Daawo Ciyaartoy Ku Dilay Ciyaartoy Kale Garoonka Dhexdiisa

Ciyaaryahan u dhashay wadanka  Argentina oo lagu magacaabo Michael Favre ayaa dhintay kaddib markii ciyaaryahan kale oo kasoo hor jeeday uu jilibka ugaga dhuftay madaxa, mid kalena kaga garaacay gacanta, dabadeedna uu isla garoonka ku dhex dhintay.

Ciyaaryahankaan oo 24 sano jir ayaa u ciyaarayay kooxda  San Jorge de Villa Elisa ee dalka Argentina, wuxuuna ku dhintay markiba isla goobta oo laga qaaday.

Ilaa weli ciyaaryahanka kale ee dhibkaasi geystay ganaax iyo ciqaab kasoo baxday xidhiidhka kubada cagta Argentina oo la kulmay ma jirto, balse la sugayo inuu wajaho ganaax adag.

 

 

Faalo Ka Dhiibo

comments