Daawo arooskii ugu layaabka Badna dunida Gabar 18 jir ah oo loo guuriyay Eey+VIDEO

Mangli Munda oo ah 18 jir u dhalatay dalka India ayaa loo guuriyay xayawaanka Eey-ga, waxaana kasoo qeybgalay xafladdii guurka Mangli iyo Eey la yiraahdo Sheru.

Odayaasha magaalada xaafada Jharkhand ay degan ayaa amray in gabadhan 18 jirka ah guursato Eay si ay ugu badbaado halis nolosheeda danbe ku imaan karta.

,”‘Markaad guursado Eey waa jidka kaliya ee laga takhalusi karo nasiib xun” sidaasi waxaa yiri Aabaha dhalay Mangli oo lagu magacaabo Sri Amnmunda.

Xaafada ay ku nooshahay gabadhani ayaa qeyb ka mid ah dhaqamada looga dhaqmo ay qeyb ka tahay guurkaani, iyadoo ay aaminsan yihiin in haddii aysan aqbalin odayaasha warkooda ay nasiibkeeda uu noqon doono mid xun oo nolol adag ay wajahi doonto.

Mangli waxay sheegtay inaysan ku faraxsaneyn guurka eeyga, laakiin ay qasab ku tahay ajiibka warka odayaasha iyo aabaheed, mustaqbalkana ay rajeyneyso inay guursato nin caadi ah oo nolosha ay la qeybsato.

suxufigadari@gmail.com

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply