Daawo Abdi Badil oo hees Ka Samayay Dilkii Saado Cali + Video

Fanaanka Weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Badhil Ibraahim oo ka qeybgalaayey Munaasab loogu baroordiiqaayey Fanaanadii weyneed Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo dhawaan lagu dilay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Soomaaliya, ayaa waxaa uu shegay in Saado Cali Warsame ay Fanka ku soo gacanqabatay oo iyada ay ka danbeysay in uu heeso.

Cabdi badil ayaa waxaa uu sheegay heesaha uu qaado oo dhan in ay iyada sanka ka galisay oo ay iyada ku qasbijirtay si uu u soobaxo isagoona intaasi ku daray in uu Saado Cali Warsame uu u hayo baal weyn.

Cabdi badil ayaa waxaa kaloo uu sheegay in isaga iyo Saado Cali Warsame ay ku balansanaayeen Holland si ay u qaadaan heeso ku saabsan badda Soomaaliya isagoona sheegay in aysan siweyn ugu faahfaain in ujeedada heestaasi.

Abdiqani xasan ( Gadari)
suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply