Daawo dhismayal cirka sare iyo dayax ,meerayaha xidigaha laga dhisay oo dhawan la degi dono

dunidan maanta aynu joogno waxa la maraya meerto xiliyeed dahabiya hurumarka baladhan ee cilmiga tiknoolajiyada dunida maanta heerka uu gaadhay taaso ku timid dadaalo dhabar adayg adkaysi iyo samir in laga, ibo keeno wax kasto mustaqbelka dunida yaala

umudaha dunida joogta waxay ku kala dheereyen qaarkiis inay helaan khabiiro maskax furan oo faham badan taso hogaanka u qabatay furayasha cilmigu u sahaley adamaha inuu hiigsado hurumar aan horey loo arag abid aduunka
aqoonyahanada ku hawlan inay dharaarba keenan figrad iyo aragti cusub oo aad ugu adag aadamaha qaarba cilmiga meel ayay ka gaadheen

jiilba jiilka xigaana wuxu bartii kasi anba qaaday xariijintii loo jeexey cilmiga cajiibka ah waxana u daadihiyeen halka manta aynu joogno taaso u suuragalisay dalal badan in ay yeeshan khabiiro alifay oo keenayna hindise qaarkiis u muqaal eegyahay mid aan dhici karin

Aqoontan maanta hurumartay waxay abuurtay ifafaalo cusub iyo rajo meel mar ah oo la talaabsatay isbadelka nolasha aduunyada , in kastoo lamoodo bartilaameed aad u adag hirgalintiisu balse waa bilow fiican cilmiga laga tusaale qaadan karo abuuristiisa qorashayaal u muuqda male awaal khayaali ah ,laga dhigo run xaqiiqa .
dhismaha guryo iyo nolal cusub oo xiiso badan oo laga curiyo cirka sare ama meerayaasha Xidigaha cirka sida hotelo lagu casheeyo iyo goobo lagu dalxiiso maaha wax sidaa usii adag in dunida maanta casriga ah oo haatan maraysa maraaxil laga yagleelo goobo loo dawasho tago oo waliba lagu dawaafiyo dalxiis booqasho aan horey loo arag
erayada horay ucaan baxay ee odhanaya hadii adoo cidhif ilaa cidhif saaka joogay galin hore iyo ka danbe midba masaafo qayr caadi ah midna aad ka quraacato kana qadayso midba sacado kooban wadamada aduunyada ee kala duwan oo aad kula cawayso asxaab iyo ehel berya aad kala raagteen

maskaxdii iyo aqoonti u fudaydisay aadamaha inay hesho hiigsashada cilmiga horay ee gadiidka cajiibka badan iyo dayuurad xawaare sare kuu soosaartay inaad hesho ayaa hadana ku hawlan in ku dar dargaliyso qorshe cusub oo looga digo rogto dalxiiska wayaha dunida dacaladiisa waxaana hada lagu socda in loo hayaamo meel abid aan horey loo tagin
maskaxihii hindisay in dhulka dushiisa kolba ay wax aan la maqal keento ayaa bilowday hindisaha dhismeyaal dayaxa iyo meerayasha korkooda ah waxaan la furay buuga diwaan galinta dalxiiska cirka in laguu damaashad geeyo taaso aduundhan 4 milyan oo dolar aad ku xajisanayso buukinka aad dayax gacmeedka ku fuulayso ee hotelka aad ku degayso lagaaga kiraynayo taaso hada socota is qoritaanki dadki ugu horeeyay ee soo booqda daxayaxa dushiisa kuna soo dawaafto dhismayaasha sida cabqariga ah loo alifay

waxaana durba socota qorshayaal lagu wado in laga dhigo kuwa dhab u rumooba iyadoo la rabo in laga sameeyo garoonno kubad lagu ciyaaro mustaqbelka la doonayo in ciyaaro xiiso badan oo marti sharaf badan kas qayb galaan lagu qabto
sheekooyinka dhismayaasha hotelada iyo laamiyo dariiqyo waa kuwo khubaro kala duwan uu ku kala nol dunida qaarba dhankooda ugu hawlan yahiin sanadahan inay sahlaan oo fudaydiyaan gadiidka lagu tagayo ama dayax gacmeedyo yar yar oo dhaqso si fudud kuu gayn kara halkaas

iyadoo sida ugu dhaqasaha badana laga soo celinayo iyo waliba sanaacada iyo farsamooyinka u muqaalka eeg si mucjisada ah , yahiin kuwa door mihiima ka ciyaaraya waxyaabo aan abid hore lo samaynin
waana arin ay ka warmayaan qaar badan oo kamida khubarada naawilaysa inay ka dhabeeyan hindisahan cajiibka badan

suxufigadari@gmail.com

abdiqani xasan farah ( gadari)

hawraarta hargaysa Office 4425186

Faalo Ka Dhiibo

comments

Leave a Reply