Daawo Gabadh Weriye Ah Iyada Oo Live U Tabinaysa Kadib Markay Live U Aragtay Ciyaaryahanka Messi

Reshmin Chowdhury oo ah Suxufiyad ka hawl gasha Telefishanka ciyaaraha caanka ku ah ee BT Sport, khal-khalkaasi ku yimid iyadoo baahin toos ah ku jirta.

Gabadhan 37 jirka ah, ayaa ku sugnayd geggida Nou Camp ciyaartii Barcelona ka adkaatay Roma, iyadoo dhinacyo badan ka eegaysay kulanka iyo taariikhda labada naadi.

Balse, markii ay wax yar uun gudo gashay warbixinteedii, Chowdhury waxaa ka qaldamay wixii ay sheegaysay, waxaanay ilowday inay si toos ah hawada ugu jirto oo balaayiin dad ahi daawanayaan muuqaalada uu gudbinayo BT.

Waxay hadalkeeda ku bilowday: ‘Barcelona hal dhibic oo kaliya ayaa uga hadhsan inay u gudubto wareega isreeb reebka ee tartankan, iyadoo caawa ku marti gallinaysa kooxda Roma. Waxaanu koobkani, naadigani yahay mid si aad ah …….. Alla Hoogay maxaa caawa iga si ah ‘Oh God what is wrong me tonight?’

Markii ay aragtay inay khaladkaas ku jirtona, iyadoo wali ilowsan in dunida dacaladeeda lagala socdo, waxay ka codsatay sawir qaadihii kamarada la hortaagnaa inuu mar kale dib ugu bilaabo oo ay ku celiso warbixinteedii dibna u soo bilowdo, iyadoo aan ilaa xiligaas xaqiiqsan in goor hore warkeedii baahay.

Chowdhury, ooh ore warbixino uga diyaarisay xidigaha kubada cagta intooda badan, sida David Beckham iyo Cristiano Ronaldo, sidoo kale waa suxufiyad ka howsha Idaacada BBC da qaybteeda wararka ciyaaraha.

xigasho cadalool.net

FB.getLoginStatus(function(response) { statusChangeCallback(response); }); { status: 'connected', authResponse: { accessToken: '...', expiresIn:'...', signedRequest:'...', userID:'...' } }
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com