Maalqabeenka isla markaana ah Mulkiilaha shirkada Microsoft Bill Gates ayaa waxa in uu jiro cudur cusub oo hawada ay dadka neefsadaan ku faafay kuna dhex baahay guud ahaan Dadka Caalamka ku nool.

Bigteria

Bill Gates ayaa arrintaasi ka dhawaajiyay kadib markii uu soo gaadhay go’aan lagaga joojiyay hawl galo khayri ah oo uunka fuulinayay 10 dal kaasi oo uu magiciisu ahaa “Ajandooyinka Amaanka Caafimaad ee Aduunka ,Bill Gates ayaa waxa uu furay Markaska Maraykanka ee la dagaalanka Cudurada faafa
Kadib markii uu faafay Cudurka Ebola sanadadii 2014kii iyo 2016kii.

Cudurka Ebola ayaa waxa uu sanadadaasi galaaftay noolosha 11 kun oo qof,Bill Gates ayaa waxa uu ku yidhi Waraysii uu siiyay Bogga Business Insiders oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay “cudurkaasi sabab ha u noqoto Khalkhal soo waajahay deegaanka iyo dabeecada ,amase ha noqdo mid ay dad sameeyeene khubarada Aduunka ee ka faalooda isla markaana baadha Cudurada faafa ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro cudur si degdeg ah ugu faafaya hawada ,kaasi oo galaafanaya noolosha in ka badan 30 Millyan oo qof muddo sanad gudihii ah “.

Bill Gates oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu yidhi ” waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in Caalamku uu sidaasi ku jiri kari 10ka ilaa iyo 15ka sano ee soo socda”.

Cudurkaasi ayaa ah mid ilaa iyo haatan ay Khubarada caafimaadka Aduunku ku hawlanyihiin sidii ay u ogaan lahaayeen waxa uu yahay mana jiro magac loo garanayo cudurkaasi hawada ku faafay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA