ogos ee sanadkii 2013-kii.

Messi waa ciyaartoygii shan jeer ku guulaystay laacibka sanadka ugu wanaagsan, wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda adduunka ugu taajirsan.

 

Faalo Ka Dhiibo

comments