Daawo Ciyaaryahan Reer Somaliland Ah Oo Cirka Laga Soodegay Calanka Somaliland

Ciyaaryahanada Somaliland iyo masuuliyiintooda ayaa cirka kala soo deggay iyagoo baalashuut ku duulaya, calanka Jamhuuriyada Somaliland, xili ay ku gudo jiraan safarkooda soo guryo noqoshada ah.
Xiddigaha sanadkan Xulka qarankeena metelayay ee ka qayb galay tartanka koobka aduunka wadamada aan la aqoonsanayn ee Conifa 2016 , ayaa lagu marti qaaday inay dhoolatus cirka ah ka qayb galaan, waxaanay hawada sare ka soo degayeen iyagoo sita calanka jamhuuriyada Somaliland ee midabada Saddexda ah , xidigta iyo Tawxiidku astaanta u yahay.
Somaliland, waxay ku hadhay heerka Group ka , ama hormaynta, waxaanay la soo guryo noqonayaan iyagoo sida halyeyada loogu soo dhaweynayo dalkooda hooyo caasimadiisa Hargeysa, shacabkiina sugi la’yahay.
Hadaba daawo, sawirada qaar kamid ah ciyaaryahanada Somaliland oo callankoodii huwan, kuwaas oo dul sabaynaya wadanka Marti galiyey ee Abkhazia magaalooyinkiisa.

facebook_1465063552099facebook_1465063522958facebook_1465063196375facebook_1465063490007facebook_1465063468858

 

Faalo Ka Dhiibo

comments